Garowe: 6th Political Party in Puntland Announced

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Gantaal05
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1183
Joined: Wed Apr 25, 2012 6:18 pm
Location: Migiurtinia

Garowe: 6th Political Party in Puntland Announced

Post by Gantaal05 »

Magaalada madaxda Puntland ee Garowe ayaa caawa 21 December,2012 waxa looga dhawaaqey Urur siyaasadeed cusub oo ka qayb ka noqonaya kuwa horey ugu jirey saaxada siyaasada Puntland.

Urur siyaasadeedka GAHAYR ayaa loo soo gaabshey Golaha Aqoonta iyo Horumarinta ee asaaska Yoolka Runta,waxana la sheegey in fadhigiisu yahay magaalada Galkcayo xarunta gobolka Mudug.

Gudoomiyaha KMG-ah ee ururka GAHAYR Cabdirisaaq Ismaaciil Xasan Darwiish oo la hadlay Radio Garowe ayaa ka waramay ururkiisa ,asaaskii Puntland iyo nidaamka xisbiyada inay ku tartamayaan.

“Astaantiisu waa Qalin,Shumac iyo Buug’’ ayuu yiri Gudoomiyuhu oo raaciyey in dhowaan qaban doonaan Shirweynaha Asaaska ururkan.

Waxa uu sheegegey ina jiraan dad aan dareensaneyn faa’idada nidaamka xisbiyada badan balse xili danbe ku baraarugi doona oo albaabadu xiranyihiin.

Guddiga doorashooyinka ayaa dhowan shaaciyey in Mudada Diiwaangelinta axsaabtu ku egtahay dhamaadka bishan,waxana lagu wadaa in maalamaha soo socda lagu dhawaaqo ururo siyaasadeed ooh ore Puntland.

Halkan ka dhageyso wareysiga Cawil Cali la yeeshey gudoomiyaha

Link: puntlandi.com






Image
Image
Image
Image
Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”