Ciise Elders arrive in Hargeysa, Isaaq elders welcome them
Posted: Wed Dec 26, 2012 12:35 pm
Salaadiinta Haamaha Beelaha Reer Sheekh Isaxaaq oo Hadhiimo sharafeed ku qaabilay Ergo Beesha Ciise ah oo Hargeysa ku sugan
Hargeysa(Waaheen) Salaadiinta Haamaha Beesha Reer Sh Isaxaaq ka kooban yihiin ayaa maanta Hadhimo Sharafeed Hutelka Xaraf ugu sameeyay Ergo Beesha Ciise ah oo ka soo kicitintay jabuuti, taasoo Hargeysa u timi sidii xal looga gaadhi lahaa Natiijada Doorashadii Degmadda Saylac.
Kulankan Qadada ahaa oo aan Saxaafadda loogu talo galin ayaa ay labada dhinac kaga wadahadleen dhibaatooyinka ay Doorashadu keensatay iyo sababaha Beesha Ciise ay ku wayday Maayarka iyo Maayar ku-xigeenka Saylac, kuwaasoo lagu macneeyay in ay tahay Beesha oo ay dadkeedii Deegaanka Somaliland ahaa Qaxootinimo ku joogaan Xeryo ku yaala Dalka Jabuuti.
Qoddobada kale ee ay ku sheegeen sababaha keenay Beesha Ciise inay weydo fursadahaasi waxa iyana ka mid ahaa sida ay ku doodeen Khaladaad badan oo ka dhacay Doorashadii deegaamadda Lughaya iyo Saylac , iyo arrinta kale oo ah in aanay sadkoodii ku lahayn saami qaybsiga Manaasiibta kale ee Xukuumadda sida Beelaha kale.
Qoddobadaasi kadib waxa ay labada Beelood soo jeediyeen in dib loo soo celiyo Qaxootiga Beesha Ciise ee ku nool Dalka Jabuuti, Xukuumaddana si wadajir ah looga doono Saamiga ay Beeshaasi xaqa ugu leedahay.
Weftiga Ergada ah ee Reer Jabuuti ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen Madax dhaqameed ka kooban ardaayadda beeshaasi oo ah laba iyo toban iyo Ganacsatao kale