The construction of an airport for Ceel-waaq, Gedo begins

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

The construction of an airport for Ceel-waaq, Gedo begins

Post by The`Republic »

Gedo Defense Forces commander Col Warfaa Sheikh Adan, Governor of Ceelwaaq Ibraahiim Guuleed, and the UN offically inaugrated the beginning of the construction
Garoon diyaaradeed oo laga dhisayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo

Gedoweb Online Gedo on Thursday, November 15 @ 13:53:04 EST

Maamulka degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay dhismaha garoon diyaaradeed oo cusub oo loogu talagalay in ay isticmaalaan diyaaradaha hay’adaha samafalka ee ka howlgalayo degmadaas.

Howsha lagu dhisayo garoonka cusub waxaa maalgelinayo hay’adaha WFP ee Qaramada Midoobey u qaabilsan cunnada iyo Unicef, hay’adda badbaadada dhallaanka, iyadoo lagu dhisayo barnaamijka shaqo cunno ku beddelasho (Food For Work) oo dadka dhisayo garoonka shaqada ay qabtaan lagu siinayo cunno.

Guddoomiyaha maamulka magaalada Ceelwaaq Ibraahim Guuleed Aadan oo si rasmi ah shalay u dhagax-dhigay dhismaha garoonka isagoo ay la joogaan wakiillo ka tirsan hay’adaha samafalka ayaa sheegay in dhismihiisa uu wax badan ugu fadhiyo guud ahaan shacabka Gedo, gaar ahaanna kuwa reer Ceelwaaq.

Wuxuu ku dheeraaday muhimadda ay leedahay in ay hay’adaha gargaarka ka howlgalaan degmada si ay u caawiyaan dadka u baahan gargaar, wuxuuna u xaqiijiyey samafalayaasha in ammaanka magaaladu uu yahay mid sugan oo la isku haleyn karo.

Dhinaca kale guddoomiye Guuleed iyo afhayeenka ciidamada dowladda ee gobollada Jubbooyinka iyo Gedo Warfaa Sheekh Aadan oo dhawaan uun dib ugu laabtay degmada Ceelwaaq muddo ay safar ugu maqnaayeen magaalada Nairobi ayaa kulan ay kaga warbixinayeen wixii u qabsoomay la yeeshay xubnaha maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Waxay labada mas’uul kulanka ka sheegeen in socdaalkooda uu guul ku soo dhamaaday, la kulmeen wakiillada hay’adaha Qaramada Midoobey ee Somalia, kuwaasoo ballanqaaday in ay xafiisyo ka furayaan Ceelwaaq, wuxuu kaloo sheegeen in mashaariic horumarineed sida adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka qorshuhu yahay in ay degmada ka fuliyaan dowlado iyo hay’ado gargaar.


Guddoomiyaha iyo afhayeenka ayaa iyaguna warbixin ka dhageystay qeybihii bulshada, kuwaasoo madaxda ku amaanay dadaalkooda wax qabad ee dadkooda iyo dalkooda.

Maxamed Deeq Xuseen
Ceelwaaq, Gedo.

Gedowebnews@gmail.com

http://gedoweb.com/modules.php?name=New ... e&sid=3104
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”