Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
CoolPoisons
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10533
Joined: Sun Dec 16, 2007 7:23 am

Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Post by CoolPoisons »

Khadro Basaweyne oo ka mid aheyd Ganacsatada Kismaayo oo shil gaari ku geeriyootay.Allaha u naxariisto.

Inaalilaahi waínaalilaahi Raajicuun, Waxaa warar inaga soo gaaraya magaalada Goobweyn ay sheegayan inay shil gaari ku geeriyootay Allaha u naxariistee Khadra Basaweyneoo ka mid aheyd halbowlaha ganacsiga ka socda magaalo xeebeedka Kismaayo.

Marxuumad Khadro Basaweyne oo socdaal uga ambabaxday magaalada Goobweyn kana socdaashay magaalada Kismaayo ayaa waxaa rogmaday gaarigii ay saarneyd. Waxaana gaariga uu u dhacay dhinaca ay iyada ka fadhiday kadibna uu dusha uga yimid gaarigii, sida ay inoo sheegeen qaarka mid ah ehelada Marxuumad Khadro Basaweyne.

Geerida Khadro Basaweyne ayaa waxaa si weyn uga naxay dadka yaqaanay, kuwaasi oo ku tilmaamay inay aheyd maskax dhaqaale oo muhiim u ahaa nolosha Kismaayo, iyaddoo sidoo kalana sheegay inay aheyd hooyo isku waday ganacsiga iyo daryeelka ubadkeeda.

Marxuumada ayaa saaka lagu aasay magaalada ay dageneyd ee Kismaayo. Waxaana ka qeybgalay aaskeeda inbadan oo ka mid ah dadka magaalada.

Waxaa ay allaha u naxariistee Marxuumad Khadro Basaweyne ifka uga tagtay 7 caruur ah oo ku nool isla magaalada Kismaayo, waxaana hadda gacanta ku haya Aabahood.

Your ads will be inserted here by

Easy AdSense.

Please go to the plugin admin page to paste your ad code.

Marxuumada iyaddo ay wada-dhasheen wiilal iyo gabadhana, haddana waxaa caan ah oo ay la dhalatay Maxamed Basawyne oo ah Madaxa Dhaqaalaha ee hayádda HIRDA ee ka howlgasha Somaliya iyo Holland.



Maamulka Shabakada Warbaahinta ee Kismaayo24.com waxaa uu ka tacsiyeynayaa geeridaasi ku timid Marxuumad Khadra,iyaddoo aan ehelkii iyo qaraabadii aanu leenahay samir iyo iimaan allaha idin ka siiyo, halka aan Marxuumada alle uga rajeyneyno inuu qabriga u nuuriyo, aakhrina janadii ugu bishaareeyo. Aamin Aamin.



Cabdixakiim Cabdi Ismaaciil (Xaajiga)

Denhaag, Holland.
daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Post by daiman »

Alaahey ha u nahariisto
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Post by Substance »

AUN.
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Post by original dervish »

AUN

iidoor :arrow: :sland:
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7665
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Re: Breaking news Marehan businesswoman dies in Kismayo

Post by Smile-LiKe-SuN-RiSE »

AUN.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”