Hargaysa-Xoghayaha Warfaafinta ee xisbigii doorashada Dawladaha Hoose qaadacay ee Udub Cali Cismaan Cabdi (Xaraaro) ayaa soo bandhigay dhacdooyin iyo ceebo la soo gudboonadey xukumada siilanyo mudadii 2da sano iyo badhka ahayed ee ay la rafanaysay talada dalka oo badidooda ay furdaamintooda ku fashilantay, qaarkoodna Baro madow oo aan weligood ka tirmayn xukumada Siilanyo ku noqdeen.
Sidoo kale Cali Xaraaro wuxuu naqdiyey ama tafniiday waxqabadka 70% ay dhawaan xukumada Siilanyo isku bogaadisey balse Bulshoweynta reer Somaliland ka biyo diiden oo Bug iyo Been ku sheegeen.Waana kan Qoraalkii ama war-murtiyeedkii Cali Xaraaro soo saaray oo ishii iyo saxarkiiba ka soo guray:-
“Wax-Qabadka Xukuumadda Qalinkaa ka xaday eber-ka (siirooga) todobada ka dambeeya, waxay dhawaan xukuumaddu soo saartay inay 70% ku guulaysatay wax-qabadkii ay ugu talo gashay muddada shanta sanadood ah, taasi oo noqonaysa inay xukuumaddu 16 saacadood maalin walba shaqaysay, iyada
oo la ogyahay inay 4 saacadood in ka yar maalin walba shaqayso taasina
waxay noqonaysaa inay 7% ay qabato ilayn afar saacadood uun baa la
shaqeeyaa.
Haddaba xisbiga UDUB oo muddo ku siman 10 sannadood talada dalka soo
hayay, isla markaana waayo arag ku ah arrimaha maamulka ee dalka waxa
uu diiwaan geliyay inay jirto wax qabadka iska daaye inay waxyeeladu
ciidaa ka badantahay tusaale ahaan waxaanu halkan idiinku soo
koobaynaa dhacdooyinka wadanka ka dhacay labadii sannadood iyo badhkii
ay talada dalka hayeen Xukuumadda Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisa
KULMIYE.
1. Mudada sannadood iyo badhka ahayd ee ay KULMIYE awoodda hayeen waxa
la ogyahay in ugu yaraan 161 dil ka dhaceen Somaliland, taasi oo aan
dhicin tobankii sannadood ee ay UDUB haysatay.
2. September 2010 waxa xeebta galbeed meel u dhaxaysa Lughaya iyo
Saylac dhexdooda ka soo degay ciidamo tiradooda lagu qiyaasay 300 oo
maleeshiyo ah, waxaanay 24-saacadood in ka yar maleeshiyadaasi kaga
gudbeen xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia, taasi oo keentay
inay masuuliyiintii Xukuumadda Axmed Siilaanyo hadalo is-dhaaf ah kaga
jawaabeen dhacdadaasi, ilaa maantana siday arrintaasi u dhacday wax
lagu qanco xukuumadda Axmed Siilaanyo may horkeenin shacabka.
3. Muddo yar dabadeed ciidamo Puntland leedahay ayaa soo galay xuduuda
Somaliland gaar ahaan bariga Sanaag, iyaga oo dagaal ku soo qaaday
ciidan beeleedyo halkaasi deganaa oo reer Somaliland ah. Kuna soo
dhawaaday magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, xukuumadda
Siilaanayana waxba kama odhan, talaabana kama qaadin.l
4. sidoo kale waxa meesha la yidhaahdo Kalshaale isku dilay berkado
laba beelood oo halkaasi wada dega, ka dibna waxa si toos ah dagaalka
u galay ciidanka Qaranka Somaliland oo beel ka mid ah labada beelood
xoojiyay, taasi oo keentay inay sii fogaadaan dad loo baahnaa in
Somaliland lagu soo jiido oo u dhashay Somaliland.
5. Maxkamadda Caynabo gudaheeda waxa duhur cad lagala baxay gabadh ka
soo jeeda beelaha la hayb sooco, taasi oo ay xoog ku kaxaysteen beesha
degan magaalada Caynabo oo ah beesha uu ka soo jeedo madaxweynuhu,
arrintaasina ilaa maanta wuu laalan yahay, waxbana lagama qaban.
6. Diyaarad saanad ciidan u siday Puntland ayaa iska soo fadhiisatay
madaarka Hargeysa, taasi oo markii nimankii waday la keenay maxkamadu
ay yidhaahdeen miyaanay halkani Somalia ahayn, ka dibna waxa la noo
sheegay in raggii watay iyo diyaaradiiba la soo daayay, lana sheegay
in waxoogaa lacag ah laga qaaday.
7. Waxa kale oo xusid Mudan nin Jarmal ah oo sameeyay waxyaabo dhaqan
xumo oo diinta Islaamka ka soo horjeeda, muddana dadku ku mashquuleen,
aakhirkiina la xukumay, haddana la sheegay in diyaarad loo saaray
dalkiisa.
8. Muran ka dhacay Jaamacadda Hargeysa oo ah goob waxbarasho, haddana
xalkiisa si siyaasadaysan loo maamulay, taasina ay keentay in muddo ay
Jaamacadu xidhnaato.
9. Dilkii foosha xumaa ee ka dhacay deegaanka Seemaal, loona xidhay
dad badan oo lagu tuhmay, kana mid ahaa dadkaa la xidhay la taliyihii
dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha Somaliland. Isla markaana xilkii
lagaga qaaday taliyihii ciidanka Qaranka Somaliland. Maantana waa
wasiirka Warfaafinta Somaliland, taasi oo fadeexad ku noqonaysa
dawladnimada Somaliland.
10. Fadeexad xilka lagaga qaaday maayarkii hore ee Gabilay, laguna
bedelay ku xigeenkiisii, iyada oo golihii deegaanka Gabilay-na loo
diiday fadhigii ay xaqa u lahaayeen inay fadhiistaan oo ay Maayar ku
doortaan, taasina ay keentay colaad iyo kala weji dadab dadkii ku wada
noolaa Gabilay.
11. Guryihii lagu gubay xaafadda Gacan Libaax oo aan ilaa maanta la
sheegin cid gubtay iyo sabab loo gubay toona.
12. Xilka qaadistii Gudoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka, isaga oo
lagu casuumay khudbad sannadeedkii uu Madaxweynuhu labada gole ka
horjeedinayay, isaga oo yidhi, kana xilka waan ka qaaday, taasi oo ka
baxsan hab maamuuska iyo maamulka madaxdaba.
13. Xadhigii masuuliyiintii Qaranka sida badhasaabkii Hargeysa iyo
agaasimihii guud ee Wasaaradda Dib u Dejinta, kuwaasi oo lagu eedeeyay
inay lunsadeen raashin ay dad danyar ahi lahaayeen, muddona lix
bilood ah xidhnaa, ka dibna maxkamadda dib loo keenay lana sheegay in
kiiskaa lagu waayay. Raashinkii danyartu lahaydna oo laba doonyood
ahaana cid lagu eedeeyay oo kale iyo cid loo raacay toona aanay jirin.
14. Dagaalkii Buuhoodle ka dhacay, kaasi oo xilka lagaga qaaday
taliyihii ciidanka Qaranka.
15. Dadkii danyarta ahaa ee laga raray suuqyada, xabaalaha, Jajabka,
shacabka iwm dadkaasi oo kumaan kun ka badnayd meel la geeyay aanay
jirin.
Intaa waxaynu ku soo koobaynaa arrimihii gudaha
arrimaha Debada
1. Bil ka dib markii xukuumadani talada la wareegtay wuxuu wasiirka
arrimaha debadu ku dhawaaqay in la bedelay siyaasadii hore ee
Somaliland ku socon jirtay oo ahayd in aynaan Somalia ka mid ahayn,
lana horfadhiisan jirin, meel ay Somalia fadhidana la tegi jirin,
sheegayna in lagu bedelay xagga wax qaybsiga iyo inaanu ka mid nahay
Somalia, lana horfadhiisan doono Somalia meel kasta oo ay ku shirayso.
2. Wuxuu madaxweynuhu labada gole ee Sharci dejinta ku mariyay in laga
qaado qodobkii xayiraada saarayay cida ka qayb gasha shirarka Somalia
inay tahay dambiile qaran, taasi oo bilaa dood lagaga qaaday.
3. Shirkii Magaalada london oo ay is-horfadhiisteen madaxweynihii hore
ee dalka Somalia (TFG-da la odhan jiray) Sheekh Shariif iyo
Madaxweynaha Somaliland, sawirkaasi oo u dhignaa inay Somaliland la
mid tahay Puntland.
4. Jahawareer ku yimid siyaasadii arrimaha debada ee Somaliland, oo
aan ilaa maanta la moodo inay xukuumaddu cadaysan kari la’adahay waxay
doonayso.
Waxa kale oo dhacay, hay’adihii sharci dejinta oo ku milmay waaxdii
fulinta, tusaale ahaan Gudoomiyihii golaha wakiiladda oo haddana ah
Gudoomiye urur, taasina ay ku timid faragelin Madaxweynuhu si toos ah
u soo farageliyay golayaashii sharci dejinta
haddaba, marka la eego dhammaan dhacdooyinkani oo ah waxoogay yar oo
ka mid ah dhibaatooyinka dhacay ee UDUB diiwaangelisay, isla markaana
ay jiraan kumanaan kale oo aanaan halkan ku soo wada bandhigi karin,
lagana yaabo inaad idinkuba qaarkood xasuusan tihiin, waxa xukuumadda
Axmed Siilaanyo looga fadhiyaa waxqabad ay sheegtay inay faah-faahiso
sidan oo kale.
Haddaba anaga oo aan odhanaynin waxba may qaban ilayn nin meel
fadhiyaa wuxuun wuu qaban’e miyaan la odhan karin 7% ayay xukuumaddu
qabatay, balse todobaatanka waxa kaga dhacay khalad madbici ah.
Haddii aanay sidaasi ahayn waa looga fadhiyaa inay soo
bandhigto todobaatankaasi oo qodobaysan.
Allaa Mahad Leh
Cali Cismaan Cabdi (Cali Xaraaro)
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UDUB
Dhacdooyin Iyo Ceebo Xukumada Siilaanyo
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 29468
- Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm
Re: Dhacdooyin Iyo Ceebo Xukumada Siilaanyo
Far to long to read.
Can`t you provide a summary?
Can`t you provide a summary?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1572 Views
-
Last post by ChiefAaqil
-
- 1 Replies
- 234 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 0 Replies
- 236 Views
-
Last post by XimanJaale
-
- 0 Replies
- 331 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 8 Replies
- 663 Views
-
Last post by Notorious13
-
- 6 Replies
- 752 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 0 Replies
- 283 Views
-
Last post by Casri55
-
- 45 Replies
- 1976 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 3 Replies
- 343 Views
-
Last post by Deqa111
-
- 2 Replies
- 353 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl