Puntland Forces in Sanaag

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Puntland Forces in Sanaag

Post by Coldoon »

Ciidamadii Darawiishta Puntland waxay joogaan meel 200KM galbeed ka xigta Magaalada Laasqoray.

Image

Geesiyadii Daraawiista Puntland oo ku sugan Ceel Cad oo aan ka fogayn magaalada Ceerigaabo

Taliyaha Guutada 9-Aad ee Punland ee Gobolka Sanaag C/laahi Cumar Cashuur ayaa Xusay in Somaliland aanay Awood Buuran ku lahayn Sanaag isaga oo ku Tilmaamay Koox Fidna Wadayaal ah oo Jaah Wareer Galinaya Shacabka Gobolka Sanaag.



http://laasqoray.net/wp-content/uploads ... iland1.mp3
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Puntland Forces at 200 Km West of Laasqoray

Post by Somalistan »

This is was you call a leader of military? He sounds like donkey with a mic iiiic aaac uuuc.
Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Coldoon »

Image

Wasiirka ku xugeenka Amniga Puntland Cabdi Jamaal, oo galbeedka gobolka Sanaag u ruqaansaday

Dhahar (SPR): Waxaa maanta galabnimadii magaalada Dhahar galbeedkeeda u ruqaansadey, gadiid dagaal lagu qiyaasay tiradoodu inay dhan tahay 17 gawaadhida gaashaaman ee loo yaqaan tiknikada iyo kolonyo ciidamo ah oo ka amar qaata wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan. Kulan maanta kadhacay xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan, oo ay soo abaabuleen odayaasha dhaqanka gobolka Haylaan, ayaa lugu go’aamiyey, islamarkaana la’isku afgartay in ciidamada intooda badan ay ka baxaan magaalada Dhahar.


Kulankaasi ka gadaal ayaa waxaa si wadajir ah ula hadlay goob fagaara ah oo ku taal xaafada Qunyar-Dega, wasiir-kuxigeenga amniga Puntland, iyo qaar katirsan nabadoonada gobolka Haylaan. Mudane C/Jamaal Maxamed Cismaan, oo la hadlay boqolaal shacabka xaafada Qunyar-Dega ayaa ugu baaqay shacabka inay samraan, islamarkaana faah faahiyey sababta ay uga hortagayaan maamulka Somaliland. Mudane C/Jamaal ayaa hadaladiisi waxaa kamid ahaa, “taako Ceerigaabo bariga uga baxsan yeeli mayno, degaankeegina yeeli maayo in nin reer Burco ah oo igula gorgortamo.” Cabdi Jamaal ayaa dadka u sheegey in labadii bilood ee ugu dambeysay uu ka shaqeynayay amniga gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo bishii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalooyinka Badhan iyo Laasqoray dhidibadana usoo aasay ciidamada deegaanadaasi.



Kaalinta odayaasha Reer Haylaan:

Nabadoon Warsame Aadan Geesood, oo kamid ah nabadoonada ugu tunka iyo miisaanka weyn gobolka Haylaan, oo isla goobtaasi fagaaraha ka hadlay ayaa sheegay in bixitaanka qaybo kamid ah ciidamada Puntland ay ku timid codsi ay ka odayaal ahaan ka dalbadeen. Odayaasha ayaa iska dhex doortay gudi amni, islamarkaana saldhigii horay ee booliska magaalada geeyey tiro ciidamo beeleed oo isku dhaaf ah kana wada kooban beelaha gobolka Haylaan. Ciidama beeleedkaan ayaa loo igmaday inay gaaf wareegaan duuleedka magaalada, ayna ka hortagaan wixii amniga khal-khal gelin kara. Ciidankaan ayaa sidoo kale loo igmaday inay taaba galiyaan go’aanka odayaasha.


Ciidamada Puntland Xagey u Boqooleen?


Inkastoo intii badnayd ciidamada Puntland ay ka baxeen magaalada, waxaase wali ku haray magaalada ciidan tiradoodu dhantahay 150 nin oo ka amar qaata gudoomiyaha gobolka (Jeentaro) oo haatan kusugan xarunta madaxtooyada gobolka Haylaan.


Qayb ciidamada Puntland uu la socdo abaanduulaha ciidamada Puntland Goraya Cowl ayaa la sheegay in ay ay gaareen tuulada Balibusle oo 100 killometer waqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhahar. Qaybta labaad ciidamada ayaa la sheegay in uu la socdo Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Cumar Cabdiraxmaan Faroole iyo wasiir kuxigeenka amniga C/Jamaal in ay dageen meel u dhaxayso degmada Baraagaha Qol iyo Dhahar, islamarkaana ay usii socdaan dhanka galbeedka gobolka.


Isu Dheela Tirnaanta Somaliland iyo Puntland ee Sanaag iyo Haylaan:


Tan iyo magacaabista wasiir-kuxigeenka amniga Puntland, miisaanka saamaynta labada maamul gobolada Sanaag iyo Haylaan ayaa isbedel aad u baaxad weyn ku yimid. C/jamaal Maxamed Cismaan ayaa kasoo jeeda galbeedka gobolka Bari, haybna la wadaaga shacabka Sanaag iyo Haylaan. Mas'uulka ayaa ku caan baxay, islamarkaana lugu xusuustaa aas'aasida ciidamada dhuxul joojinta degaanka Haylaan iyo Galbeedka Gobolka Bari. Horaantii 2010, ayaa wada hadalo dhexmeray isaga iyo madaxweyne Faroole. Wadahadalaadaasi ka gadaal, saamiga ciidamada gobalada Sanaag iyo Haylaan ee Puntland ayaa aad loo kordhiyey. Ilo wareedyo ka ag dhow mas'uulka in 200 oo nin horay uga tirsanaa ciidamada dhuxul joojinta la qareemeeyey.

Mudane Cabdi Jamaal ayaa gabi ahaanba wuxuu badalay saameyn ku yeelashada Puntland ee gobolada Sanaag iyo Haylaan isagoo dhanka amniga Puntlandna wax badan ka badalay gaar ahaan magaalada Boosaaso oo ahayd meel ay dilal badan si joogta ah uga dhacaan ayaa waxay dadka siyaasada la socda deegaanada Puntland in uu gabi ahaanba arintaasi wax ka badalay.

Ciidamada Somaliland ayaa la sheegay in ay kusuganyihiin degaanka Jingada ee u dhaxayso degmooyinka Xingalool iyo Booda Cad. Waxaa la saadaalinaayaa in ay iska horimaadaan labada ciidaan degaanka Booda-Cad, iyadoo dadka degaankaasi ay walac badan ka muujiyeen.
Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7582
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Nomand »

200km west of laasqoray would be even further then ceerigaabo. if that is the case then puntland army is 100 km away from berbera.
User avatar
Gantaal05
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1183
Joined: Wed Apr 25, 2012 6:18 pm
Location: Migiurtinia

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Gantaal05 »

Yes :up:
our next stop should be Ceerigaabo :eat:

i like how all the Puntland men leading this mission are also warsangeli Goraya Cowl is warsangeli is dubeeys., ismaacil
nimankaa mad madoow ee dubays waa rag walle :clap: :clap:
Last edited by Gantaal05 on Tue Nov 27, 2012 8:58 pm, edited 1 time in total.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Somalistan »

Nomand wrote:200km west of laasqoray would be even further then ceerigaabo. if that is the case then puntland army is 100 km away from berbera.
:snoop:
Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Coldoon »

BOOSAASO: Ciidamada Puntland oo ku qul-qulaaya Gobalka Sanaag iyo kuwii Somaliland oo dib uga ruqaansaday deegaanadii ay soo galeen

Wararka ka imaanaya Gobalada Sanaag iyo Haylaan oo ay isku hor fadhiyeen ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya inay ciidamada Somaliland dib ugu noqdeen deegaanadii ay soo galeen ee Gobalka Haylaan gaar’ahaan Degmooyinka Xingalool iyo Dhahar, Cutubyo katirsan ciidamadaDaraawiishta ee Puntland ayaa illaa xalay ku qul-qulaayey deegaanada Sanaag iyo Haylaan, Ciidamada oo iskugu jira qaybaha kala duwan ee ciidamada ayaa gaaray Magaalada Dhahar ee Gobalka Haylaan iyo Deegaano hoostaga Gobalka Sanaag, waxayna is hortaageen shaqsiyaad kasoo jeeda deegaanadaasi oo doonaayey inay halkaas keenaan sanaadiiqda dorashooyinka Maamulka Somaliland.


Image


Ciidanka Daraawiishta Puntland oo kusoo qul-qulaya Sanaag

Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa dib uga laabtay deegaanadaasi markii ay arkeen inay Puntland halkaas soo dhigtay awood ciidan oo aad u fara badan kuna qalabaysan Hubka noocyadiisa kala duwan, Goob jooge ku sugan Gobalka Haylaan ayaa sheegay in ay ciidamada Puntland kusoo qul-qulayaan Gobalka Halka kuwa Somaliland ay dib uga laabteen deegaanadii ay horay usoo galeen, Dhanka kale qaar kamid ah wax garadka Gobalka Sanaag ayaa ku dadaalaya in aan dagaal ka dhicin Gobalka iyagoo kulamo la kala qaadanaayey saraakiil katirsan Ciidamada labada dhinac waxayna duqaydaasi codsadeen in laga fogaado wax kasta oo iska hor’imaad dhalin kara iyagoo ciidamada Maamulka Somaliland ugu baaqay inaysan isku dayin inay doorasho ka qabsadaan Gobalada Sanaag iyo Haylaan Maadama laga yaabo hadii ay isku dayaan inay doorasho ka qabsadaan degaanadaasi inuu dagaal ka dhex qarxo labada dhinac dadkuna ay aad uga soo horjeedaan wax loogu yeero kooxo Laaluush qaatayaal ah oo deegaanka ka soo jeeda.Dhanka kale Wasiir ku-xigeenka Amniga Puntland C/jamaal Cismaan Maxamed oo ku sugan Magaalada Dhahar ayaa ballan qaaday inaysan Maamulka Somaliland fooda soo gelin doonin deegaanada Sanaag iyo Haylaan hadii taas isku dayaana ayuu sheegay in ay kala kulmi doonaan cawaaqib xumo ay ka shalayn doonaan ayuu yiri Wasiirku, C/jamaal ayaa tilmaamay inay ciidamada Puntland ku jiraan heegan buuxa si ay uga hortagaan wax kasta oo khal-khal gelinaaya nabad Galyada xuduudaha Puntland kuna soo duulaya dhulka Puntland.

Isku soo wada duubo xiisadan kasoo cusboontay Gobalada Sanaag iyo Haylaan ayaa imaanaysa xilli ay soo dhawaatay doorashada Maamulka Somaliland ayna doonayaan inay halkaas ka qabsadaan doorashadooda maamada ay had iy jeer ku doodaan inay deegaanadaas ay katirsan yihiin dhinacooda hase ahaate Puntland oo ka talisa deegaanadaas ayaa halkaas dhoobtay cutubyo ka tirsan ciidamadeeda kala gedisan, Si ay uga hortagto in faragalin lagu soo sameeyo degaanada Sanaag iyo Haylaan.

Mukhtaar Cabdi Faarax
Puntlandpost, Boosaaso, PL
Nomand
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7582
Joined: Fri Jan 23, 2009 5:51 am
Location: nomand, first of my names, king of the andals and the first men

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Nomand »

Somalistan wrote:
Nomand wrote:200km west of laasqoray would be even further then ceerigaabo. if that is the case then puntland army is 100 km away from berbera.
:snoop:
Image
User avatar
Gantaal05
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1183
Joined: Wed Apr 25, 2012 6:18 pm
Location: Migiurtinia

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Gantaal05 »

:ohhh:

wait what?

i didnt even knew Qardho was that close to their invisible fake borders (zoomaliland)

...............interesting
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Notorious13 »

Few miles outside Lasqorey is a HY deegan and Tuulos Nice story though :lol:
Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Coldoon »

Notorious13 wrote:Few miles outside Lasqorey is a HY deegan and Tuulos Nice story though :lol:
...and Pigs fly.
User avatar
Notorious13
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1113
Joined: Sun Aug 14, 2011 7:02 pm
Location: Dhulkii Hawd

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Notorious13 »

Image
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Somalistan »

Nomand wrote:
Somalistan wrote:
Nomand wrote:200km west of laasqoray would be even further then ceerigaabo. if that is the case then puntland army is 100 km away from berbera.
:snoop:
Image



I wasn't dispute your input. Just the illogical and flawed judgement of Coldoon to believe the bullshit from Puntland sites.
User avatar
Somalistan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4778
Joined: Sat Sep 15, 2007 10:24 am
Location: Oodwayne, Togdheer,Somaliland

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Somalistan »

Gantaal05 wrote::ohhh:

wait what?

i didnt even knew Qardho was that close to their invisible fake borders (zoomaliland)

...............interesting
forget Qardho, see Garoowe and how close it's to the border. 8-)
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Puntland Forces in Sanaag

Post by Siciid85 »

200 km west of Las Qoray? :wtf: are those Niggas smoking. That would be near the borders of Sahil region. Forget about Ceerigaabo 31 km west of Las Qoray which is the Gel wayta area is where the border between
HY and Warsans is.


About the coastal border between the eastern HY and Warsangeli.
It is probable that, unlike the Berberah Plain, the monsoon rain here falls in considerable quantities. This land(east of Galwayta) belongs in part to the Warsingali. Westwards of Las Galwayta, which is the frontier, the
Habar Yunis lay claim to the coast.
Red color represents HY settlements.

Black color represents Warsan settlements.

Image
http://i.imgur.com/hJREy.jpg

Consider yourselves educated kids.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”