Ahlusunna oo Maanta shaacisay in Ciidamadooda ay ku biireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya
Sabti, December 01, 2012 (HOL) — Ururka Ahlusunna waljamaaca oo dagaal kula jiray Al-shabaab ayaa maanta oo Sabti ah si rasmi ah u shaaciyay in ciidamadooda ay si rasmi ah ugu biireen kuwa dowladda Soomaaliya, kaddib shir jaraa'id oo ay ku qabteen mas'uuliyiinta ururka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ahlusuna, Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in ciidamadooda ay hoos imaan doonaan wixii maanta ka dambeeya kuwa dowladda Soomaaliya, ayna la xuquuq yihiin.
"Hadii laga baxay ku-meel-gaarnimadii waa in qof walba uu xuquuqdiisa dowladda ka helaa, ciidamada ahlusunna waxay ka mid yihiin kuwa Qaranka Soomaaliyeed," ayuu yiri Sheekh Xeefow oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho xilli uu ku sii jeeday degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.
Go'aankan la isugu daray labada ciidan ayaa ka dhashay kulammo maalmahan uga socday Muqdisho mas'uuliyiinta Ahlusunna iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo ugu dambeyn la isku afgartay in labada ciidan ay isku mid noqdaan.
"Ahlusunna weligeed Al-shabaab ayay la dagaalamaysay, dowladduna dagaal ayay kula jirtay Al-shabaab; marka isku hadaf ayaan ahayn markii horeba, haddana waan mideynay hadafkeennaas," ayuu yiri Xeefoow.
Xoogagga Ahlusunna Waljameeca ayaa muddo shan sano ah waxay dagaal adag kula jirteen xoogagga Al-shabaab, iyagoo dagaalkooda uu ka billowday markii Al-shabaab ay isku dayday burburin qubuuraha culummo ay jecel yihiin Ahlusunna oo ku aasnaa degmooyinka gobolka Galguduud, taasoo ka careysiisay Ahlusunna.
QabuuroGaleenka joins the puppet govt
Moderator: Moderators
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 768 Views
-
Last post by BlackVelvet
-
- 4 Replies
- 548 Views
-
Last post by General Duke
-
- 0 Replies
- 494 Views
-
Last post by Captain24
-
- 0 Replies
- 7 Views
-
Last post by Captain24
-
- 9 Replies
- 1711 Views
-
Last post by original dervish
-
- 82 Replies
- 10753 Views
-
Last post by Adali
-
- 0 Replies
- 444 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 2 Replies
- 1500 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 9 Replies
- 1878 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 7 Replies
- 1008 Views
-
Last post by muslim-man