Hargeysa: Dhib jirta iyo Dhoohni waxgarad!!

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
KingBlack
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 845
Joined: Tue Feb 24, 2009 6:17 pm
Location: God keep our land glorious and free!Canada, we stand on guard for thee.

Hargeysa: Dhib jirta iyo Dhoohni waxgarad!!

Post by KingBlack »

Waa arrin dabiici ah in dhibi kula soo gudboonto, oo dadyowga oo dhami waa ka siman yihiin. Waxaase lagu kala duwan yahay dhibtaa ku dul-joogsigeeda, lafa-gurkeeda, sababaynteeda dhabeed iyo sidii xal wax ku ool ah looga gaadhi lahaa. Dhibtani mid jirta oo dahsoon iyo mid jirta oo muuqata labadaba waa noqon kartaa. Sidoo kale mid dadku sababeen iyo mid dabiicaddu keentay labada iyana waa noqon kartaa. Haddaba, dhibtaa waxa furdaamin kara caqli xor ah oo lagu hubeeyay aqoon dhab ah. Labadan hawl galkoodu waxay hayaanka ku furayaan kob si walba u dhaanta ta maanta saan-madoobe badan iyo saan-cadde kaleba iska dhex yuururaan. Ogowse, haddii aad u ood jiiddo oo ay meesha ka baxaan; diintaad doonto hayso, qaaraddaad doonto ku noolow, midabkaad doonto lahaw, Khayraadkaad doonto dhex joog, waa kuu leel leel iyo luuf luuf, harraad iyo hammuun, milic iyo mugdi, baahi iyo baryootan, cudur iyo caydh, silic iyo saxariir, ciil iyo cadho, khuraafaad iyo been, xasad iyo xag-jirnimo, dalan-dool iyo dalan-baabi, gunnimo iyo gumaysi. Miyaanay sidaa ahayn? Bal cabsi la’aan hareertaada yar fiiri, oo wixii kuu soo baxa nala wadaag.

Haddaba, dhawaan oo aan dalka tagay, waxaan dhaayaha ku dhuftay, dhegahana ku weeleeyay dhibo badan oo aan dadka ku soo boodin ee la baryay. Waxaan ogaaday in Hargaysa saddex dugsi ka furan yihiin. Saddexdaa dugsi laba ka mid ah manhajkoodu waa diyaarsan yahay, macallimiintooduna waa tababaran yihiin, halka ka saddexaad aannu haysan manhaj iyo macallimiin toona, laakiin uu iska furan yahay. Saddexdan dugsi waxay u shaqeeyaan si xawli ah, barayaashoodu waxay u hawl galaan si hagar la’aan ah, halka ay barbaartuna isugu habaan aqoonta ka baxda si waalliya. Haddii aad joogto jaamacad, marayso suuq, saaran tahay bas way adag tahay inaad aragto qof aan ka sidan shahaado saddexdan dugsi midkood, waliba darajada shahaadadiisu marka ay ugu hoosayso waa 85%. Lana arkee inaad la kulanto dad badan oo saddexdaba ka sita shahaadooyin.

Miskiin, haddii aanad wadan shahaadadan waxa lagugu fiirinayaa daymo yasineed, waxa lagu dareensiinayaa danbayntaada, waxaana baaq laguugu soo tabinayaa inaad dadkaaga dhinac ka raacdo oo aad hore ka qaadato shahaadooyinkan. Haddaba, si aanay tani kuugu dhicin waxaad hore ka gashaa dugsiyadan lagu tanaaday, lagu barwaaqoobay:

1: Dugsiga Qabyaaladda
2: Dugsiga Qaadka
3: Dugsiga Siyaasadda (dugsigani malaha manhaj iyo macallimiin toona).

Saddexdan Dugsi marka aad ka qalin jabiso, waxaad toos u galaysaa dugsiga waddaniyad la’aanta. Dabadeed, dalka, dadka iyo diintaba waxaad gaadhsiinaysaa horumar aakhiro iyo hoog adduun. Waxaanad ku suntanaan; geesi aan godob lahayn, halgamaa sooma jeeste ah, Sheekh mujaahid ah, aqoon-yahan caddaanku ka yaabeen iyo toban khuraafaad oo kale.

Haddaba, markii aan arkay qaab fikirka noocaas ah oo meel walba lagu hayo, waxaan is waydiiyay maxaa ugu wacan in dadku sidan waallida ah u fikiraan? Maxaase ka qayb qaata ama sababa qofku inuu si u fikiro? Saddex shay ayay ku soo ururtay sida ay qabaan culimada bulshadu oo kala ah: Guriga, Geedka (Dugsiga) iyo Golaha (Bulshada). Haddaba, waxaan tilmaansaday dugsiga, waxaanan go’aansaday inaan wax ka ogaado manhajka waxbarasho ee dalka. Arrintani ma fududa, waayo, waddanka waxa ka jira intaas oo manhaj oo la soo dhoofiyay, looguna talo galay in dadka iyo hantidooda dhaqaneed, dhuleed, suugaaneed dacar la isu mariyo, waxaanse doortay ka dawladda oo ay dajiyeen dad Soomaaliyeed.

Horta aynu isla garanno intaan manhajka la dejin in khubarada loo xil saaray ay iswaydiiso: yaynu nahay,Tusaale (Soomaali, Afrikaan, Muslin, Ilma Aadan), qof kee baynuse u baahannahay? Maxayse yihiin dhibaha inna haysta ee horumarka inagaga gudban una baahan in dadka lagu baraarujiyaa? Halkaas baa laga sii amba qaadaa. Haddaba, waxaan doortay maaddada Soomaaliga ee dugsiyada dawladda fasalka koobaad illaa sideedaad inaan si deggan u akhriyo.

Aniga oo ku talogalkaygu yahay inaan ka baadho casharo wacyi galineed oo ubadka loogu talo galay, kuna saabsan dhibaha qabyaaladda, qaadka iyo waddaniyad la’aantu inagu hayaan. Haddaba, waxaan u tagay qaybta manaahiijta, aniga oo ka codsanaya buugaagtaa in ay i siiyaan, una sheegaya inaan ahay arday raba inuu daraasad ka sameeyo. Waxay igu yidhaahdeen: Waa si wanaagsan ee agaasimaha guud ee waxbarashada u tag oo warqad ka soo qaado. Sidii baan agaasimaha ugu tagay, bariido ka dib, waxaan u sheegay inaan ahay arday wax ka barta waddanka Masar, haddana fasax ku yimid dalka, isla markaana intii uu joogay la anfariiray qaab fikirka dadka, isna waydiiyay sababta, dabadeedna baadhidda arrintaasi la soo gashay manhajka, haddana lagu yidhi: agaasimaha warqad ka soo qaado. Haddaba, arrinta yaabka lihi waxay ahayd; Agaasimuhu warkayga ma garawsan, ma soo dhawayn ee waxaaban foolkiisa ka dheehday inuu ila yaaban yahay. Sidoo kale waxaan eegayay maadaama uu yahay agaasimaha guud ee waxbarashada inuu nabad qabka ardayda Masar wax ka barata I waydiiyo (Maadaama kacdoono ka dhaceen), sidoo kale, iga warsado waxa ugu badan ee ay bartaan, amma farriin dhiiri galineed ardayda ii sii faro. Laakiin malahaasi waa beenoobay oo adigaaba sheegaya. Waxa uu si danayn la’aan ah iigu yidhi: Wasaaradda baadhitaan baa ku socda oo hadda suurta gal ma'aha, midda kale suuqaba waad ka heli kartaa (Mar danbe ayaan ogaan doonaa buugta waxa ku taalla shaabad ay ku qoran tahay: Lama iibin karo, haddana suuqa waa lagu gadaa!!). Inta aan ka yar xumaaday ayaan ku idhi; ma kugu soo noqdaa mar kale? Si caadi ah buu iigu yidhi: Haa. Dabadeed, waan ka baxay, aniga oo is waydiinaya; ninkani ma agaasimaa mise waa hagaasiye? Ma dan madaxwayne ayuu xafiiska u fadhiyaa, mise dan wax waxbarasho? Miyaanuse ardaynimo soo marin? Bal adba!

baanay u dhacday oo odhat-baa ku jira ayuu I yidhi, anna waaban ka quustay. Dabadeed waxaan asxaab dhawr ah ka codsaday in ay maaddadaa helintaankeeda iga caawiyaan. Nasiib wanaag laba cisho ka dib waxa ii keenay laba macallin oo aannu asxaab xaafadeed ahaan jirnay. Sidii baan ku gudo galay akhrinta buugga koobaad illaa ka sideedaad ee Af- Soomaaliga. Haddaba, arrinta yaabka lahayd ee aan la kulmay waxay ahayd, waxaan ka waayay hal cashar ama curis oo ka hal-celinaya dhibaatooyinka qabyaaladda, qaadka iyo waddaniyad la’aantu ay bulshadeenna ku hayaan. Sidoo kale waxaad mooddaa in maaddada loo dajiyay dad ku dhaqan miyi ama tuulo, waayo nolol magaalo wax khuseeyaa waa ku yar yihiin. Arrintani waxay si dadban barbaarta ugu beeraysaa in Af-soomaaligu aannu ahayn af casriga la fal geli kara, ifafaalaheediina hadda waa ka muuqdaa dhallinta. Hadda ha u qaadan in maaddadan la qoray mar aannay jirin dhibaha ina haysta. Buugaagtan beri dhawayd baa la qoray, raggii qorayna waa nool yihiin. Tolow maxay haddaba ugu dari waayeen? Wasaaradda waxbarashaduse miyaanay lahayn khubaro u kuur gasha baahiyaha jira iyo dabooliddooda? Aqoon-yahanka waddanka u dhashayse maxay arrintan wax uga qaban waayeen? Maxayse culimada iyo inta aan balwadda lahayni u samayn waayeen ururro bulshada ka wacyi galiya qaadka uun, xataa haddii ay aaminsan yihiin qabyaaladda? Miyaanayse habboonayn in manhajka lagu daro saddex maaddo oo kala; Hagar-daamada qaadka, Hadimada Qabyaaladda iyo Hanuuninta Bar-baarta (Waddaniyad ku beerid)? Bal adba!

Haddii laga tagi waayo, waxaan arkay dhallinyar isku xilqaamay in ay dadka waddaniyadda ku baraarujiyaan oo la dhaho: Unugga Waddaniyada, laakiin ma arag, mana ogi waxqabad muuqda oo ay illaa hadda ku talaabsadeen, waxayse mudan yihiin dhiiri galin, waanay mahadsan yihiin.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”