Xasan: Dawladeyda Haddii Aan Loola Dhaqmin Sida Dawlad Rasmi ah “Waligeed Ma Noqon Doonto Dawlad Buuxda
Nairobi (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku eedeeyay hay’adaha caalamiga ah inaysan rabin inay toos ula macaamilaan dawlada federaalka ah taasoo uu sheegay inay wiiqeyso awooda dawladnimo ee dalka.
Wareysi uu madaxweynuhu siiyey wargeyska Al Xayaat ee Af Carabiga ku warama, ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dhawaajiyey in hay’adaha caalamiga ah “International NGOs” ay mashaariic ku soo qaataan Soomaaliya kadibna ay la macaamilaan shakhsiyaad halkii ay hay’adaha dawliga ah la macaamili lahaayeen. Meaning Stop dealing with Puntland and Somaliland deal with us directly lol

“Waxaan ugu baaqeynaa mushatamaca dawliga ah inay xukuumada ula macaamilaan sida dawlad sharci ah oo xaq u leh in lagu aamino deeqaha kaalmooyinka caalamiga ah ee Soomaaliya loogu talagalay.” ayuu yiri madaxweynaha.
“Haddii aan naloola dhaqmin sida dawlad dabiici ah weligeen ma noqon doono dawlad dabiici ah.” ayuu sii raaciyey isagoo u waramay wariye ka tirsan wargeyska Al Xayaat oo madaxweynaha kula kulmay magaalada Nairobi ee wadanka Kenya toddobaadkii hore.



http://www.raxanreeb.com/2012/12/madaxw ... ent-232526