Defense Minister Fiqi and Commander Dini land in Garbahaaray

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Defense Minister Fiqi and Commander Dini land in Garbahaaray

Post by The`Republic »

The Defense Minister and the Commander of the Army have landed to see how the Federal government can best support the almost finalized plan of the Gedo troops who will march all the way from Baardheere to Bu'aale to Jilib, removing Al Shabaab from the rest of the Jubba Valley. It is not confirmed yet, but they will travel to Dollow also in Gedo the headquarters of the Gedo troops to sign financial and logistical support to the Gedo troops.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Deg:Garbahaareey

Garbahaarey(Sh.M.Network)—Wararka Naga Soo gaaraya Degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa ku soo waramaya in goor dhow halkaasi ay gaareen wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhiga ee Xukuumadda Soomaaliya C/Xakiin Xaaji Max’uud Fiqi.

Wafdiga wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ka mida Saraakiil Ka tirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya sida Taliyaha Ciidamada Xooga Soomaaliyeed C/qaadir Sh.Cali Diini.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi Gaareen waxa sida ay Idaacadda Shabelle u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowladda ee Gobolkaasi Gedo iska hor’imaadyo halkaasi ay ku dhex mareen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxo ka tirsan Al Shabaab oo la sheegay in ay isku dayayeen in ay weeraraan Wafdiga halkaasi tagay.

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mida Saraakiisha Sar sare ee Gobolkaasi oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ka hor tageen isku day weerar kaas oo ka dhanaha wafdi wasiirka Gaashaandhigga uu hogaaminayay ee iyagu saakay tagay Degmadaasi Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo

Si kastaba ha ahaatee wafdigaani oo ka kooban Wasiiro ,Saraakiil iyo Xubno ka mida Mudanayaasha Baarlamaanka ee ka soo Jeeda Gobolkaasi ayaa haatan waxa ay kulamo xarunta Gobolka Kulan kula leeyihiin Saraakiisha Ciidanka dowladda ee halkaasi ku sugan kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan arrimo dhowr ah oo ubadan Sidii Al shabaab looga sifeyn lahaa guud ahaan Gobolkaasi Gedo

http://shabelle.net/wasiirka-gaashaandh ... egmadaasi/
Last edited by The`Republic on Sat Dec 15, 2012 6:00 am, edited 1 time in total.
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Defense Minister Fiqi and Commander Dini land in Garbaha

Post by The`Republic »

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo gaaray Degmada Gabahaarey ee Gobolka Gedo


Sabti, December 15, 2012 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Gabahaarey ee xarunta gobolka Gedo, halkaasoo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu wasiirku hoggaaminayo ayaa waxay ka kooban yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana booqashadooda lagu sheegay inay la xiriirto dar-dargelin howlaha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa gacanta siinaya ay kawadaan gobolkaas.

"Mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmada ayaa wafdiga si weyn ugu soo dhaweeyay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxaana wasiirku uu la kulmi doonaa mas'uuliyiinta iyo waxgaradka degmadaas ku nool," ayuu yiri wariye ka mid ah kuwa la socda wafdiga.

Booqashadan oo aan la ogeyn inta casho ee ay qaadanayso ayaa waxay noqonaysaa tii labaada oo wasiirka gaashaandhigga uu ku tago deegaannada laga qabsaday Al-shabaab, isagoo dhawaan booqday degmada Jowhar oo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

"Qorshaha wasaaradda gaashaandhigga waa in lasii wado dagaallada lagula jiro Al-shabaab inta dalka oo dhan laga saarayo," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga oo ka warbixinayay howlaha horyaalla xukuumaddiisa, kaddib markii loo dhaarshay xilkan.

Degmada Garbahaarey ayaa waxay ka mid tahay dhowr degmo oo gobolka Gedo ka tirsan oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya kala wareegeen xoogaggii Al-shabaab ee ka talinayay sannad ka hor, waxaana socdaalkan uu kusoo beegmayaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay la wareegeen shalay degmada Ufuroow oo ka tirsan gobolka Bay.

Wixii kasoo kordha safarkan waxaad kula socon doontaa wararkeenna dambe haddii Alle ogolaado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

http://hiiraan.com/news/2012/Dec/warark ... -20217.htm
The`Republic
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4133
Joined: Tue Aug 14, 2007 6:28 pm

Re: Defense Minister Fiqi and Commander Dini land in Garbaha

Post by The`Republic »

Wasiirka Gaashaandhiga dowlada oo goordhow gaaray Magaalada Garbaharey ee G.Gedo
December 15, 2012 - Written by maamule - Edited bymaamule







Wararka naga soo gaaraya magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dagay wafdi uu hogaaminayo Wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya.

Mudane C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garbaharey ee xarunta gobolka Gedo, iyadoona ay soo dhaweeyeen saraakiisha dowlada ee kusugan magaalada Garbaharey.

Wasiirka ayaa waxaa wehlinaya Saraakiisha ugu sar sareysa ciidamada xoogga dalka, waxaana haatan soocnaya kulamo balaaran oo wafdigaas ay la leeyihiin masuuliyiintii kusugnaa magalada.

Arimaha uu wasiirka gaashaandhiga kala hadlayo Saraakiisha dowlada ee kusugan Garbahary ayaa waxaa kamid ah sidii loo bilaabi lahaa howlgalo kadhan ah Shabaab oo waayadan qaban qaabadeeda ka soconayeen gobolkaas.

Waxaa jira warar sheegaya in Wasiirka iyo Wafdigiisa ay gaari doonaan magaalada Dolow halkas oo tababar loogu soo xiri doono ciidamo badan oo katirsan kuwa dowlada.

Wararkii soo Kordha dib kala soco Warqaad.com Insha Allah
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”