Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa maanta laga furay cisbitaal cusub oo loogu magac daray Balsam Clinic, cusbitaalkan oo ay hirgaliyeen ganacsato kasoo jeeda deegaanada Puntland ayaa noqonaya kii ugu waynaa oo gaar loo leeyahay oo ay yeelato magaalada Qardho.
Munaasabadda xariga looga jarayay cusbitaalka ayaa waxaa ka hadlay Axmed Nuur Sheekh oo ka mid ah dadkii ka qaybqaatay dhismaha isbitaalka waxaa uu sheegay in muddo sadex sanadood ah soo qaadatay dhismaha isbitaalkan oo la hindisay sanadkii 2009-kii, isbitaalkan ayaa sida uu sheegay la hindisay kadib markii la arkay baahida dhanka caafimaadka oo ay bulshada degmada Qardho qabaan.
Axmed Nuur Sheekh ayaa sheegay wali inay sii wadayaan horumarinta isbitaalka oo ay qaybo kale duwan kusoo kordhin doonaan, isagoona xusay talaabadan isbitaalka lagu hirgaliyay inay bilow cusub tahay ayna u mahadcelinayaan ALLE iyo dadwaynihii ka qaybqaatay dhismaha isbitaalka.
Cusmaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah saraakiisha caafimaadka ee magaalada Qardho ayaa hadal uu isagu ka jeediyay madasha waxaa uu tilmaamay inay siweyn usoo dhoweynaan hirgalinta isbitaalka, waxaa uu balan qaaday inay wada shaqayn xoogan la yeelan doonaan isbitaalka oo ay taageeri wayn siin doonaan.
Sheekh Maxamed C/laahi Cabdule oo isagu ku hadlay magaca mashaa’iqda ayaa sheegay in loo baahanyahay wax walba in lagu bilaabo xuska eebbe oo uu tilmaamay shacabka inay ku dadaalaan cabsiqa eebe, sheekha ayaa sidoo kale sheegay islaamka inuu kaalin wayn uga jiro ilaalinta caafimaadka.
Isbitaalka Balsam Clinic ayaa waxaa ka howgalli doona dhaqaatiir ajnabi iyo Soomaali isugu jirta, waxaa si rasmi ah xariga uga jaray xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Qardho Maxamuud Maxamed Shire.
Magalaada Qardho iyo deegaanada ku xeeran ee gobolada Puntland ayaa in muddo ah waxaa ka jirtay baahiyo dhanka caafimaadka oo ay bulshada dhaqaala badan uga bixi jiray adeegyo caafimaad oo dalka dibadiisa ay ugu socdaali jireen.
Cusbitaal Cusub Oo Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Qardho
Moderator: Moderators
- HooBariiska
- SomaliNet Super
- Posts: 7692
- Joined: Thu Apr 08, 2004 7:00 pm
- Location: In My Ardaaa - Ballin' & Haasaawin'
Re: Cusbitaal Cusub Oo Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Qard


cisman maxamauud the gobta majeertaaanka the rest are bunch of naagos
Re: Cusbitaal Cusub Oo Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Qard
Timo_Case wrote:![]()
well done.
cisman maxamauud the gobta majeertaaanka the rest are bunch of naagos

- abdisamad3
- SomaliNet Super
- Posts: 12628
- Joined: Sat May 30, 2009 10:18 am
- Location: Kismayo
Re: Cusbitaal Cusub Oo Casri Ah Oo Laga Furay Magaalada Qard
Good well done reer Pland. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 8 Replies
- 1400 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 638 Views
-
Last post by kaliil
-
- 2 Replies
- 712 Views
-
Last post by quark
-
- 5 Replies
- 945 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 40 Replies
- 2960 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 2 Replies
- 842 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 0 Replies
- 771 Views
-
Last post by Tanker
-
- 0 Replies
- 774 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 16 Replies
- 2543 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 19 Replies
- 1363 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl