turtle in Nairobi

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

turtle in Nairobi

Post by FarhanYare »

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Soomaalida ku nool Magaalada Nairobi ee dalka Kenya

Axad, December 23, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay dalka Kenya ayaa shalay gallinkii dambe kulan la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Nairobi, isagoo ku boorriyay inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee Kenya si loo sugo ammaanka.







Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in madaxda Kenya uu kala hadlay arrimaha qoxootiga Soomaalida ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab, isagoo xusay inay heshiis ku gaareen in dib loogu celiyo dalkooda.

"Runtii markaan maqlo qarax ayaa ka dhacay Nairobi way iiga xanuun badan tahay marka la yiraahdo qarax ayaa Muqdisho ka dhacay, waayo halkaan waxaa jooga dad Soomaaliyeed oo aan dalkoodii joogin. Idinka waxaa la idinka doonayaa inaad la shaqeysaan hay'adaha ammaanka si ammaanka loo adkeeyo, waa dhici kartaa inay ku dhexjiraan ciidamada kuwo dambiyo geysanaya, laakiinse guud ahaan hay'adaha waa kuwo ay Kenya leedahay," ayuu madaxweynuhu ku yiri hadal uu u jeediyay jaaliyadda Soomaalida.

Xaafadda Islii oo ay deggen yihiin Soomaalida ku nool Nairobi ayna ku leeyihiin ganacsiyo fara badan ayaa waxaa ka dhacayay bilihii ugu dambeeyay qaraxyo ay waxyeello kasoo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada, kuwaasoo lagu eedeeyo inay ka dambeeyaan Soomaalida.







"Madaxda Kenya aad ayay u amaaneen Soomaalida halkan (Nairobi) ku nool iyagoo qiray inay yihiin dad shaqeysata ayna shacabka Kenya ka barteen wax badan oo aysan horay u aqoon," ayuu yiri madaxweyaha oo ka hadlayay fikirka ay madaxda Kenya ka haystaan Soomaalida ku nool Islii.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in madaxda Kenya iyo iyagu ay gaareen heshiisyo lagu dhameynayo mad-madowgii ku dhex-jiray ayna ku heshiiyeen inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadda labada dal.

"Madaxda Kenya waxaan isla garanay in qoxootiga Soomaalida ee ku jira xeryaha Dhadhaab dib loogu celiyo dalkooda, maadamaa aysan halkaas ku haysan wixii ay u baahnaayeen oo dhan. Innagana waxaa na saaran inaan gudaha Soomaaliya uga diyaarinno wax walba oo ay u baahan yihiin, sida iskuul iyo shaqooyin ay ku deberaan noloshooda," ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inay dadaal u galayaan sidii qoxootiga ay ugu heli lahaayeen wax walba oo ay u baahan yihiin gudaha dalka, si aysan u dareemin noloshii qoxootinimada ahayd ee muddada dheer ay kusoo jireen.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu faahfaahin ka siiyay jaaliyadda Soomaalida ee ku nool Nairobi howlaha ay dowladda Soomaaliya ka waddo gudaha dalka, isagoo sheegay in Muqdisho ay nabad tahay dowladduna ay horumarro badan sameysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: turtle in Nairobi

Post by original dervish »

They probably sat his smiley face down and told him how its gonna be in J/Land :D :som: :up:
User avatar
FarhanYare
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19029
Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
Location: Location:Location

Re: turtle in Nairobi

Post by FarhanYare »

lol what happened to :sland: :D :up:
original dervish
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 29468
Joined: Mon Aug 22, 2005 5:08 pm

Re: turtle in Nairobi

Post by original dervish »

Different flags for different occasions. :D :som: :up:

How do you think the meeting went......do you think the Kenyans take his Govt seriously?
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”