admin | Dec 02, 2012 | 33 comments
Intabadan marka laga hadlayo Kismaayo dadbadan oo soomaaliyeed ayaa iswaydiiya maxay tahay sababta ay magalaadani utahay meel xasaradaysan. Waxaa taas sii dheer dad badan waxay isku khaldaan Jubbooyinka ama Jubbaland iyo Magaalooyinka khaasatan Kismaayo. Haddaba Sida lawada ogyahay waxay Jubbaland kakoobantahay Sadexda Gobol ee kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Sare oo looyaqaan Gedo. Haddaba ciladaha sooomaalida waxaa kamid ah in aan waxlaysku ogolayn intabadana reerkastaa tiisa uun eegto. Laakiin inta badan xaqiigadu waxay timaadaa marka xaalku xumaado. Haddaba aan eegno Dagmooyinka Jubbaland kakoobantahay iyo sida qabiilada soomaaliyeed ukala dagaan.
Dagmada Gobolka ay katirsantahay Reerka Dagan ama ubadan Cadadka Dadka
Garbaharay Caasimadda Gedo Sade Daarood 600000
Bardheere Gedo Sade Daarood iyo Raxweyn
Ceelwaaq Gedo Sade Daarood iyo Garre
Doolow Gedo Sade Daarood
Balad Xaawo Gedo Sade Daarood
Luuq Gedo Sade Daarood
Buurdhuubo Gedo Sade Daarood
Bu’aale Caasimada Jubbada Dhexe Absame iyo Digil 350000
Sakow Jubada Dhexe Mirifle, Ogadeen
Jilib Jubada Dhexe Shikhaal iyo Jareerweyne?
Kismaayo Caasimadda Jubbada Hoose 70% Sade, Kablalax iyo Gaaljecel 650000
afmadow Jubbada Hoose Absame
badhaadhe Jubbada Hoose Absame
xagar Jubbada Hoose Absame
jamaame Jubbada Hoose Shikhal iyo Jarerweyne
Waxaa kale oo jira Reero kale oo daga Jubbaland sida Biyomaal, Shiikhaal, Baajuun iyo Cawro maleh.
Cadadka ama tirada dadka guud ee Gobololada waxaan kasoo qaatay warbixin ay un-ku kaqoreen Koonfurta soomaaliya.
Marka la eego guud ahaan Gobolada Jubbooyinka waxaa ugu badanaya Daaroodka waxaana koowaad galaya Mareexaan labaadna Kablalax oo ah Absame iyo Harti Daarood.
Waxaa kale oo ayana Jira Tuulooyin badan oo kuxeeran Kismaayo Sida Beerxaani, Qudus, Janna Cabdalle oo ay daganyihiin qabiilo Daaroodka sida Mareexaan.
Hadaba waxaan laga raynayaa Maamulka loo samaynayo ee Jubbaland in lagu saleeyo Cadaalad.
Marka laga soo tago reeraha iyo wax qaybsigooda ayaa waxaa ayana muhiim ah in sadexda Gobol si kalaweynaanshahooda ama kala badnaantooda kusaabsan wax uqaybsadaan oo lagu saleeyo Degmooyinka uu kakoobanyaay. Waxaase kasii cadaaladsan in lagu qaybiyo Tirada Dadka ee dagan gobolkast. Sida Tirakoobkii ugu danbeeyey ee ay sameeyeen UN-ku. Hadii Tirakoobkaas lagu saleeyayana waxay noqonaysaa in sifudud laysigu dheelitiro Tirada ergooyinka kala matalaya Gobolada uu kakoobanyahy Jubbaland State of Somalia
Bal aan eegno:
Waxaan ogaanay in sadexda gobol ay kala dadbadanyihiin sida soosocota:
Gobolka Jubbada Hoose 650 000 = 40,625%
Gobolka Gedo 600 000 = 37,500%
Gobolka Jubbada Hoose 350 000 = 21,875%
Isugayn 1 600 000 = 100%
Hadaba marka latix raaco xisaabta kore laguna saleeyo 485 Mudane waa in loo qaybiyaa sida soo socota:
485 = 100%
ama
500 = 100%
Jubbada Hoose = 197 Mudane Jubbada Hoose = 203 Mudane
Gobolka Gedo = 182 Mudane Gobolka Gedo = 188 Mudane
Jubbada Dhexe = 106 Mudane Jubbada Dhexe = 109 Mudane
Sidaas darteet waxaan kutalin lahaa in dibloogu noqdo qaybta hadda wax lagu qaybsaday hadii larabo in cadaalad sadexda gobol waxloogu gaybiyo.
Dhanka Dowladda Somalia waxaa laga sugayaa inay ku ekaato howl fududeyn oo kaliya una dayso dadka hadda ku howlan maamul Usamaynta arimaha Jubbooyinka. Dadka ree Jubba Maysan arag 22kii Sano ee lasoodhaafay wax madax wayne ah halka gobolada kale ee Koofureed ay booqdeen madaxweyna yaashii ugudanbeeyey. Tusaale ahaan Abdiqaasim Salaad wuxuu booqasho kutagay Magaalooyinka Dhusamareeb iyo Baladweyne, Abdullahi Yuusuf Jowhar, Baydhabo iyo Muqdischo. Sheekh Sharif Gaalkacyo iyo Cadaado oo ah dagmo kamida Galgaduud kana mit ah kuwa ugu yaryar ee Gobolkaas Sidookale Madaxweyne Xasan maxamuud wuxuu booqasho ku tagay Balad weyne iyo Baydhabo. Waxkast halagu marmarsiiyoodee waxay dareemayaan dadka ree Jubba oo aan ayagu arag dowlad kacaankii kadanbaysa cadaalad daro xoogan. Waxaa taas siidheer in maanta oo ay rajeynayaa Maamul laga carqaladeeyo Muqdisho.
Ugu danbayntii waxaan ilaahay uga baryeynaa in ilah khayrka waafajiyo
Qore: Abdi Adan
