



More pics and audio:
http://horseedmedia.net/2012/12/06/mush ... dhaweeyey/
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdullaahi Siciid Samanter Oo Bosaso Lagu Soo Dhaweeyey (Sawiro + Dhegaysi)
Gen.Cabdullaahi Siciid Samanter oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Puntland ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso. Cabdullaahi Siciid oo ay la socdeen qaar kamid ah odoyaasha deegaanada Puntland oo ku madi yahay Maxamed Cumar Dhigic Dhigic iyo qaar kale, waxaana ay ka soo duuleen magaalada Dubai halkaas oo uu ku sugnaa maalmihii u danbeeyey.
Dadweyne isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa buux dhaafiyey jidadka gala garoonka Diyaaradaha ee Bosaso, kuwaas oo watey boorar sawirka Musharaxu ku sawiran yahay iyo caleemo qoyan waxaana ay ku dhawaaqayeen halkudhigyo lagu soo dhaweynayo Musharaxa. Sidoo kale waxaa soo dhaweynta Musharaxa ka qaybqaatey masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Puntland, waxaana loo galbiyey hoyga uu magaalada Bosaso ka degan yahay.
Musharaxa oo la hadley saxaafadda ayaa ugu horeyn sheegey in mawqifkiisa ku aadan xaaladda Puntland uu marar badan ka hadley isla markaana hadda uu ka hadlaayo isbedakladii u danbeeyey ee dalka.
Musharaxa ayaa warkii uu siiyey saxaafadda u kala qaybiyey saddex qodob, Baaq uu u jeediyey maamulka Madaxweyne Faroole, sidoo kale waxa uu baaq u direy isimada iyo dadweynaha Puntland.
Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayuu ugu baaqey in aanu Puntland khal-khal gelin waa nin saaxiib ahayn oo aan soo wada shaqeyney waxaana loo doortey muddo afarsano ah, lifaaqu maaha sharci dastuurna ma noqon karo waa mid dano gaar ah laga lee yahay kuwaas oo ah ku darsasho oo keliya, Waxaan uga fadhinaa Madaxweynaha in uu qabto doorasho bisha Janaayo marka la gaaro, haddii Madaxweynuhu sharciga dhawri waayo waxaa dhacaysa in isagana aan qiimo loo hayn, waxaana looga fadhiyaa in uu tixgeliyo dhaartii iyo amaanadii loo dhiibey, haddii uu qabto oo uu guuleysto anaguna waan la shaqeyneynaa, isagana sidaas oo kale ayaa looga fadhiyaa.
Cabdullaahi Siciid Samanter ayaa baarlamaankii xilku ka dhacay ku eedeeyay in iyaga ay tahay halka sartu ka qurantey halkii ay ahayd in iyagu wax hoggaamiyaan ayaa iyagii la hoggaamiyey, fadhiyada ay hadda u fadhiyaana waa sharci darro, shacabkana ma metalaan umana dhaarsana guriga ay fadhiyaana shacabka ayaa iska leh sharci darro ayeyna ku fadhiyaan.
Isimada ayaa musharaxu ugu baaqey Isimada daawanaya xaaladda Puntland, waxaana uu yiri ma waxaad sugeysaan markii la isku dhaco, awoodda isimada waa la yaqaan waxaa muhim ah in aad xaaladda soo dhexgashaan inta aan xeero iyo fandhaal kala dhicin.