WAR DEG-DEG AH: Kooxo Hubeysan oo Saddex Ruux Ku Dilay Magaalada Gaarisa
Khamiis, 20, 12 2012 (HOL) Saddex ruux ayaa lagu toogtay oo geeriyootay labo dhacdo oo kala duwan caawa gudaha degmada Gaarisa ee Xarunta gobolka Waqooyi Bari, sida ay xaqiijinayaan dad ku dhaqan deegaanka Gaarisa.
Labo kamida shaqaalaha Bangiga dowladda ayaa markii hore lagu toogtay oo ku dhintay meel u dhaw goob lagu caweeyo oo lagu magacabaao DRC Club, halka qofka saddexaad oo u shaqeynayay wasaaradda warfaafinta Kenya lagu dilay wadada Kenyatta Avenue ee magaalada Gaarisa.
Rag hubeysan oo aanan weli la aqoonsan ayaa fuliyay falkan toogashada ah iyadoona sidoo kale ruux kale oo ay soo gaareen dhaawacyo loola cararay isbitaalka guud ee degmada Gaarisa halkaasi oo lagu daweynayo sida uu sheegayo wariyaha Standard uga soo warama Gaarisa.
Labada dhacdo ayaa dhacay wakhti aad isugu dhaw iyadoona ay ka dhaceen laba goobood oo isu jira waxka yar 300 mitir, waxa uuna falkani cadeyayaa in weeararo qorshaysan lagu abaarayo saraakiisha ammaanka iyo shaqaalaha dowladda Kenya.
Inkastoo Kenya ay soo dhex dabaalanaysay weeraro qorsheysan, qaraxyo iyo bam gacmeedyo ka dhaca gudaha Kenya tan iyo intii ay ciidankeeda u dirtay Soomaaliya si ay ula dagaalanto al-Shabaab, balse haddana ma muuqata cidda dhabta ah ee fulineysa weeraradan iney tahay al-shabaab iyo iney jiraan gacmo saddexaad oo xasilooni darro ka abuuraya Kenya iyagoo ka faa'ideysanaya fursadaha jira.
Cabdiqafaar Shire
Hiiraan Online
More Garissa Hits - 3 Killed
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
- CilmiDoone
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1544
- Joined: Tue Dec 11, 2012 11:24 am
- Location: Winter is coming
Re: More Garissa Hits - 3 Killed
False flag op by the Keenians. 

- AbdiWahab252
- SomaliNet Super
- Posts: 56715
- Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
- Location: Unity. Strength. Capital.
Re: More Garissa Hits - 3 Killed
CilmiDoon,
I doubt it. Eastleigh definitely but not Garissa.
I doubt it. Eastleigh definitely but not Garissa.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 1374 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 5 Replies
- 654 Views
-
Last post by Sakhraan
-
- 37 Replies
- 2358 Views
-
Last post by garowegal
-
- 11 Replies
- 1397 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 4 Replies
- 752 Views
-
Last post by ina aadan
-
- 14 Replies
- 1443 Views
-
Last post by sheekh-Farax-zero
-
- 3 Replies
- 441 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 27 Replies
- 2685 Views
-
Last post by Lord Diplock
-
- 13 Replies
- 1426 Views
-
Last post by Lord Diplock