Maleeshiyaadka ka soo kicitamay dhinaca maamulka koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug ayaa waxay qafaasheen illaa iyo shan rag ah oo saarnaa gaari rakaab oo ka soo baxay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, gaarigaasi iyo dadkii saarnaa oo ay qafaasheen xilli uu marayay duleedka magaalada Gaalkacyo gaar ahaan halka loo yaqaan Balliga Talliska.
Gaariga iyo dadkii saarnaa ayaa Maleeshiyaadka Galmudug waxay la aadeen xaafada Koonfurta Gaalkacyo halkaasi oo ay illaa iyo haatan ku heystaan hab afduub ah.
Maleeshiyaadka Galmudug ee qafaashay dadka rayidka ah waxay shuruud ka dhigeen in loo soo daayo nin ka soo jeeda deegaanada Galmudug oo laba maalmood ka hor laga qabtay magaalada Gaalkacyo kaasi oo watay waxyaabaha qarxa loona gudbiyay magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

why are this Galmoryaans kidnapping puntlanders
do we look like white people now
