Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sadex Beelood Ku Shuraakoobeen Oo Loo Raaci Doono Doorashada Maayarka Caasimadda
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo Xalay Khadka Telefoonka ugu waramayey Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa uu sheegay inay beelahaasi heshiis ku yihiin in doorkan la siiyo Jagada Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab, halka beesha Ciidagale ay markii hore qaadatay, beesha Isaxaaq-na ay doorka dambe qaadan doonto.
Suldaan Maxamed oo arimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay Maayirnimada Magaalada Hargeysa waxa jira Cahdi, waxaana wada galay Cahdigaas qaar ka mid ah Beelaha wada dega Hargeysa oo tii uu Maayir Jiciir dhawr iyo Tobanka sanno ku fadhiyey-ba waxay ahayd Cahdigaas, Cahdigina sidii ayuu u taaganyahay, waxaanuu Cahdigaasi ka dhexeeyey Sadex Beelood oo kala ah Arab, Ciidagale iyo Isaxaaq, sadexdaas oo heshiis ku ahaa in hadda la siiyo beel iyaga ka mid ah oo ah Beesha Arab markii horena waxa la siiyey Ciidagale marka dambena la siiyo beesha Isaxaaq, markaa anaga cahdigii waa naga halkii ninki baalmaraana waxa uu jebiyey cahdigaas, markaa waxaan leeyahay doorkan waxa u taagan Maayirnimada Hargeysa Beesha Arab,
Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo Xukuumadda la hadlaya waxa uu yidhi “ Xukuumaddu Xisbi ayey leedahay oo xisbigu meesha uu doono ayu fara geliyaa, laakiin waxaan leeyahay Xukuumaddu yaanay faraha la soo gelin Doorashada Maayirka Caasimadda Hargeysa, waxaanan ugu baaqayaa inay faraha kala baxdo dadku iyaga ayaa xor u ah cidda ay keensanayaan, waxaanan taas si gaar ah uga codsanayaa Wasiirka Arimaha Gudaha oo Dawladaha hoose ku shaqa leh, waa in ciddii loo keeno ee ku guulaysata Maayirka Hargeysa uun ay la shaqeeyaan, anaguna u keeni mayno cid xune waxaanu keenaynaa qof wanaagsan oo dadka wax u qabta lana shaqeeyaa.
Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay jiraan Rag dibeddaha ka yimid oo doonaya inay dalka xilal ka qabtaan taasina ay ku xidhan tahay sida ay beelohoodu u soo doortaan, isaga oo sheegay in ninka Maayirka Hargeysa noqonayaa yahay nin deegaan ah, waxaanu yidhi “Hargeysa Ninka Maayirka ka noqonayaa waa nin deegaanka ah, rag kale oo dibedaha ka yimid oo doonaya inay dalka xil ka qabtaanna way jiraan, kuwaasina waxay ku xidhanyihiin sida ay beelohoodu u soo doortaan, laakiin anigu kama hor istaagayo haddii uu nasiibkoodu siinayo, Alle ha guuleeyo ayaan leeyahay”.
Suldaan Maxamed waxa kale oo uu sheegay inay Salaadiinta Beesha Arab u soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen cidda ay u xusheen Maayirka Hargeysa, kagana codasadeen Beelihii heshiiska kula jiray inay Cahdigii fuliyaan, waxaanuu yidhi “Salaadiinta Beesha Arab waxay noo soo gudbiyeen Qoraal ay ku soo cadeeyeen ninka la yidhaahdo C/laahi Aw Aadan inuu u taaganyahay Maayirnimada Hargeysa, ninkaas oo Mujaahid ahaa halgankiina ka soo qayb qaatay in bandanna ka soo shaqeeyey Dawladaha hoose ee waaxyaha ay Hargeysa ka koobantahay, haddii ay taas cidi kala kicinaysana waxa ku shaqo leh cidaas kala kicisa, laakiin beelaha kale ee aan heshiiskaas ku jirin waxaan leeyahay haddii ay ku soo baxaan waa nasiib kood umana diidayno”
Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sadex..
Moderator: Moderators
Re: Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sad
what happened to the Xeer ?????????????????? why the cidagalle didn't listen to his highness
http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=85576
Respect for cidagalle, they are true patriots



http://hadhwanaag.com/detail.aspx?id=85576
Respect for cidagalle, they are true patriots

- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sad
Ciidagale ballantii way ka baxeen.Heshiisku wuxu ahaa inay Sacad Muuse badhasaabka gobolka haystaan beelaha kalena(Ciidagale, Arab iyo HY) mayorka marba beel qaadato oo wareegto laga dhigo.Hadda Arab ayaa u lahaa marka danbena HY/Isaxaaq ayaa u lahaan lahayd.Xukuumada ayaa rabtay inay xildhibaan kulmiye ah meesha u dhiibto markaa codadkii xildhibaanada waa la iibsaday. HY iyo arab shirka kamay soo qaybgelin. Arab ayaa Hadhwanaag shir ku qabsaday oo maayir iyo maayir ku xigeen iyaguna doortay 
http://baligubadlemedia.com/2012/12/war ... geen-kale/

http://baligubadlemedia.com/2012/12/war ... geen-kale/
Re: Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sad
that is just sad
- kaliil
- SomaliNet Super
- Posts: 5400
- Joined: Thu Oct 30, 2003 7:00 pm
- Location: Nin ku yidhi sinaanmayno adna diid sarayntiisa
Re: Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sad
sida la sheegayo Ciidagale xildhibaanadooda midkiiba waxa la siiyay 20 000 dollar si maayorka cusub oo kulmiye watay ugu codeeyaan.
Kulmiye waxay rabaan inay dawladaha hoose badankooda qabsadaan.
Kulmiye waxay rabaan inay dawladaha hoose badankooda qabsadaan.
Re: Suldaan Maxamed Oo Ka Dhawaajiyey Xeer Uu Sheegay In Sad
kii shalay sidaas u hadlayay maanta markii la doortay mayor sacad muuse iyo ku xigeen ciidagale wuu hambalyeeyay, noocaas baa 24/7 lagu odhanayaa "suldaanka guud ee beelaa somaliland" hada waa saaqid jaariyadaa wasa oon xataa maydhan.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 3904 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 20 Replies
- 1687 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 1 Replies
- 143 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 7 Replies
- 1232 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 3 Replies
- 741 Views
-
Last post by Kabriid
-
- 9 Replies
- 1184 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 0 Replies
- 232 Views
-
Last post by Mondey
-
- 2 Replies
- 769 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 10 Replies
- 948 Views
-
Last post by Siciid85