Gabiley elects a new mayor and deputy mayor

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32728
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Gabiley elects a new mayor and deputy mayor

Post by Khalid Ali »

Image

Jawigii Doorashada Maayarka Gabiley iyo Dareenka Bulshadu ku soo Dhawaysay Qaabkii Doorashadu u dhacday.

"Waxaan si kal iyo laab ah usoo dhawaynaa Maayarka Dhalinyarada ah ee loo Doortay Gabiley, iyada oo muddo labaatan sanno.....

Gabiley (GNS) maxkabada gobolka maroodi jeex yaa dhaarisay 21ka xildhibaan ee golaha deegka gabiley iyada oo uu dhaarinayay Garsoore Jamaal Xuseen Axmed iyo kaaliyaha maxkabada gobolka maroodi jeex mr maxamed muxumed xirsi oo ka mid ah Garsoorayaasha Maxkamadda Hargeysa

Dhaarta ka dib ayaa waxaa La gudo galay Doorashadii Maayarnimada iyada oo madasha Furay Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali-Nuur Sh.Maxamed oo ku Wargaliyay in Mudanaha ugu Da'da wayni Gudoomin doono shirka sidaana loogu doortay in uu shir Gudoomiyo Xildhibaan Cali Shiine oo ahaa mudahana golaha ugu da'da wayn

Ugu horeyn waxaa shirkaasi furey badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur waxaanu xildhibaanada iyo dadweyanaha ku wargaliyey in la bilaabayo doorashadii maayerka waxaan jagadaa maayarnimo isku soo taagay laba xildhibaan oo kala ah
1-xildhibaan shucayb maxamed muuse oo helay 15 cod waxaanu kasoo baxay xisbiga kulmiye
2-xildhibaan cali maxamed sh.salebaan oo helay 6 cod
Waxaan loo gudbay doorashada gudoomiye kuxigeenka waxaan u tartamey laba xildhibaan oo kala ah
1-cumar cali obsiye waxaaney kala heleen 12cod
2-cabdi yuusf goole (cabdi iid) waxaanu helay 7cod waxaanu ka soo baxay urur siyaasadeedka umadda
Doorashada ka bacdi waxaa is hambalyeey xildhibaanadii tartayey,labadii xildhibaan ee laga guuleystey ayaa hambayeeyey labad xildhibaan ee ka guuleystey sheegayna inay wada shaqaynayaan iyaga oo isku duuban.
Waxaan halkaasi xildhibaanada la dardarmey badhasaabka gobolka gabiley axmed cali nuur una sheegay xildhibanada inay masuuliyada culus loo doortey loona baahan yahay hawl karnimo iyo isku duubni waxaanu yidhi ‘’waxaa maanta furey fadhigii u horeeyey ee golaha deegaanka gabiley oo ay yeelan doonaan maanta waxaad doorateen maayerkii waxaa la idiin dhiibay masuuliyada culus oo u ahaan inaad inku duubnaataan oo aadka talisaan aayaha gobolka gabiley oo la idinka sugayo inaad horumarisaan’’

Waxaa isaguna halkaasi xildhibaanada dardaaran uga soo jeediyey badhasaabku xigeenka gobolka gabiley hambalyona udirey dhamaan 21ka xildhibaan ee golaha deegaanka gabiley waxaanu ku faaney inay gabiley tahay gobolka ugu dimuqraadisan somaliland oo ay maanta ku jiraan laba xildhibaan oo hwenn ah.

xoghayaha dawlada hoose C/raxmaan Nuur Abokor iyo maayerkii hore ee degmada gabiley mr axmed samir ayaa iyaguna ku dheeraaday ahmiayada ay horumarku bulshada uleeyihiin, inay isku duubnaadaan Muujiyaan oo ay ka wada shaqeeyaan xildhibaanadu ilaahayna xilkaasi u fududeeyo.

Taliyaha qaybta boliska gabiley saleebaan ubaxle oo isaguna madashaasi hadal kooban ka soo jeediyay ayaasheegay inay soo dhaweynayaa xildhibanada cusub lana shaqay doonaan

Xildhibaan Maxamed Amiin Cumar Cabdi ayaa isaguna Dardaaran iyo waayo Dhaxal gal ah usoo jeediyay Mudanayaasha Golaha una sheegay inay sugayso bulshadii soo dooratey oo laga rabo waxqabad dhab ah oo muuqda.

Amaanka Goobta cod bixintu ka socotay ayaa ahayd mid aad loo Adkeeyay iyada oo Dadweyne aad utiro badani u dhag taagayeen Dhawaaqa Doorashada maayarka Gabiley iyada oo Damaashaadku bilaabmay ka dib markii madasha laga soo dareeray, Ciyaaraha iyo Hambalyaduna ka socotay Gudaha magaalada Gabiley.

" Waxaan si kal iyo laab ah usoo dhawaynaa Maayarka Dhalinyarada ah ee loo Doortay Gabiley, iyada oo muddo labaatan sanno ah Gabiley aanu qaban Mudane Dhalinyaro ah, waxaanu ku rajo waynahay in Mudane Shucayb oo muujiyo Kaalinta Dhalinyarada, tusaale Fiicana u noqdo Dhalinyarada kale ee Lodkiisa ah ee hungurigu ka hayo siyaasada" sidaa waxaa yidhi Cabdi aadan oo ka mid ahaa Dadkii ka dhursugayay dhawaqa Xildhibaanada gabiley.

Waa Markii ugu horeysay ee Mudanayaasha Golaha deegaanka Gabiley ay Doortaan Xildhibaan Dhalinyaro ah inta la ogyahay iyada oo Golayaasha Deegaanka Gabiley ay Maamulkiisa hayeen rag odayaal ah tan iyo intii Dalka la soo galay.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”