Ciidamada Maamulka Somaliland ayaa is hor-taagay siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay maamulkaas, kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho, iyagoo loo diiday inay raacaan diyaarad taagneyd garoonka diyaaradaha Ber-bera.
Labada siyaasi ee la celiyay ayaa lagu kala magacaabaa Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Somalialnd Maxamuud Saciid Maxamed iyo Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Shir jaraa'id oo uu magaalada Hargeysa ku qabtay Wasiirkii hore ee ciyaaraha Somaliland Maxamuud Saciid Maxamed ayaa sheegay in ciidamada ay si xun ula dhaqmeen, isla markaana madaxda Somaliland ku wargeliyay in Muqdisho arrimo gaar ah u tagayo.
Waxaa uu sheegay in Muqdisho uu u tagi lahaa sidii guryo iyo beero uu leeyahay u soo iibsan lahaa, isla markaana ay shaqsiyaad maalmahan wadeen sidii ay ugu iibin lahaayeen.
Maamulka Somaliland ayaa ka mamnuucday Siyaasiyiinteeda inay tagaan Koofurta Somalia, iyadoo deegaanadeeda ka mamnuucday dadka xilalka ka soo qabtay dowladda Soomaaliya ee u dhashay deegaankeeda inay yimaadaan.
Inkastoo dhowaan magaalada Muqdisho soo gaareen siyaasiyiin ka soo jeeday Somaliland, hadana tuhunka ku taagan maamulkaas ayaa ah in dad u dhashay in xilal loo magacaabo, kadib markii Wasiirada Arrimaha dibada Soomaaliya loo magacaabay Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka soo jeeda Somaliland, doorar badan ku laheyd siyaasadihii maamulkaas.
Wada hadaladii bartamihii sanadkan ay ku yeesheen Soomaaliya iyo Somaliland ayaa dhigayay in siyaasiyiinta labada dhinac ay isu gudbi karaan, hase ahaatee aanay Somaliland dhinaceeda wali ka dhaqan gelin.
The ex-minister wanted to sell his lands , but what was the reason of the other guy for trying to visit Xamar

Also selling his properties or taking the path of Fowziyo. If he is a patriotic sland and strong believer in secession, i dont think he will do "Fowziyo II".
The heavyweights of Sland community on snet, enlight us more on this story.