
Ghandi's main supporter website has pretty much caught up to how things will happen
Jeneraal Cali Madoobe, Madaxweynaha Jubbaland?
--------------------------------------------------------------------------------
Published: November 18, 2012
Kn: Kama hadlayno Axmed Madoobe, waa Cali Maxamed Xassan (Cali Madoobe), taliyihii hore ee ciidanka Police-ka Soomaaliyeed xukuumaddii Cabdirashiid Cali Shar’maarke, iyo safiirkii dalka Soomaaliya ee dalka Tanzania, illaa muddo dhowna la hadal hayay in uu u sharaxanyahay safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika.
Haatan Cali waxa uu ku suganyahay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose, halkaasi oo uu kaga jiro olole uu ku doonayo in uu ku noqdo madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ee halkaasi la doonayo in laga dhiso.
Jeneraal Cali oo ka mid ahaa gudiga farsamada maamul u samaynta Jubbooyinka ayaa xilkaasi isaga tanasuley kadib markii Igad ay soo rogtey shuruud ah in qofkii gudiga ka mid ah ee xil doonaya uu ka tanasulo gudiga, isla markaasina muddo loo qabtay, mudadaas oo hadda dhamaatay.
Cali Madoobe hadda waa ganacsade, wuxuusa leeyahay shirkad gaar uu u leeyahay oo xagga amaanka qaabilsan, iyadoo ciidamadiisa ay ka hawlgalaan caasimadda, waxayna waardiyeeyaan ama amaankooda sugaan hey’adaha iyo cid allaale cidii kireysata, waxa ayna shati ka heeysataa wasaaradda arrimaha gudaha.
Cali kaliya ma ahan dadka ka tanaasuley gudiga farsamada musharxinamadooda dartood, Kn waxa ay ogtahay ugu yaraan labbo qof oo kale oo gudiga ka tanaasuley damac ay ka qabaan xil sare oo ay ka qabtaan Jubbaland.
Sidoo kale Cali ma ahan taliyaha kaliya ee qeyb ka mid ah ciidamada qalabka sida ee qaranka ee damac siyaasadeed ka leh gobolada Jubbooyinka, waxaa arrinkani ku wehliya Jeneraal Maxamed Warsame Darwiish oo ahaan jirey taliyihii ciidamada nabadsugida dalka dowladdii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Dadka Kismaayo ku sugan ee madaxweynenimada Jubbaland damaca ka qaba waxaa ka mid Prof. Maxamed Cabdi Gaandi, wasiirkii hore ee gaashaandhiga Soomaaliya, oo mar taageerayaashiisa u doortey madaxweynaha maamul goboleed la magacbaxay Azania oo loogu talogalay inuu ka shaqeeyo sedexda gobol. Gaandi hadda waa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, waxana uu ka midyahay saxiixayaasha geedi socodka nabada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sheekh Axmed Maxamed Islaan oo hadda ah gudoomiyaha maamulka kumeelgaarka ah ee Kismaayo ayaysan isagu arrimihiisa kala cadayn, walina ma uusan soo bandhigin damiciisa siyaasadeed, balse dad badan waxa ay u arkaan in uu abaarayo kursiga ugu sareeya.
Dadka kale ee xilalka sarsare ka doonaya maamul goboleedka waxaa ka mid Col. Cabaas Gureey (Cabaas Talxe) oo todobaadkan soo gaaray magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, iyadoo illo wareedyo ay noo sheegeen in uu ku jiro xusul duub siyaasadeed oo uu ugu tagayo magaalada Kismaayo si uu wadaxaajoodka qeyb oga noqdo. Col. Cabaas waxa uu ka midyahay taliyeyaasha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo.
Inkasta oo uu kolhoraba biloowdey ololaha loogu jiro xil ka qabashada maamul goboleed laga hergeliyo goboladan sii koonfureed ee dalka, ayaa hadana dowladda dhexe ee federaalka ah aysan wali ansixinin in maamulkaasi la dhiso.
Maalmo ka hor waxaa Nairobi ku laabtay gudi 8 xubnood ka kooban oo ahaa gudiga farsamada oo si ilduuf ah la sheegey in loo garabmariyey garoonka Kismaayo oo ay kusii socdeen, kadibna laga dajiyey Xamar si ola kulmaan madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud. Kulankaasi ma uusan dhicin marka laga reebo is arag kooban oo madaxweynaha uu gudiga ugu sheegey in ay dhowr maalmood joogaan si ay ola kulmaan.
Gudiga waxaa ka haray xibin ka mid ah oo lagu magaacabo Cabaas oo la sheegey in uu ku qancay qorshe uu madaxweynaha damacsanyahay in uu maamul ugu magacaabo gobolka. Waxaa xusid mudan in dood warbaahinta ka baxday oo uu kala qeybgalay xildhibaan Xidig uu si toos ah oga soo horjeedsaday maamul u samaynta Jubbooyinka, aragtidaasi uu warbaahinta ka siidaayay oo ay Igad ku qabsatay, balse la sheegey in uu raaligalin ka bixiyey.
Mid ka mid ah marmarsiimada madaxweynaha uusan wali maamulka u ansixinin ayuu ku sheegey in uusan xog badan ka heeynin arrimaha Jubbooyinka, balse siyaasiyiinta Jubbooyinka waxa ay ku doodayaan in xafladii xilwareejinta boorsadii Sheekh Shariif, madaxweynihii hore, uu ku wareejiyey Xassan Sheekh Maxamuud uu ku jirey gal ku saabsanaa gobolada Jubbooyinka.
Urur goboleedka Igad ayaa xafiis ka furtey magaalada Kismaayo, iyadoo ayba bilaabatay qabanqaabada shirweynaha maamulka lagu dhisayo.
KismaayoNews.com
http://kismaayonews.com/2012/11/18/jene ... jubbaland/