News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

The PM is the head of government. His main responsibility is officiating and running the daily affairs of government with his team of cabinet members and the law-making group that is parliament.

From now on--this will be the topic that tracks what he is doing
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: News: Keep up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

December 6, 2012 (Yesterday)

The Prime Minister and his council of ministers have worked on a policy and mechanism to outlaw and prevent the private and public sale, exchange, circulation, or laundering of government arms held by the armed forces
Golaha Wasiiradda J.F.Soomaaliya Oo Mamnuucay Ka Ganacsiga Qalabka Milateri

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Ganacsiga iyo adkaynta Amniga.

Ugu horayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ka warbixiyey booqashadii uu shalay ku tagay cirifyada magaalada Muqdisho isagoona u kuur galayey xaalada Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa dadaalkii looga sifeeyey Isbaarooyinka goobo badan oo ku yaala Caasimadda.

Sidoo kale golaha ayaa ka dooday sidii loo howl galin lahaa Maxjarka Xoolaha ee ku yaala degaanka Al-jaziiro halkaas oo ganacsato Soomaaliyeed ugu diyaarsheen Xoolaha Dalka laga dhoofinayo dhamaan agabyadii ay u baahnaayeen sida Naaxinta, Baarista Caafimaadkooda, iyo Cawskii lagu calfin lahaa mudadda ay safarka sii yihiin. Maxjarkan ayaa ah kan kaliya ee ku yaala Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana ay bilaamaysaa xoolo dhoofintu 31 bishaan.
■Goluhu waxay isku raaceen in la sameeyo gudi ka kooban shan Wasiir oo kala shaqeeya gacanstada dhoofinaysa Xoolaaha sidii ay ugu fududaan lahayd howlahooda shaqo. Waxaana gudigaas ka mid ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Howlaha Guud, Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Khayraadka Dalka Mudane Cabdirisaq Cumar Maxamed oo ah Gudoomiyaha Gudiga.
■Sidoo kale Golaha ayaa isku raacay in laga bilaabo maanta aan laga ganacsan karin qalabka ciidamadda sida, Hubka noocyadiisa kala duwan, Rasaasta, Tuutaha, Booshashka iyo dhamaan qalabka ay isticmaalaan Ciidamadu.

Ugu danbayntii Golaha ayaa Amaan u soo jeediyey shacabka sida ay ugu heelan yihiin is bar-bar taaga dowladooda iyagoona ku tilmaamay in wada shaqayn dhex marta shacabka iyo dowlada ay tahay tan kaliya oo lagu sugi karo amniga.

http://radiomuqdisho.net/golaha-wasiira ... a-sawirro/
Image
Image
Coldoon
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1650
Joined: Sun Sep 23, 2012 2:34 pm

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Coldoon »

:lol:
User avatar
Substance
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3831
Joined: Sat Mar 24, 2012 5:56 pm
Location: Under The Neem Tree

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Substance »

Prime Minister Shirdoon :up:
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

December 6, 2012 (Yesterday)

The Prime Minister paid a visit to the Ex-Control Afgooye, the most vital entry point into the city of Mogadishu, and which was the most dangerous checkpoint during the warlord era of the country's history. He oversaw other security developments.
Ra’iisul Wasaare Shirdoon oo markii ugu horeysay booqday Ex-Kontrol Afgooye + Sawirr

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala gudaha Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed. Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro meeshuu u scoday”.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.
Image
Image
Image
Image
Last edited by The`Republic on Fri Dec 07, 2012 10:10 pm, edited 1 time in total.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

December 3, 2012

The Prime Minister and his Cabinet had finished working on and approved the state budget for 2013. In his press conference, the Prime Minister praised the troops in Kismaayo and promised to work closely with them for the good of the nation. He had promised to send an emportant envoy that will represent his office to the city.
Golaha Wasiirrada oo Maanta Ansixiyey Miisaaniyada Sanadka 2013

Shir ay maanta isugu yimmaaddeen Golaha Wasiirrada oo uu gudoominayey Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa waxaa looga hadaly arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin Amniga, Miisaaniyada Sanadka 2013ka iyo Hantida Safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Talyaaniga iyo Maraykanka.

Golaha wasiirrada ayaa aad u soo dhaweeyey qaadida isbaarooyinkii yaalay magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda iyadoo gaadiidka looga qaadi jiray lacag lagu qiyaasay 30,000 doolar oo sharci darro ah maalin kasta, taas oo maanta sababtay in ay qiimo dhimis sameeyaan gaadiidka ka shaqeeya magaalada muqdisho iyo gobolada dalkuba.

Ugu horrayntii Wasiirka Maaliyadda iyo Qorshaynta, Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan, ayaa golaha u soo gudbiyey Miisaaniyadda Sanadka 2013ka, taas oo aad uga badan Miisaaniyaddii ka horaysay ee sanadkan aan ku jirno ee 2012ka. Wasiirka ayaa sheegay in Miisaaniyadda uu soo gudbiyey 75% ka imaan doonto dakhliga gudaha dalka ka soo geli doona dawladda. Ugu dambeyntiina markii la isla eegay, waxaa golaha wasiiradu ah ku ansixiyeen Miisaaniyada cod aqlabiyad ah, iyadoo la hor gayn doonaa Golaha Baarlamaanka.

Waxa kale oo Golaha Wasiirradu isku raacay in la joojiyo lacagaha qaababka kala duwan loogu qaado Dekedda Muqdisho, iyadoo lacagta keliya ee la oggol yahay in Dekedda Dhexdeeda lagu qaadaa ay tahay Cashuurta Dawladda Dhexe.

Sidoo kale Golaha Wasiirrada ayaa ka dooday sidii laga yeeli lahaa Hantida ma guurtada ah ee safaaradaha Soomaaliya ku leedahay Roma iyo New York, iyadoo maalmahaan ay soo baxayeen warar sheegaya in dad ajaanib ah laga kireeyey dhismayaasha safaaradahaasi. Dooddii golaha ka dib, waxa la go’aamiyey in la magacaabo guddi Wasiirro ah oo ka soo baaraan dega arrintaasi. Guddiga waxa hoggaamin doona Ra’iisal Wasaare Kun Xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Marwo Fawsiya Xaaji Aadan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane: Cabdi Faarax Shirdoon “ Saacid” ayaa sheegay in dowladda cusub siyaasadeedu tahay iney adeegyada dowladda gaarsiiso gobolada dalka, madaxda dowladuna booqan doonaan goboladaas. Wuxuuna amaan u jeediyey Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Kismaayo oo maalintii shalay ahayd ka hortagay gawaari laga soo buuxshay waxyaalaha qaraxa oo la damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” oo saxaafada la hadlay ayaa aad ugu amaanay Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed sida geesinimadu ku dheehan tahay oo ay uga qaadeen isbaarooyinkii dhex yaalay magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku xeeran. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare “Saacid” wuxuu baaq nabadeed u diray beelihii ku dagaalamay Gobolka Galgaduud, waxana uu tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay dadku uga geeriyoodeen dagaaladaas, isagoo sheegay in Xukuumaddu u dirayso gudi wasiirro ah si waan-waan iyo xal waara looga gaaro colaaddaas.

http://kismaayo24.com/?p=49443
Image
Image
Image
Last edited by The`Republic on Fri Dec 07, 2012 10:09 pm, edited 1 time in total.
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Advo »

Long live the government :up:
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

December 7th, 2012

The Prime Minister went on impromtu "town hall" style public meetings visiting gathering places and restaurants unannounced to listen to the concerns of the people and have them speak to him
Raysalwasaaraha Soomaaliya Oo Su’aalo Ay Weydiiyeen Bulshada Caadiga Ah Meel Ka Baxsan Xafiiskiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa saaka kulan balaaran la qaatay dadweyne faro badan oo ku qaxweynayey maqaaxi ku taala binaanka Villa Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u salaamay dadkii ku qaxweynayey makhaayadda isagoo kulan is xog waraysi ah la qaatay shacabkii meesha joogay una oggolaaday in ay iska waraystaan xaalka dalku marayo, iyadoo qof kastana uu Ra’iisul Wasaaraha weydiinayey su’aalo uu ula ciil qabay inuu mar uun weyddiiyo madaxda dalka.

Su’aalaha ugu badan oo Ra’iisal Wasaaraha la weydiiyey ayaa waxaa ka mid ahaa: Arrimaha amniga, Isbaaroyinka la qaaday iyo sidii dalka oo dhan loo gaarsiin lahaa maamulka Dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa si hufnaani ku jirto uga jawaabay su’aalahaas, waxana uu ku booriyey dadweynaha in ay kalsooni buuxda u muujiyaan dawladda si dalka looga saaro xaaladda uu ku jiro. Waxana uu R/Wasaaruhu yiri:

“ Waxaa markasta dhibka lala maagan yahay maahan dawladda oo keliya ee waxa dhibka ugu badani uu soo gaaraa waa dadka rayidka ah. Sidaa daraadeed, waxa loo baahan yahay in shacabku gacan buuxda siiyaan dawladdooda, si looga adkaado colaad-oogayaasha, xagjirka iyo danbiilayaasha ku dhex dhuunta shacabka marka ay gaystaan faldanbiyeed. Ra’iisal Wasaare Saacid waxa uu ku daray intaas in Dawladdu ay ballan qaadayso in ay difaacdo shacabkeeda. Waad u jeeddaan sida ay shacabku u soo dhaweeyeen uguna diirsadeen qaadista isbaarooyinka iyo faa’iidada ay keentay tallaabadaasi ee ah in gadiidkii dadweynuhu uu si fudud ugu gaaro meeshuu u scoday”.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed, Abaanduulaha Ciidanka, Taliyaha Ciidanka Booliska, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir, iyo ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku Xigeen ayaa kormeer ku tagay labada wado ee laga soo galo magaalada Muqdisho oo dhawaan ciidanka qaranku ka qaadeen Isbaarooyinkii yaalay muddada ka badan 22 sano. Wuxuuna Ra’iisul Wasaaruhu socod ka soo bilaabay xeradii Maslax isagoona ku tagay Darmooley oo qiyaastii u jirta masaafo dhan 1km, wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kulamo la qaatay saraakiisha ciidanka ee jooga goobahaas isagoona ku aamanay sida wanaagsan oo ay ugu heelan yihiin habeen iyo maalin difaaca dalkooda iyo dakooda.

http://horseedmedia.net/2012/12/06/rays ... fiiskiisa/
Image
Image
Image
mrhunter1
Posts: 60
Joined: Fri Feb 10, 2012 9:15 am

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by mrhunter1 »

The thing that pisses me off abt this incompetent Govt is the Foreign -FREAKIN- Minister, WTF was he thinking? wen he gave the post to her. when she openly says she from a different country
User avatar
Smile-LiKe-SuN-RiSE
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7665
Joined: Tue Feb 21, 2006 12:52 am
Location: Jubbaland

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Smile-LiKe-SuN-RiSE »

Advo wrote:Long live the government :up:
rabsho badanidaa..waxaad jeceshahay...in aad dadkan HAG ku waashey ina wadnaha go'aysid.


Keep it coming voltage :clap:
Advo
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 27096
Joined: Sat Mar 01, 2008 4:11 am
Location: ever green state

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Advo »

HAG have been infiltrated, they are now working to further our interest in the region. I no longer see them as a foreign group.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by The`Republic »

Guys let's limit discussion in this topic about anything else but the affairs of the Prime Minister and the job he is doing and the duties he is carrying out in support of his title.

Just a record of current affairs really.
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by AbdiWahab252 »

Saacid has a lot of work ahead of him. Its a sad state of affairs that each incoming PM inherits a larger mess than his predecessor. The outgoing government pilfered the coffers, loaded the bureaucracy with more cronies, no transition team/notes, and most importantly appeasing the hundreds of interest groups. Saacid has a lot to do, manage great expectations and form strong systems while combating a ruthless enemy.
User avatar
DANGIRL
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12793
Joined: Wed Dec 03, 2003 7:00 pm
Location: .....

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by DANGIRL »

Why was my reply deleted?

Image
User avatar
Murax
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 28297
Joined: Sat Dec 29, 2007 4:45 am

Re: News: Keeping up with Prime Minister Shirdoon

Post by Murax »

This guys a good speaker.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”