Furitaanka Xafladda lagu furayay shirkadda Dhoofinta Muuska Soomaaliya ee Fruit Some ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta shirkada dhoofinta Muuska iyo marti sharaf kale.
Guddoomiyaha fulinta shirkadda Cusmaan Xeylaad Caruush ayaa warfiyeennada u sharaxay u jeedada loo aas aasay Fruite Some, waxa uuna sheegay in shirkaddani ay tahay mid soo saartay Muuska, si dibadda loogu dhoofiyo, maadaama baahi weyn loo qabo.
Sidoo kale Guddoomiyaha fulinta ayaa ka warramay waxa ay ka kooban tahay shirkadda dhoofinta Muuska, isagoo intaa ku daraya in muddo fog ay caqabado badan jireen, laakin hadda laga gudbay isku day ay sameeyeen kadib.
Madaxda shirkadda ayaa sheegay in ay dhiiragalinayaan oo ay soo dhaweynayaan cid walba oo maalgashaneysa shirkadda si loo horumarriyo wax soo saarka Muuska, waxaana aas aasayaasheeda ka mid ah Beeraleyda gobolka Shabeellada Hoose, waana shirkaddiisa ugu horeeysay ee si madax banaan u sameysa Barnaamij dibadda loogu dhoofinayo Muuska, maadama uu ka mid yahay Kheyraadka caanka uu ku yahay dalkeenna.
Republic of Somalia is slowly recovering

