Siilaanyo.
Well done Siilaanyo, wadankii dhaan wu kala qaybiiyay district by district.
http://oodweynenews.com/2012/12/halkan- ... ka-sanaag/
Moderator: Moderators

. El Afweyn another district bitten





Khadka Cagaaran iyo khilaafka Maayar iyo Maayar ku xigeenka ka oogan Ceel-afweyn oo la filaayo in maanta la soo afjaro
Burco-(Qarannews)-Xoggaha Qarannews ka soo gaadhaya Degmada Ceel- afweyn ayaa sheegayaa in laga yaabo in maanta la soo afjari doono muran iyo khilaaf beryahanba ka oognaaa halkaas oo ay sababtay doorashadii golaha Degaanka oo Beel ka mid ah Beelaha Ceel-afweyn degaa Maayar iyo Maayar ku xigeenkaba wada qaadatey sida ka dhacday Saylac oo kale balse maurada hlkaas ka jira ka ilka-qaboow yihiin kuwaa ka aloosan Saylac.
Wararka naga soo gaadhayaa Ceel-afweyn waxay sheegayaan in Beesha Muuse Abokor (Habar jeclo) qaadatey Maayarka iyo Maayar ku xigeenka halka Beesha kale ee ay ood iyo degaan wadaagta yihiin ee Yoonis Ismaaciil (Habar-yoonis) si weyn uga gilgilatey isle-ekaysiintaa Beel keliyi maamulkii magaalada isa siisey sida Maayarka,Maayar ku xigeenka iyo Xogahaya dawlada hoose.
Xoguhu waxay sheegayaan in Degmada Ceel-afweyn oo tan iyo intii magaaladaasi asaasanteyba labadaas beelood ee aan kor ku soo xusnay wada deganaayeen inay iminka u kala qeybsan tay laba Daamood ,iyadoo Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Beesha Muuse Abokor soo xulatey Beesha Yoonis Ismaaciil u cadeeysay inay waaxdooda oo keliya maamulaan ama ku eekaadaan oo aaney khadka cagaaran ka soo gudbin taas oo sababtay in wadahadalo bilaabmaan aakhirkiina laysla qaatey in Beesha Yoonis Ismaaciil qaadato Maayar ku xigeenka si xayiraada loo qaado amaba khadkaa cagaaran loo baabi’iyo.
Si kasta amuuruhu ha u dhacaane waxay xoguhu intaas ku darayaan in Wasiirka Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi (Sheekh Usaama) uu lahaa hal-abuurka iyo fikrada in Maayarka iyo Maayar ku xigeenka Degmada Ceel -afweyn ay isle’ekaysiiso beesha uu ka soo jeedo ee Muuse Abokor isagoo sheegay in dhawaan Madaxweyne Siilanyo Gobol ka dhigi doono Degmada Ceel-afweyn oo Maayarka,Ku xigeenka,Badhasaabka iyo Xogahayaha Dawlada hooseba Beeshiisu sii xalalaysato.
Isku soo wada duuboo maanta ayaa sida xogaha Qarannews haysaa sheegayaan la gudogeli doono qadiyada Ceel-afweyn ee beryahanba oognayd,waxaana suurtogala in xalka kama danbaysa la helo.
Qarannews
Burco
http://qarannews.com/2013/01/khadka-cag ... oo-afjaro/
Golaha Deegaanka Ee Degmada Ceel-afweyn Oo Doortay Maayir Ku Xiggeen Cusub Ka Dib Markii Maayir Ku Xigeenkii Hore Is Casilay.
(Hadhwanaagnews) Saturday, January 26, 2013
Ceer-afweyn(HWN):- Xubnaha Golaha deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn ayaa Maanta fadhi ay yeesheen waxay ku doorteen ku xigeenka cusub ee mayor-ka degmadaasi ka dib markii uu is casilay ku xigeenkii hore Md Cabdi Xuseen warsame.
Ceer-afweyn(HWN):- Xubnaha Golaha deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn ayaa Maanta fadhi ay yeesheen waxay ku doorteen ku xigeenka cusub ee mayor-ka degmadaasi ka dib markii uu is casilay ku xigeenkii hore Md Cabdi Xuseen warsame.
Fadhiga manta oo hanaan munaasabadeed loo soo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Md Aadan diiriye Cigaal iyo taliyaha qaybta Booliska gobolkaasi, halka sidoo kalena ay munaasabadda yimaadaan madaxdhaqameed isugu jira boqoro, suldaano iyo cuqaal.
Gudoomiyaha Gobolka Md Cigaal waxa uu halkaa mahadcelin uga soo jeediyey xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka sanaag kuwaasoo uu ku tilmaamay inay had iyo jeer ka qayb qaataan hawlaha ka socda Gobolka.


