Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by Coldoon »

Wasiiro &Masuuliyiin Puntland ah oo Booqasho Rasmi ku tagay Degmada Boocame ee Gobolka Sool (Sawiro)

Waxaa Goboolka Sool khaasatan Degmada Boocame soo Gaadhay Wafti Heer sare ah oo isagu jira Wasiiro ,Agaasimayaaal iyo Maamulka Gobolka Sool ee Puntland.Waftigan oo uu Hogaaminayey Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Inj Daahir Haji Khaliif ayaa waxaa kaloo la socday Wasiirka Caafimaadka iyo Agaasimayaal,sidoo kale waxaa Waftiga isaguna la socday Gudoomiyaha Gobolka Sool ee Maamulka Puntland.
Waxftiga ayaaa Booqashadoodu waxay ahayd Booqosho Rasmi ah sida ay saxaafada u sheegeen iyagoo booqday meela badan oo magalada ka mida sida MCH <Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka >Waxay kaloo Masuuliyiintani Booqdeeen Goobo ay ka mid yihiin Goobaha Wax barashada iyo Schoolada Degmada,Isbitaalka Magalaada,iyo Goobo ay Booqashadoodani ku jihaysnayd oo muhiim u ahayd waftigaasi soo gaadhay Boocame.
Wasiiradani iyo Masuuliyiintani Booqanayey Degmada Boocame ayaa markii ay dhamaysteen Booqashadii Gudaha Magaalada Boocame waxay markii danbe socdaal gaaban ku soo kala bixiyeen Beeraha Magaalada. Markii ay kormeerka koodii ugu danbeeyey ee Dhinaca Beeraha ay soo dhamayteen ayaa Wasiiradani iyo Masuuliyiintani waxay nasasho in muddo ah ku qaateen Beeraha Magaalada Boocame iyagoo halkaasi kaga dhegaystay masuuliyiinti Degmada Baahida Degmada Boocame ,waxayna kolkii danbe Masuuliyiintani dib ugu soo noqdeen Degmada

Image
Image
Image
Image
Image
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by oxymoron »

SOOL Region Health Initiative: Puntland Minister of Health comes for Inspection and working visit
Wasiirka Caafimaadka Puntland Oo Markii u horeysay Kormeer Shaqo ku tagay Gobalka Sool (Warbixin iyo Sawiro)


Posted by Pi on November 6th, 2012

Garowe: Degmada Boocame ee Gobalka Sool ayaa waxaa maalintii shalay kormeer shaqo ku tagay Wafti ka tirsan Xukuumada Puntland oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali C/laahi Warsame. Waftigan waxaa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha guud iyo Gaadiidka Daahir Xaaji Khaliif iyo Wasiir ku xigeenka Deegaanka, Duurjoogta, Daaqa iyo Dalxiiska Burhaan Cilmi Filiq.

Gudoomiyaha Gobalka Sool, Duqa Degmada Laascaanood, Odayaal iyo waxgarad ayaa kusoo dhaweeyey waftiga Degmada Boocame, Tukaraq, Buurawadal iyo Falayryaale oo ay waftigu kormeer shaqo ku mareen shalay. Waftigu waxay ku hormareen Degmada Boocame oo ay soo dhawayn kala kulmeen maamulka iyo waxgaradka Degmadaas iyadoo ay kulamo la qaateen waftigu waxgaradka, Odayaasha iyo Maamulka Degmada Boocame iyo kan Gobalka Sool.

Kormeerka Waftiga ayaa ku aaday xili uu Degmada Boocame iyo Tuulooyinka hoos taga uu ka soconayo Ololaha Talaalka Maalmaha Caafimaadka Caruurta iyo Hooyada Dhaqmaadka ah (Child Health days), waxaana waftiga Wasiirka Caafimaadku kormeereen sida ay kooxaha caafimaadku u wadaan Talaalka waxayna meelaha ay booqdeen ee kooxaha talaalku ololaha ka wadeen ay wasiiradu dadka ku dhiirigaliyeen inay caruurta wada talaalaan si looga hortago xanuunada laga hortagayo isla markaasna ay caruuruhu qaataan nafaqooyinka la socda talaalka iyo hooyooyinka oo ay ku dhiirigaliyeen inay qaataan talaalka u gaarka ah.

Kulan balaaran oo ay waftigu kula qaateen Degmada Boocame Maamulka, Odayaasha iyo Waxgaradka ayaa dadka deegaanku waxay wasiirada uga warameen xaaladaha caafimaad ee ka jira Gobalka Sool iyo guud ahaan xaaladaha kale ee Gobalkaas iyadoo ay dowladda ka codsadeen in wax laga qabto arimaha bulshada oo Caafimaadka, Waxbarashada iyo Biyuhu ay ugu horeeyaan.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa Maamulka Gobalka Sool, Maamulka Degmada Boocame, Odayaasha iyo waxgaradka Gobalkaas waxa u uu sheegay in dowladda Puntland golaheedu wasiiradu ay ugu yimaadeen kormeer hawleed oo ay ugu kuur galayaan xaalada dhabta ah ee ka jirta Gobalka iyo kormeerida hawlaha Caafimaadka oo uu wasiirku sheegay in wasaaraddiisu ay ka wado Gobalka Sool, Wasiirka Caafimaadku wuxuu u sheegay Waxgaradka iyo Maamulka Gobalka Sool in wasaaradda caafimaadku ay ka shaqeyso guud ahaan Gobalka Sool xitaa wasiirku waxa uu sheegay inay mushahaaraadka iyo Daawada siiyaan Isbitaalka Degmada Laascaanood oo gacanta dowladda ka maqan sidaasna waxa uu wasiirku sheegay inay u yeeleen in dadkii reer Puntland yihiin dadka reer Laascaanood oo shaqaalaha Isbitaalka ka shaqeynaya ay yihiin muwaadiniintii ayna xaq u leeyihiin in mushaarka loo wado iyadoo Laascaanood ay gacanta dowladda ka maqan tahay.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame waxa uu sidoo kale u sheegay waxgaradka Gobalka Sool in koox dhakhaatiir ah oo Wasaaradda Caafimaadka ka tirsan ay hawlo caafimaad oo baaritaan iyo daaweyn ah ay ka wadaan Degmada Boocame, Tukaraq, Falayryaale iyo Buurawadal.

Wasiirada kale ee la socday Wasiirka Caafimaadka Puntland ayaa iyaguna bulshada u sheegay in xukuumadda Puntland ee jirta ay diyaar u tahay inay dadkeeda xaaladaha nololeed ee ay ku nool yihiin ay u kuurgasho, booqashadooduna ay tahay mid uu wax qabad balaaran uu ka danbeeyo.

Wasiirka Caafiamadka Puntland Dr. Cali C/laahi Warsame ayaa Boocame iyo Tukaraq Xarumaha Caafimaadka ee hooyada iyo Dhalaanka wax auu dhagax dhigay Dhismayaal lagu siyaadinayo oo baahi weyn loo qabo si loo balaarsho baahida caafimaadka aasaasiga ah.

Booqashada Waftiga ee Gobalka Sool oo qaadatey hal maalin ayaa Waftigu waxay habeenimadii xalay dib ugu soo noqdeen magaalada Garowe ee caasiamda Puntland iaydoo waftigu ay ka sheegeen Deegaanadii ay soo booqdeen nabad iyo degenaansho, waxayna ku aadeen xili barwaaqo ah oo dhulku cagaar yahay xooluhuna ay barqo dharag yihiin oo ay hareeraha wadadda ay daaqayaan. Kormeerkan waxa uu sidoo kale kusoo aadayaa iyadoo ay Wasaaradda Caafimaadku ka wado Gobalka Sool Ololaha Talaalka waxayna waftigu intii ay booqanayeen Degmada Boocame iyo Tuulooyinka hoosta ay la kulmayeen shaqaalaha Caafimaadka ee talaalka ka wada Gobalka Sool.

Sawirada hoos ka daawo

Waxaa nasoo gaarsiisay Qoraalkan iyo Sawiradda
Wasaaradda Caafimaadka
C/wali Maxamed Aadan (Sanka)

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by oxymoron »

Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by Coldoon »

Oxy,

Thanks inaadeer for the video/pics. :up:
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by oxymoron »

Coldoon wrote:Oxy,

Thanks inaadeer for the video/pics. :up:
No problem, inaadeer. 8-)
User avatar
KyrieJama
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3930
Joined: Tue Aug 24, 2010 8:21 pm
Location: Somalia

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by KyrieJama »

Boocame 8-)
oxymoron
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2505
Joined: Tue Jul 05, 2011 10:39 am
Location: Your BS starts and dies in Xamar, where you can't even go swimming without your Adoon boyfriends.

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by oxymoron »

Boocame farms in Sool region(videos) :clap:

[youtube]RMUYeunB7QE#![/youtube]



Allahu Dhowr Puntland State Of Somalia. :som: :up:
Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: Puntland Ministers visit Boocame, Sool

Post by Coldoon »

Ceelka Boocame


Allahu Dhowr Puntland State Of Somalia. :som: :up:
Amiin. Allayahow Puntland dhowr another Image years and more. :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”