farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring.

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring.

Post by Southie4life »

Reports state that two protestors were sent to hospital after presidential guards and police open fire. Also, security personnel are attempting to suppress protestors from coming out.


---

Mudaaharaad Ka Socda Qardho Iyo Madaxweynaha Puntland Oo Halkaas Ku Wajahan (UPDATED)
November 23, 2012 4 Comments

Mudaharaad 21 September ka dhacay magaalada Qardho oo loogu soo horjeedo qorshaha dowlada ee xil kororsiga

Wararka aan ka heleyno caasimadda Puntland ee Garowe ayaa sheegay ina saaka hiirtii magaalada Garoowe ka baxay Madaxweynaha Puntland, Safarka Madaxweynaha ayaa ku wajahan magaalada Qardho halkaas oo saddexdii todobaad ee u danbeeyey laga hadalhayey imaan shihiisa isaga oo marar badan arrimo farsamo uga baaqsadey.

Madaxweynaha waxaa ka soo horeeyey ciidamo ka kala yimid magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, sidoo kale waxaa ka baxay magaalada Qardho Wasiirka Amniga Col.Khaliif Ciise Mudan iyo ciidamo uu wato si madaxweynaha ay uga hortagaan.

Mudaaharaadka magaalada ka bilowdey.

11: 48:00 Updated: War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland uu soo gaarey magaalada isla markaana uu dhexmarey laamiga oo wada qiiqaya oo taayiro ka gubanayaan, waxaana la geyey guriga Xildhibaan Siciid Cabdullaahi Deni, maadaama gurigii Martidu uu yahay mid qabyo ah weli.

Dhanka kale laba qof ayaa ku dhaawacantey rasaastii ay ridayeen ciidanka Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, Horseed media oo la xiriirtey isbitaalka guud ee magaalada ayaa loo sheegay in la gaarsiiyey halkaas labo qof oo dhaawac ah kuwaas oo kala ahaa wiil dhalinyaro ah oo la yiraahdo Faarax Axmed Ciise Gurey iyo gabadh magaceeda nalooku sheegay Sahra Ayax, waxaana ay ka m id ahaayeen dadkii ka qaybqaadanayey mudaaharadkii lagu diidanaa xili kororsiga madaxweynaha Puntland

Waxyar kadib markii ay magaalada soo gaartey in Madaxweyne Faroole uu soo dhawyahay waxaa is qabsadey dadweyne aad u caraysan, kuwaas oo taayiro ku gubey jidadka magaalada, isla markaana soo qaatey boorar ay kuqoranyihiin Dooni meyno xili kororsi, doonomeyno keli talisnimo, doorasho hala qabto iyo erayo kale.

Ciidanka amaanka oo markii hore jidadka xirey ayaa dadweynuhu jiireen, waxaana la maqlaayey rasaas ay ciidanku ridayeen. Mid kamid ah dadka mudaaharaadayey oo Horseed Media khadka Telefonka ku weydiisey sababta ay madaxweynaha ugu mudaaharaadayaan, ayaa yiri: Ma diidanin in Madaxweynuhu booqan karo magaalada Qardho taas oo aanu waxba u qaban 4 tii sano ee xukunka hayey, waa magaaladiisi, waa meeshii loogu soo dhaweeyey si aan Garoowe loogu soo dhaweyn markii uu Musharaxa ahaa, waxaan diidanahay waa ballan darada iyo ku tumashada dhaartii uu dadka u dhaartey in uu u adeego muddo 4 sano ah isaga oo hadda tumaaya durbaan la yiraahdo Dimoqraadiyad, taas oo aan u aragno arrin xaq ah laakiin baadil loola jeedo iyo xilli kororsasho, waana la yaqaan wadada dimoqraadiyaddu iyo waxay u baahan tahay, laakiin magaaladu waa magaaladiisi imaashihiisa looma diidana, waana xaq aan leenahay in aan muujino in aan diidanahay muddo kororsi, Dastuurkuna awoodda shacabka ayuu siiyey ayuu yiri Axmed Xaaji Cali oo kamid ahaa dadkii mudaaharaadayey.

Subaxnimadii hore ee saakey ayaa maamulka degmadu ku wargeliyeen suxufiyiinta in aysan ka qaybqaadan karin soo dhaweynta Madaxweynaha, waxaana ay sheegeen in go’aankaasi ka yimid madaxweynaha Puntland, arrintaasna dad gaar ah lo xilsaarey,

Sidoo kale maamulka ayaa ka codsadey ninka magaalada Jaadka ama Qaadka keena oo la yiraahdo OBOBAAY ama Daahir Axmed Ruke in uu soo dhaweynta isagu masuul ka yahay, waxaana uu kireeyey labo gaari oo nooca waaraadka loo yaqaan. waxaana uu tegey xerada ay ku jiraan dadka soo barakacay ee Shabeele, waxaana uu caruurtii iskoolka ku khasbey in ay gawaarida soo fuulaan, markii uu laba jeer magaalada la dhexmarey laba gaari oo ay ka buuxaan caruur iyo Qaadwalayaal mudaaharaadkuna bilowdey ayuu ka baxay magaalada isaga oo aadey dhanka Garoowe si uu caruurta Barakacayaasha uga horgeeyo madaxweynaha.

Updated: Rasaas ka bilaamatey magaalada

War hadda soo gaarey Horseed Media ayaa sheegaya in magaalada rasaas xoogleh ka dhacayso taas oo ay ridayaan ciidamada Booliska iyo kuwa Madaxtooyada, waxaana loo diidey dadkii mudaaharaadka watey in ay sii wataan mudaaharaadkoodi taas oo kaliftey in dariiqyada la isku oryoodo iyada oo aan weli magaalada aanu soo gaarin madaxweynuhu.



gadaal ayaan warkaan oo faahfaahsan kasoo daabacynaa

Horseed media
Qardho, Puntland Somaliya
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

Qardho (RBC) War goordhow naga soo gaaray magaalada Garowe ayaa sheegaya in madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo xubno wasiiro ah ay ka ambabexeen magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyagoo ku sii jeeda magaalada Qardho.

Booqashada madaxweyne Faroole ayaa beryahanba la hadalhayey kadib markii wafdi wasiiro ah oo u gogol xaaraya socdaalkiisa Qardho ay dhowr habeen ku hoydeen magaalada Qardho.

Xubnaha wafdiga la socda madaxweyne Faroole waxaa ka mid ah wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan iyo wasiirka deegaanka oo labo habeen ka hor ka soo laabtay Qardho.

Dhanka kale xaalada magaalada Qardho ayaa haatan kacsan kadib markii dadweynaha magaaladaasi oo ka warheley booqashada madaxweyne Faroole ay isugu soo bexeen jidadka magaalada, iyagoo ku dhawaaqaya ereyo ka horjeeda booqashada madaxwweynaha Puntland iyo xisbiga Horseed ee uu madaxweynuhu dhowaan ku dhawaaqay.

Bartamaha magaalada ayaa lagu arkayaa qoraalo ay ka mid yihiin “Ma ogolin muddo kororsi dambe” sida qof goobjooge ah oo Qardho ku sugan uu u sheegay Raxanreeb.

Goobjooge ku sugan Qardho ayaa Raxanreeb u sheegay in isku soo baxa ka socda magaalada uu isu rogay rabshad kadib markii ciidamo kuwa amaanka oo ka soo horeeyay madaxweynaha ay isku dayeen inay dadkii mudaahaaradka waday kala ceyriyaan taasoo sababtay in jawigii mudaaharaadka uu isbedelo.

Waxaa kaloo la maqlayaa rasaasta qoryaha fudud taasoo goobjooguhu uu noogu sheegay in ciidamada amaanka ay dadka ku kala ceyrinayaan halka dadka mudaaharaadka ka wada Qardho oo u badan dhalinyaro iyo haween ay bilaabeen inay dhagxaan ku tuuraan ciidamada.

Waxaa xiran jidadka dhexmara magaalada Qardho oo uu ku jiro jidka weyn ee laamiga ee ka yimaada magaalada Garowe oo dadku au ku gooyeen dhagxaan iyo lugaha baabuurta oo dab la qabadsiiyey, inkastoo wafdiga madaxweyne Faroole aysan weli soo gaarin magaalada.

Wax khasaare ah illaa hadda lagama soo sheegin dibadbaxa rabshada wata ee haatan ka socda Qardho, waxaase uu saameyn ku yeeshay ganacsigii magaalada oo maanta oo Jimce ah gebi ahaantiisaba xiran.





La Soco Raxanreeb.com wixii ku soo kordha
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

http://puntlandnews24.com/qardho-oo-qii ... -dhaceysa/

Image

Image

Image

Qardho oo Qiiqeysa iyo Rasaas Magaalada Ka Dhaceysa [sawiro]
November 23, 2012 // Warar Somaali

Magaalada Qardho ayaa waxaa haatan ka soconaya dibad baxyo waaweyn, iyadoo rasaas hoos loo ganayo ay ridayaan ciidamada ilaalada ka haya madaxweynaha Puntland oo Qardho ku sugan.

Hawada magaalada Qardho ayaa qiiq iyo uuro ka baxaya, iyadoo rasaasta ay ridayaan ciidamada Faroole ay geysteen khasaaro badan waxaana dhaawacyo halis ah qaarkood kasoo gaareen ilaa 4-qofood oo ah dad u badan caruur aad u da’a yar.

Dadka dibadbaxa dhigaya ayaa dalbanaya in madaxweynaha Puntland codkooda maqlo, dalkana uusan gelin khal-khal siyaasadeed, iyagoo kacdoon kaga soo horjeeda mudada la sheegay in xukuumada Puntland ku darsatay ee hal sano oo siyaadada ah.

Dadweynaha magaalada ee dhigaya dibad baxa ayaa gubaya taayiro holcaya waxayna meel walba ku qoreen diidmada mudda kororsiga maamulka Puntland.

Dibad baxayaashu waxay sii xoojiyeen mudaharaadkooda markii uu magaalada kolonyo ciidamo ah ku soo galay madaxweynaha loona galbiyey guriga Xildhibaan Siciid C/laahi Deni.

Xiisad weyn ayaa magaalada ka taagan, iyadoo dadweynuhu bilaabeen inay hub guryahooda kala soo baxaan, kadib markii ciidamada Faroole ay bilaabeen inay dadkii kacdoonka waday rasaas huwiyaan.

Waxaa haatan Qardho ka dhacaysa rasaas xoog leh oo gees walba is qabsatay, iyadoo la filan karo in khasaaraha uu kasii bato inta uu haatan le’eg yahay.

Cusbitaalka magaalada Qardho ayaa waxaa la dhigay dadkii dhaawaca ahaa ee ay ciidamada Faroole ku xasuuqeen magaalada.

Qaanuunka iyo sharciyada caalamiga ah ayaa si weyn uga soo horjeeda in dad banaanbaxaya rasaas lagu furo, iyadoo wasiirka aminiga Puntland iyo Madaxweyne Faroole ay heystaan Baasabooro dalal shisheeye, laguna dacweyn karo xasuuqii ay maanta u geysteen shacab muwaadiniiin Puntland ah oo si nabadgelyo ah ku dhigayey dibad-baxooda.

Waxaa xusid mudan in Qardho 4-sano ka hor xiligii uu madaxweyne Cade Muuse ahaa madaxweynaha Puntland uu Faroole ahaa ninkii ugu soo dhoweynta fiicnaa ee Musharax ah ee Qardho taga, iyadoo malaayiin qof oo fardooley ah ay kaga hortageen duleedka magaalada, balse maanta maxaa isbedelay, dadweynahii shalay soo dhoweeyey ayaa maanta waxay sheegayaan in Faroole laba arrimood ku guul dareystay: -

Waatan koowaade Faroole oo Qardho aan haba yaraatee waxba u qaban, iska dhaaf inuu wax u qabtee xataa hay’adihii Qardho ka howlgeli jiray ayuu Garoowe geeyey, iyadoo deeqo waxbarasho oo Puntland la siiyeyna aan Qardho qofna laga siin, iyadoo la musuqmaasuqay deeqihii waxbarasho.

Waa tan labaade madaxweynaha Puntland wuxuu dafiray dhaartii uu maray, isagoo xukunka dalka ku kororsaday muddo hal sano ah, iyadoo dadweynaha Qardho aamisan yihiin in 8-Janaayo kadib madaxweyne Faroole aysan u aqoonsanayn madaxweynaha xaqa ah ee Puntland.

Saxaafada ayaan loo ogolaan inay sawiraan imaanshaha madaxweynaha ee magaalada Qardho maadaama waxa kaliya ee lagu soo dhoweeyeyee lagala hortagay ay ahayd dibadbaxyo, laakiin sawirada waxaa PN24 u qaaday mid kamida dadkii dhigayey dibadbaxa oo mobilkiisa ku qaaday.

Wararkeena dambe kala soco, xiisada ka taagan Qardho

Puntland News-24
daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by daiman »

Puntland MUST maintain the peace!
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by The_Emperior5 »

Image
daiman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1716
Joined: Mon Jan 23, 2012 1:02 pm
Location: My opinions are solely mine. They are generic not addressed to individuals

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by daiman »

ee maxa ku heley? ma diyaaradaa kugu soo dulley?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by The_Emperior5 »

Mayaaaa waxbaa ma dhicin

reer qardho uun baa u diyaargaroobayaa siday faroole oo eryaan lahayeen thats all :stylin:
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

:lol: :lol: :lol: :lol: :lol:

Image
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

The Puntland Security Ministers states that Farole received a warm welcome. However, when he was questioned about the protests, he blamed it on young people who were sent by others. More concerning, the Security Minister stated that he knows who these people are, and that they would be captured.

http://puntlandnews24.com/wasiirka-amni ... adhegayso/

Audio:

http://puntlandnews24.com/wp-content/up ... tland..mp3
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

Image

farole trucking in supports to meet him outside of the city.

Seriously, who does that???
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

farole is no doubt trying to counter these pictures, with ones that show him being greeted by small groups outside of the city. I find it most interesting that everytime he (rarely) leaves Nugaal, his security always puts on military uniforms, as if they are preparing for war.

Regardless of what both sides say, one thing in indisputable: farole's welcoming was no where near that of the former Somalia PM Abdiwali Ali Gaas's visit less than a month ago.


Image
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Substance »

Now there is even picture proofs of that protest and here Faroole loyalist were trying to say I was lying. Shame :down:


Image
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by original dervish »

For someone who claims to come from the south/central Somalia, you spend an inordinate amount of time and effort worrying about local political issues of the north east.

Surely Xamar is of more concern to you as a "southieforlife", and yet the silence is deafening.
Southie4life
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 481
Joined: Thu Apr 16, 2009 10:16 am

Re: farole visits Qardho, protests and gunfire are occurring

Post by Southie4life »

farole used live bullets on young protestors; stop and think of that for a moment. What leader in Puntland or anywhere in Somalia actually resorts to that? The protestors were not armed or even violent, they were young men and women who were expressing there own political views, and farole security forces shot at them. Most shockingly, is that the government admitted to the shooting and tried to explain that the security forces were shooting in the air and mistakenly shot people in their legs.

I will admit one thing i've realized: farole is his own worst enemy. You don't even need to protest him or going against him in any other manner. There will come a point when people have had enough with the constantly arrests of opponents - and now the shooting of young people. He'll continue to become more bold and arrogant - which will result in his own undoing.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”