Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland welcomes new Deputy PM
Posted: Tue Nov 06, 2012 6:30 pm
Hargeysa-Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, ayaa sheegay in Raysal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibedda Somalia Foosiya Xaaji Aadan Qabille tahay qof Somaliland jecel qaranimadeeda, taas oo uu tilmaamay inaanay ka suura geli Karin wax Somaliland dhib ku ah inay samayso, isaga oo reer Somaliland u soo jeediyey inay soo dhoweeyaan oo aanay odhan dhib ayaa ka iman karta xilka loo dhiibay Foosiya Xaaji Aadan.
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Madax dhaqameedkii iyo Siyaasiyiintii ka soo jeeday Beelaha dega dhinacyada Somaliland ee Somalia u tegay inay dhisaan Dawladda ee waxba ka soo waayey Xukuumadda Cusub, inay dalka dib ugu soo laabtaan oo ay umadddooda wax la qaybsadaan.
Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir, oo arintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Xilka loo Magacaabay Foosiya Xaaji Aadan, waxaan u arkaa mid aan wax dhibaato ahi ku jirin, dadkuna ma aha inuu yidhaahdo qofka xilkaas loo magacaabay Somaliland ayuu ka hor imanayaa, waayo anigu ma qabo inay Somaliland ka hor imanayso Foosiya Xaaji Aadan, mana jiro qof Somaliland ka jecel Foosiya, waayo waaxaanu is naqaanay muddo aad u dheer, waana qof muwaadin ah oo wixii suura gal ahba isku dayi kata inay u qabato Somaliland”
Suldaanka oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray “Cidda la wada hadlayaana waa Somalia, marka ay iyadu ka soo jeedo Somalia inay isku soo dhowayso oo aynu xidhiidh fiican yeelanaa waa lagama maarmaan, Laakiin Gooni isku taaga Somaliland waxaan qabaa mid aan ka maqnayn Foosiya Xaaji Aadan inuu yahay, markaa waxaan leeyahay waa in la soo dhoweeyaa oo aan si kale loo arkin”
Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey in Xilka Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan loo Magacaabay ee Raysal Wasaare ku Xigeenka Somalia ahi uu saamayn ku yeelan karo Somaliland, waxa uu ydhi “Mar haddii aan Dawladda Somalia loo qaybin Koonfur iyo Waqooyi oo aanay ahayn Konton iyo Konton oo aan la odhan waxaynu ahayn laba dal oo isku tegay, sidaas lama odhan oo beelaha min hal qof ayaa la siiyey, taasina waxa saamayn ah ma laha”
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo ka hadlayey Madaxdhaqameedkii iyo Siyaasiyiintii Somalia u tegay dhisidda Dawladda Somalia ee waxba ka soo waayey, gaar ahaan Beelaha dhinacyada waxa uu yidhi “Beelihii Somalia tegay ee Somaliland ka midka ah, waxaan leeyahay haddii aad Dawladda waxba ka soo waydeen waa inaad dib u soo noqotaan oo aad nabadda qaadataan Somaliland iyo Dawladdeeda, mar haddii aad waxba ka waydeen Somalia”

how naive