
November 15, 2012 | Filed under: Wararka Maanta | Posted by: joofane
Muqdisho ( DHM-News ):- Waxaa goordhaweyd magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheere.
Geerida Marxuumka ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii uu in mudo ah ku xanuunsanaan gudaha Magaalada Muqdisho oo maanta uu geeriyoodaty.
C/fataax Cumar Shaaweey oo ay isla soo shaqeeyeen Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed Dheerae ayaa u xaqiijiyay warbaahinta Geerida Maxamed Dheere.
Wuxuu ku geeriyooday Isbitaalka Xalane ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo xaaladiisa caafmaad lagu dabiibaye.
Marxuum Maxamed Dheere ayaa marka uu geeriyoonaayey waxaa la qorsheynaayey in isla maanta laga qaado magaalada Muqdisho loona duuliyo magaalada Nairobi si loogu soo daweeyo halkaasi.
Maxamed Dheere wuxuu soo noqday Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir sidoo kale wuxuu soo noqday Guddoomiyihii Gobalka Shabeelaha Dhexe ee Dowladda Soomaaliya.
NB: Fadlan Akhriste Firkirka aad Dhiibato haku Ekaado Warkaan oo Keliya
DHM Radio
Ku Xidhnow Dhacdooyinka.com Si Aad Ugala Socoto Wararkii Ugu Dambeeyey ee Dalka iyo Halka ay Marayso Saaxada Siyaasadda Soomaaliya
Nagala Soo Xiriir:- Dayax201@hotmail.co.uk, Jjofane@gmail.com, hassanadde70@yahoo.com
My condolences to the beesha Abgaal on snet. They lost such a great wise man.