
WAR DEG DEG AH : ciidamadii ugu badnaa oo ka socda Puntland oo Dhahar ku wajahan Iyo Somaliland oo iyana Kusoo socota.
Wararka Iminka laga helayo magaalada Dhahar ee xarunta gobolka Haylaan ayaa xaqiijinaya In halkaas ay goordhawayd gaareen ciidamadii ugu badnaa oo ka socda milatariga Puntland iyadoona halkaas ay Somaliland qorshaynayso inay maanta gayso sanaadiiqda codaynta Doorashooyinka degmooyinka Somaliland.
Wararku waxay xaqiijinayaan in goordhwayd ay dhahar gaareen xubno uu horkacayo wasiir xigeenka Amniga ee Puntland Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed uuna la socda abaanduulaha guud ee ciidanka Daraawiishta kuwaasoo ciidamo xoogleh watay iyadoona ay magaalada Dhahar imika gaareen ciidamadaas oo ku hubaysan hubka qaybihiisa kaladuwan.
Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa iyana xaqiijinaya in ciidamo xoogleh oo ka socda Puntland ay goordhawayd iyana ka anba baxeen magaalada Boosaaso kuwaasoo ka socda guutada labo iyo labaatanaad ee ciidanka Difaaca Puntland oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland Jen. Cumar Cabdullaahi Faraweyne.
Somaliland ayaa iyana kusoo wada magaalada Dhahar ciidamo xoogleh oo wada Sanaadiiqda Codbixinta Somaliland iyadooan laga cabsi qabo in xaaladu ay ka darto

