Page 1 of 3

Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:06 am
by waryaa
If this news is accurate then we have a new heavy-weight boxing match between the undisputed Pland champion, Abdiraham Farole and challenger Abdiwali Gaas.


http://shabelle.net/dr-cabdiweli-maxame ... gaalkacyo/
Galkacyo (Sh.M.Network) – Waxaaa maanta shir-Jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka daganyahay Magaalada Gaalkacyo Mudane Cabdiweli Maxamed Cali-Gaas oo ahaa Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya haddana ah Xubin kamid ah Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya.

Mudane Cabdiweli Gaas ayaa ilaa 19kii bishii la soo dhaafay safaro ku marayey qaybo kamid ah Gobolada Puntland isaagoo la soo kulmay qaybaha kala duwan ee Bulshadda Deegaanaddii uu tagay sida Galkacyo, Goldogob, Bursaalax, Xerro Jaale, Bayra, Riig-O-manne, Bacaadweyne, Xarfo, Burtinle, Jallam, Kala-Bayr, Garowe, Sunna-Jiif, Danqoronyo, Qardho, Carmo, Bosaaso, iyo qaarkale.

Mudane Gaas ayaa dhammaan degaanadii uu tagay bulshada ku nool kawaraystay xaaladaha guud sida Amniga, caafimadka, waxbarashada, dhaqaalaha, Dimuqraadiyadda iwm isagoo mid-mid u tagay Isbitaalada, Jaamacadaha, dugsiyada H/dhexe, Sare, iyo xarumaha dadweynaha.

Professor Cabdiweli Gaas ayaa sido kale xog-waraysi siinayey dadweynaya iskugu soo baxayey kana qayb qaadanayey soo dhaweyntiisa isagoo istagayey tuulo-min-magaalo kasta una hoyanayey Magaaloyiinka waaweyn.

Shirkiisa Jaraa’id ayuu Mudane Gaas ku soo jeediyey

qodobo kamid ah waxyaalihii uu soo arkay iyo warbixintii ay siiyeen bulsho-weynta reer puntland ee uu kulamada la qaatay isagoo yiri;

Waxay bulshoweynta aan la kulmay ii sheegen anna aan hubsaday in ay jiraan dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale, iyo arrimaha bulshada


Haddan ka hadlo arrimaha siyaasadda, waxay dadweynuhu ii sheegeen in ay jirto xoriyad la’aan iyo cadaadis aysan u suurtagalin in ay si xor ah ku cabiraan fikirkooda siyaasadeed iyo kooda muwadinimo. Waxay dimmuqradiyadu na faraysaa in qofka muwaadinka ah xaq u leeyahay in uu si xor ah u hadli karo, una kulmikaraan, si ay u gutaan xuquuqdooda iyo waajibaadkooda dastuuriga ah. Hase yeeshe, waxay ii sheegen in aysan maanta taas ka jirin Puntland. Saxaafada xortaahina aysan cabsi awgeed uga howlgali karin Puntland aysanna gudbin Karin xaaladda dhabta ah ee ka jirta Puntland.


Waxay ii sheegen in marar badan ay isku-dayeen in ay samaystaan qadooyin iyo fadhiyo ay kaga tashanayaan aayahooda balse ay cadaadis iyo caburin kala kulmeen maamulka Puntland.



Waxay kaloo ii sheegen inkasto ay muhiimtahay in laga qudbo nidaamka qabaliga ah loona gudbo nidaamka dimmuqraadiga ah ee xisbiyada badan, haddana in aysan kalsooni ku qabin in xukuumadda jirtaahi ay arrintaasi daacadna ka tahay fulinna karto.


Waxay kaloo ii sheegen in Gobolladii kumidoobay dhisitaanka Puntland 1998kii ay qaar kamid-ihi aysan gacanta ugu jirin maamulka, qaarkoodna ay samaysteen maamulo u gaar-ah. Waxay kala-furashaadaas Puntland sabab uga dhigayeen maamul xumo iyo aragti la’aanta hogaanka sare ee Puntland.


Waxay kaloo bulshoweyntaasi katirsanayeen maamulka caddalad daro iyo u sinnaansho la’aan khayraadka Puntland.


Waxay bulshoweynta Puntland si waafiya u cabireen waxqabad la’aan la xariirta daboolida baahida aasaasiga ah ee arrimaha bulshada (basic social services) sida caafimaadka, waxbarashadda, iyo biyaha. Waxaa kaloo burburay waxna aan laga qaban halbowlayaasha dhaqaale sida wadooyinka, Garoomada duulista, iyo Dekedda. Waxaa markhaati madoonta ah in wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Bosaaso iyo Galkacyo iyo Dekedda Bossaso ay yihiin hantida kaliya ee laga dhaxlay dawladdi Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.


Waxay meelkastoo aan tagno dadweynuhu ku bararugsanayeen in laga shaqeeyo nabadgalyada iyo xasiloonida Puntland dibna la iskugu soo celiyo Gobolladii iyo Beelihii ku bahoobay maamulka Puntland.


Waxaan meel walba kula soo kulmay shacab u bisil nabad, hogaamin wanaagsan, iyo horumar dhaqaale jiritaanka Puntlandna ay si dhab-ah uga go’antahay.


Waxay kaloo muujiyeen si cadna u diidanaayeen muddo kororsiga xeeladaysan ee maamulka iyo Baarlamaanka xilligiisu dhammaaday.


Talo soojeedin iyo u nasteexayn dawladda:

Waxaa ku habboon maamulka iyo baarlamaanka lagu soo doortay laguna dhaariyey in ay ugu adeegaan xilkooda afarta sanno ee labada bilood ka dhimanyihiin in ay tixgaliyaan dhawraanna rabitaanka shacbiga. Waxaan ku baraarujinayaa maamulka iyo baarlamaanka in aysan galin dalka mugdi iyo khalkhal siyaasadeed oo laga maarmikaro. Waxaa mudan in marwalba danta guud laga hormariyo danta iyo maslaxadaha khaaska ah.
Talo soo jeedin ku wajahan isimadda Puntland. Isimadu waa marjaca siyaasadeed ee Puntland waxayna budhige u ahaayen una yihiin aasaaskii iyo jiritaanka Puntland. Sidaa daraadeed, waxaa waajib gaar-ahi ka saaranyahay in ay marwalba dib u eegis iyo qiimayn ku sameeyaan marxalada uu dalku marayo. Waxaan ku talinayaa in ay isugu yimaadan shir deg-deg ah oo ay ku qiimaynayaan marxalada ay Puntland maanta ku jirto si ay u gutaan waajibaadka ka saaran maslaxadda iyo horumarka Puntland. Isimaddu waxay leeyihiin dowr iyo awood dabiici-ah (moral authority) iyo kalsooni shacab ee aysan siyaasiyiintu lahayn. Waa inayna saas u fahman.

Arragti guud:

Waxaa waajib ah in loo qumo maslaxada guud ee Puntland lagana dheeraado waxkasta oo keeni kara khalkhal siyaasadeed. Waxa kaloo waajib ah in la adkeeyo midnimada iyo wadajirka wixii ka haray Puntland lana doono inta maqan si ay ku jirto dabacsanaan, ehelnimo, iyo daacadnimo.

Dadweynaha reer Puntland waxay horseed ka ahaayen nidaam kastoo horseedikaray dimmuqraasiyad iyo rabitaan shacab waxayna ku caanbaxeen samir iyo dulqaad siyaasadeed. Sidaa daraadeed waa in la dhowraa rabitaankooda iyo sharaftooda. Waa in lala fahmaa shacabweynaha Puntland in ay xeerinayaan midnimada, xasiloonida, iyo jiritaanka Puntland. Waa in aan loo qaadan in ay raali ka yihiin sida qaawan ee mararka qaarkood loola dhaqmo.

Mudane Gaas ayaa wuxuu ka hor mariyey warbixintiisa guud in ay jireen aqabado yar yar ee uu kala kulmay safarkiisii balse uugo’aansaday in uusan waxba kasoo qaadayn kagana gaabsaday in uu kudaro warbixintiisa.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:46 am
by original dervish
It seems that p/l may be heading for a political crisis.
faroole has extended his term by one year, while most of the opposition have publicly stated they will oppose the extension of a single day .

hopefully a compromise will be reached soon.
puntlanders have invested to much blood, sweat and tears to push the self destruct button.

What is it with Africans and term extentions, they`re all at it.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:48 am
by Rabshoole
Kii Faroole jab

Image

AW/Gaas ha guuleysto. :D :up:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:49 am
by Barwaaqoiyobashbash
Hopefully My Adheer takes faroles spot. :som: :up:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:53 am
by BlackRain
Barwaaqoiyobashbash wrote:Hopefully My Adheer takes faroles spot. :som: :up:
meesha hilib ma laqalaa?

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 9:56 am
by Barwaaqoiyobashbash
Haa. :som: :up:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:22 am
by waryaa
why d u guys support one over the other? any convincing reason? he is my subclan doesn't cut it coz others close to the other man will cancel u out.
other than blood ties, who is better?

I know one thing: Abdiweli didn't go to puntland for any humanitarianism mission - he went there to advance his political career. Politics is like a tree and u must clime it from the bottom to get to the top. Abdiwali and Farmajo were dropped on to this tree, just one branch from the top. They couldn't lift themselves up to the top or maintain balance @ where thery were. Farmajo is still circling around the top and waiting for another shortcut. Abdiwali went to Galkacyo, his ancestral land to try to climb the tree the right way.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:35 am
by original dervish
Pl is ready for new leadership, there are a lot of people dissatisfied with the Faroole regime.
The main issues being security and corruption.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:40 am
by Rabshoole
waryaa wrote:why d u guys support one over the other? any convincing reason? he is my subclan doesn't cut it coz others close to the other man will cancel u out.
other than blood ties, who is better?

I know one thing: Abdiweli didn't go to puntland for any humanitarianism mission - he went there to advance his political career. Politics is like a tree and u must clime it from the bottom to get to the top. Abdiwali and Farmajo were dropped on to this tree, just one branch from the top. They couldn't lift themselves up to the top or maintain balance @ where thery were. Farmajo is still circling around the top and waiting for another shortcut. Abdiwali went to Galkacyo, his ancestral land to try to climb the tree the right way.
My choice is solely based on qualifications, Ex Taxi Driver w/some experience or Ph.D. holder in Economics from George Mason University, not to mention his recent position, doesn't take a rocket scientist to decide which one will convey PL where it needs to be. :steviej:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:45 am
by original dervish
There is no doubt Gaas is a strong candidate, easily the biggest threat to Faroole.
However, as the sitting African incumbent, Faroole still holds most of the cards.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:46 am
by Gantaal05
original dervish wrote:Pl is ready for new leadership, there are a lot of people dissatisfied with the Faroole regime.
The main issues being security and corruption.
You may want to look up the definition of 'regime' because Faroole came to power through the ballot (your clan even majoritly voted for him, while most Mj's voted for Ilka jiir)
:ufdup:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:49 am
by Rabshoole
original dervish wrote:There is no doubt Gaas is a strong candidate, easily the biggest threat to Faroole.
However, as the sitting African incumbent, Faroole still holds most of the cards.
Sadly, but true :down:

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:54 am
by Gantaal05
Faroole came to Power through Ballot and he will leave through the ballot too. besides he's term hasnt even finished yet
ex prime Gaas. what has he contributed for Puntland? he barely even visited Puntland while he was in Mogadisco, now that he has lost power he's coming to us.. a-a-a we arent falling for trap again as puntlanders :ufdup:
He even made fake promises to Puntlanders saying he will found the building of Qardho's Unniversity where even hes wife hails from. :down:
he need to go back where he come from, farole will step down when hes term has finished :lost: we do not need spoilers

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 10:55 am
by waryaa
rabshoole, politicians run countries, economists work for governments and corporations. Even in economics, Farole has a life long career in finance, etc. According to a classmate of his, he had Ms in economics B4 the civil war and worked as a a banker. In my opinion, driving a cab to make ends meet temporarily is strength than weakness.

In my opinion, Farole's weak point is not about qualification but arrogance little respect for clan chiefs.

Re: Farole VS Abdiwali

Posted: Tue Nov 06, 2012 11:18 am
by AbdiWahab252
Abdiweli pissed his pants in Bosaaso after Halyeey Faroole sent out local forces to apprehend him. he was saved from being arrested by his CM kin who came from Galkacyo.

Faroole ain't quitting any time soon. He has the resources, standing and power to keep the crown.

The irony in all this is that Cabdiweli who was a rabid Puntland advocate as PM is facing more pressure and problems there than in Xamar. :lol: