Page 1 of 2

Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland starts

Posted: Tue Dec 18, 2012 9:42 am
by AhlulbaytSoldier
Maamulka Somaliland oo sheegay inay diyaar u yihiin inay Wadahadallada la sii wadaan dowladda Soomaaliya
Talaado, December 18, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiinta maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inay diyaar u yihiin inay lasii wadaan dowladda Somalia wadahadalladii billowday bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo looga hadlayay sidii go'aan mideysan looga gaari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Cabdullaahi Cumar oo la hadlay BBC-da isagoo ku sugan Jabuuti ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin inay dib u billowdaan wadahadallada, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yihiin sii socoshada wadahadallada.

"Xilliga iyo goobta ay dib uga billaaban lahaayeen wadahadallada weli wax go'aan ah lagama gaarin," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaliland, balse wuxuu xusay in Somaliland ay mar walba diyaar u tahay inay sii socdaan wadahadallada guulana laga gaaro.

Wadahadalladan ayaa billowday xilligii ay jirtay dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Shariif Sheekh Axmed waxayna wajigoodii koowaad ka dhaceen magaalada London ee xarunta dalka Britain, halka wajigii labaadna ay labada madaxweyne ee Shariif Sheekh iyo Axmed Siilaanyo ay isku arkeen magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta bartamihii sannadkan.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin in lasii wado wadahadallada u billowday Somalia iyo Somaliland ay sii socdaan, wuxuuna rajo weyn ka muujiyay inay noqon doonaan kuwo hadafkii laga lahaa laga gaaro.

Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya 1991-kii ayaa waxay tan iyo xilligaas ku jirtay dadaallo ay ku raadinayso in aqoonsi ay hesho, balse riyadaas weli kuma aysan guuleysan inay hirgasho.


Let us hope that these two work their differences out. :up:

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 11:31 am
by Mondey
waa inaan wadahadalo cilmiyaysan o farsamaysan la bilaabnaa maamulka somaliland si midnimada somalia si dagdag ah lo so celiyo :up:

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 2:56 pm
by ZubeirAwal
Unity is not the answer, and such thing will not happen Inshallah.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:26 pm
by Talo alle udaa
When is unity not the answer?
Wadaad wareersan baad tahey.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:28 pm
by Khalid Ali
Talo alle udaa wrote:When is unity not the answer?
Wadaad wareersan baad tahey.

Is unity with Ethiopia an answer 2 for the people of Ogadeniya ?

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:32 pm
by Coldoon
AbuukarSubeer wrote:Unity is not the answer, and such thing will not happen Inshallah.
Marna ka hadal Islam iyo Muslim unity, marna kala dhantal midnimada umadda Somaliyeed. Hypocrite foqol hypocrite!

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:36 pm
by Talo alle udaa
khalid ali wrote:
Talo alle udaa wrote:When is unity not the answer?
Wadaad wareersan baad tahey.

Is unity with Ethiopia an answer 2 for the people of Ogadeniya ?
Hadii laga hadlo waxaa isu keena umad, dhaqan, dhalasho, iyo diin--midna lama wadaagno axmaarada.
Taasi waxaa sii dheer cadaawad soo jireen ah, nabaro aan wali bogsan, iyo taarikh dhiig badan ku daatey.
Hope that answers your question, Suldaan Khalid.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:39 pm
by Khalid Ali
nabadarada iyo dagalaada waxa keeney Ethiopia baad tahay iyo ma ihey hadaad see ogalaatid dhibaato ma jirto dagaalkuna ma jirayo dagaalka ba waxa keenay itoobiya ma ihey nin reer ogadenia baan ahay sax somaha , marka waxad isla jeceshahay walaalka la jeclow anigu waan tageera rabitaanka shacabka reer ogadeniya because xaq bay u leeyihin ina dawlad gaar ah noqdaan oo Ethiopia maha ayaad quraan ah oo ilahay isku nabay :up: Midnimadu maha xal mar walba waxay ku xidhantahay siday dadku isu raba isuna bahayihin iyo duruufaha iyo rabitaankoda iyo hamigay leeyihin.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:49 pm
by Coldoon
khalid ali wrote:nabadarada iyo dagalaada waxa keeney Ethiopia baad tahay iyo ma ihey hadaad see ogalaatid dhibaato ma jirto dagaalkuna ma jirayo dagaalka ba waxa keenay itoobiya ma ihey nin reer ogadenia baan ahay sax somaha , marka waxad isla jeceshahay walaalka la jeclow anigu waan tageera rabitaanka shacabka reer ogadeniya because xaq bay u leeyihin ina dawlad gaar ah noqdaan oo Ethiopia maha ayaad quraan ah oo ilahay isku nabay :up: Midnimadu maha xal mar walba waxay ku xidhantahay siday dadku isu raba isuna bahayihin iyo duruufaha iyo rabitaankoda iyo hamigay leeyihin.
Then what's your aggression towards Samaroon iyo Hartiga waqooyi that want nothing to do with Isaaq? Dhulkooda baad doonaysa inaad ka xoogtiid. Wa idinka yidhaahda, "Dulku maguure, dadka guura". :lol:

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:52 pm
by Talo alle udaa
La iskumo heysto Atoobiyan nimo, yaaba is weydiinaya. Waxaan kuu sheegay inta umad isu keenta hadii aanan la is indha tirin mawadaagno xabashida, halka idinku wixiinu yahay wax iska sahlan. Waxaan anigu Atoobiyan ooga soo horjeedo ma ahan in aan wadan magac gaar ah wata yeesho ee waa anoo muslim ah inuu nin gaal ah ii talin.

Waa runta markasta talada dadka ay khusayso yaa iska leh.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 5:59 pm
by Khalid Ali
Tallo taasi wa iska sheekoyinki Somalida qarniga 15toban ku sheekeyn jiray Itoobiya hada majority dadku wa ba islaam 20ka sanadood eeh so socda waxay noqonayan dadka ugu badan eeh islaam eeh itoobiya ku nool marka diin maha gaalada minorityga uun ba xukuma.. itoobiya wa ethnic federalism qof walba gobol bu leeyahay aniga ii weydi wabaan ku noolaan jiray maha meel aad u xun , laakin hadan waan fahmi kara shacabka reer ogadeniya inay raban inay dal gaar ah noqdaan oo ay ayahooda ka tashadan, sabab may dooraan inay itoobiya noqdaan eeh gaaladi dalka qabsaday ba xabashida kula shuraakoobay. Tigrayga laftigisa eeh itoobiya ba raba inu maalin go oo hadu dalka xukumi kari wayo. Tusaale ahaan dalka Kenya Somalida Kenya wa dad islaam ah dhibaata kuma arkin kenya wa dad gaalo ah waxay taasi ku tusaysa gaal iyo islaam inay dal wada yeelan karan. Laakin wax walba waxay ku xidhantahay rabitan shaacab iyo daduhu siday uga dhabeyaan ama dalka eritrea oo itoobiya ka goostay oo gaaal iyo islaam ba leh , sheekadu mar walba kuma salaysna diin waxay ku salaysantahay shacab rabitaan iyo hamigay raban inay hiigsadan oo xaqooda ku dhacsadan malaayin Somali ba aminsan inay yihin Itoobiyan iyo kenyatiga , marka wa macquul laakin fikrada kale ba wa macquul. Marka midnimadu waxay ku xidhantahay marba cidi lala midoobayo dadku siday yihin dadku midowga dhexdoodu sidu yahay yey midow la raban , Midow maha markastaba kheyr sida yougaslaviya oo kale iyago gaalo wada ah bay qaar ba dawlad gaar ah noqdeen marka diin maha eeh wa umad.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 6:02 pm
by Brobaganda
There should absolutely be no talks. No talks between Xamar and Hargeisa.

Neutral stance from the Government of Somalia is the best solution to this headache.

No more madness.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 6:09 pm
by Khalid Ali
Brobaganda wrote:There should absolutely be no talks. No talks between Xamar and Hargeisa.

Neutral stance from the Government of Somalia is the best solution to this headache.

No more madness.

They don't have much of a choice the talks are being facilitated by the international community EU they called for a dialogue between SL and Somalia, the talks can fail but you cant ignore the talks :lol:

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 6:36 pm
by Talo alle udaa
khalid ali wrote:Tallo taasi wa iska sheekoyinki Somalida qarniga 15toban ku sheekeyn jiray Itoobiya hada majority dadku wa ba islaam 20ka sanadood eeh so socda waxay noqonayan dadka ugu badan eeh islaam eeh itoobiya ku nool marka diin maha gaalada minorityga uun ba xukuma.. itoobiya wa ethnic federalism qof walba gobol bu leeyahay aniga ii weydi wabaan ku noolaan jiray maha meel aad u xun , laakin hadan waan fahmi kara shacabka reer ogadeniya inay raban inay dal gaar ah noqdaan oo ay ayahooda ka tashadan, sabab may dooraan inay itoobiya noqdaan eeh gaaladi dalka qabsaday ba xabashida kula shuraakoobay. Tigrayga laftigisa eeh itoobiya ba raba inu maalin go oo hadu dalka xukumi kari wayo. Tusaale ahaan dalka Kenya Somalida Kenya wa dad islaam ah dhibaata kuma arkin kenya wa dad gaalo ah waxay taasi ku tusaysa gaal iyo islaam inay dal wada yeelan karan. Laakin wax walba waxay ku xidhantahay rabitan shaacab iyo daduhu siday uga dhabeyaan ama dalka eritrea oo itoobiya ka goostay oo gaaal iyo islaam ba leh , sheekadu mar walba kuma salaysna diin waxay ku salaysantahay shacab rabitaan iyo hamigay raban inay hiigsadan oo xaqooda ku dhacsadan malaayin Somali ba aminsan inay yihin Itoobiyan iyo kenyatiga , marka wac macquul laakin fikrada kale ba wa macquul. Marka midnimadu waxay ku xidhantahay marba cidi lala midoobayo dadku siday yihin dadku midowga dhexdoodu sidu yahay yey midow la raban , Midow maha markastaba kheyr sida yougaslaviya oo kale iyago gaalo wada ah bay qaar ba dawlad gaar ah noqdeen marka diin maha eeh wa umad.
Hadey Ethiopia majority yihiin Islaam, maxey maalin walba ugu mudaharadayaan, siiba masaajida ku yaal gobollada Oromada, maxaana sanka looga gelinaya fikirka axbaashta iyo suufiyada qunyar socodka ah.





Wadanka Ethiopia wa dal masiixi ah, aduunkana wuu u qira. Maanta qof muslim ah oo Ethiopian nima ku faana arki maysid, waayo wuu ogyahey xaqiiqda meesha ka jirta. Ayadooba dhibkaas jirro ayaa, hadan waxa jirra arrinta qawmiyadaha aad ka dhawaajisay, sida Tigreega raba in ay go'aan. Waa run, waxaana la dhihi karaa mida Tigreega iyo tan S/land baa isaga dhow, Ogaden rabaa in ay xabashi ka go'aan iyo Idoorka raba wadan gaar ah. Xata Tigreega waxaa la dhihi karaa wa ethinic group waayo luuqad gaar ah ayey ku hadlaan, laakin ninka Hargeysa degan iyo kan degan laascanood waa isku luuqad.

Shacabka degan NFDa waa lagu khasbey Kenya, ayagoo walibana afto laga qaadey kuna sheegen in aysan rabin kasii mid ahaanshaha Kenya. Laakin hada xaqiiqda waaqacan taala ayaa ah in aysan heysan wax dhaama ka mid ahaanshaha wadankaasi.

Re: Talks between Republic of Somalia & Maamulka Sland start

Posted: Tue Dec 18, 2012 6:39 pm
by Khalid Ali
talo wa dhibaatada hada jirta dawlada itoobiya waxay aad uga cabsanaysa musliminta itoobiya iyo siday xaddhaaf u noqdeen si ay itoobiya ula haato christian identity ba halis ku jirta marka wa wax ay cabsi weyn ka qaban give it a few more years waad arki doonta, Ethiopia will evolve into a Muslim state wakhti sii. luqad lugu ma midoobi karo ninka tigrayga eeh meqelle degen ama adwa wa isku af ninka Eritrean af dad kuma midoobaan haday af umad ku midoobayan 23 carab ba hal dal noqon laha ama germany iyo switzerland ba hal dal noqon laha , macquul maha.. laakin itoobiya waxa laga cabsanaya inay Muslim ba isku badasho wakhtiga fooda inugu so haya.

Image