Guurtida Bahweynta Harti Koombe ee Jubba-land &Puntland ee Columbus, Ohio, oo si Gaar ah u Qaabilay Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi.Daawo+Vedio
Casho sharaf gaar ah oo dardaaran iyo sii sogootinba isugu jirtay ayaa guurtida bahweynta Harti Koombe ee ku sugan magaalada Columbus, Ohio, ee carriga Mareykanka Axaddii lasoo dhaafey ay kula sii caweeyeen Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka dowlada Kenya, isagoo laga soo doorto deegaanka Kamakuji ee magaalada Nairobi.
Casho sharaftaas oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qeyb galey nin garboodka Bahweynta Harti Koombe ee deegaanka Columbus oo uu hogaaminanyey Jeneral Maxamed Calishire ayna ka mid ahaayeen Gudoomiye Cabdullaahi Cabdi Fara Cade, Bashiir Maxamd Cabdulle, Xuseen (Jariid) Xasan Cabdi, Axmed Maxamed Yuusuf (Axmed Barawaani), Nuuradiin Mahdi Xaaji Faarax, C/Qaadir Jaamac Xuseen Surey, Maxamed Ibraahin Calishire, Axmed Indho Faynuus, Saciid Xaaji Cabdi, Maxamuud Axmed Cadami, Axmed Dowlad, Cali Maxamud Xirsi (Ali-Jiis), Xaamud Ismaaciil, Cabdifatax Yusuf (Askari), Jaamac Cabdulqaadir maxamd, Axmed Maxamed Xasan, Cabdiraxman M. Cali Xaad, Maxamed Boodayare, Xasan Yagoori, Cabdinaasir Cabdikariim Ismaaciil iyo akhyaar kaloo farabadan oon halakan magacyadooda lagusoo wada koobi karin.
Waxaa gebi ahaanba si weyn la isugu afgartey dhamaan arimihii halkaa lagu falanqeeyay oo ay ka mid ahaayeen amuuro dhowr ah sida sidii garab istaagid iyo taageero buuxda loogu fidin lahaa xildhibaanka oo dib-u-doorasho usoo istaagi doona bilaha fooda inagu soo haya, xaallada maamul u sameynta Jubbooyinka iyo Gedo iyo kaalinta wax-ku-ool ee kaga aadan dowladiisa Kenya, howl iyo nolol u fududeynta bulsho weynta Soomaaliyeed ee u barakacey wadankiisa Kenya iyo sidii xiriir sokeeye oo qoto-dheer kuna saleysan iskaashi iyo is af- garad uu u dhex mari lahaa maamulka uu ka tirsanyahay ee dowlada Kenya, maamulka dowlada Puntland ee Soomaaliya, iyo maamulka soo socda ee dowlada Jubbaland ee Soomaaliya, iyadoo weliba la xusey dareen gelinta xiriir-mataanayn gaar ah oo loo sameeyo Islii, Kismaayo iyo Garoowe mustaqbalka dhow.
Xildhibaanka ayaa aad ugu mahadnaqey sida diiran ee ay bahweynta Harti usoo dhoweysay una marti gelisay isla mar ahaantaana ku bogaadiyey isku duubnida iyo wadajirka ka muuqda ee ay cid walba ku dhaafeen, taasoo uu ku tilmaamey arin ku dayasho mudan, Soomaalida inteeda kalena cashar ka qaadan karaan. Xildhibaanku waxuu xusay in xilliga ugu horeeya ee ay u suurto gasho uu booqasho rasmi ah ku tegi doono magaalo madaxda Garoowe ee maamul dowladeedka Puntland si uu usii taabo geliyo arimaha iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dowladood, isagoo qurbo joogtana u fidiyey martigelin booqasho furan ah oo uu ku qaabili doono xafiiskiisa Nayroobi, Kenya, si ay isula sii lafo guraan dar-dar gelinta isku duubnida iyo wada jirka curtay.
Guud ahaanba jawiga casho sharafta ayaa ahaa mid aad u heer sareeyay oo ay ehelnimo iyo isu boholyowna ku dheehantahay, si weyna la isugu afgartey.
[youtube]PdRkG7nh4KM&[/youtube]
Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi In Columbus
Moderator: Moderators
Re: Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi In Columbus

These nyggas brought they shid to our backyard? Ayyy foc dat.....where the capital park goonz at?
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: Xildhibaan Yuusuf Xasan Cabdi In Columbus
This guy is married to a white woman, see himself as Kenyan first and doesn't care for the nonsense called Jubbaland. He just needs fundraising support for next years election.
Advo
If you cats dropped some coin instead of being stingy, you can have him attend your shinding.
Advo
If you cats dropped some coin instead of being stingy, you can have him attend your shinding.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 816 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 0 Replies
- 781 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 21 Replies
- 1952 Views
-
Last post by Unclebin-
-
- 2 Replies
- 872 Views
-
Last post by Shankaroon_614
-
- 6 Replies
- 1187 Views
-
Last post by BlackRain
-
- 3 Replies
- 954 Views
-
Last post by Unclebin-