Suldan Faysal A. Warabe: Waa Riyo-Maalmeed in Midnimo lgu gaaro wadahadalada Somaliya & somalilaland
Faysal Cali Waraabe oo riyo-maalmeed ku tilmaamay midnimo laga gaaro wadahadalka ay leeyihiin Somaliland iyo Soomaaliya.
Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay hadal doraad ka soo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon {Saacid} oo sheegay in wadahalka ay la leeyihiin maamulka Somaliland ay ka qabaan kalsooni badan oo ku aadan in midnimo laga gaaro ayaa waxa uu maamulka Somaliland hadalkaasi ku tilmaamay riyo-maalmeed, isla markaasna dowladda Soomaaliya aysan sheegan karin dhulka Somaliland, iyadoo aan gacanta ku heynin gobolada dalka Soomaaliya qaarkood.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo ah Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in dowladda hadda ka jirta dalka Soomaaliya inaysan waxba dhaamin tii ka horeysay ee KMG aheyd, wuxuuna intaasi ku daray in dowladaha caalamka oo dano gaar ah ka leh Soomaaliya ay madaxda Soomaalida ku seexiyaan waxaad tihiin dowlad rasmi ah oo ka madaxday KMG, isla markaasna ah dowlad rasmi ah oo lala shaqeyn karo si buu yiri ay uga gaaraan danahooda gaarka ah.
“Eexlasho weyn baa jirta oo la inaga eexanayo, sababtoo ah dowladda Soomaaliya loo sameeyay ee Xasan Sheekh Maxamed u madaxa u yahay ee la yiri waa dolwad rasmi ah waxay tii hore ee KMG aheyd dhaantaa ma jirto, waxaana magacan dowlad rasmi ah loo siiyey dano ay beesha caalamka ka sameysaneyso, dowladda cusub ee Soomaaliya inaysan dhaamin tii hore waxaa daliil u ah waxay ka talisaa intay tii hore ka talin jirtay oo keliya, sidii tii hore buu qabiil u soo doortay xildhibaanada gaaraya 275-mudane iyo Madaxweyne isna ku yimid qaab qabiil, dalku wuxuu ahaa laba wadan sanadkii 1960-kii oo waxaa loo qeybsanaa Somaliland iyo Soomaaliya, innagu keenii baynu gacanta ku heynaa, madaxda dowladda iyagoon meel kale iska daaye Xamar xittaa aysan si fiican gacanta ugu jirin ma aha inay yiraahdaan Somaliland waa gobol ka mid ah Soomaaliya oo ay na sheegtaan, Xasan Sheekh inuu yiraahdo Madaxweyne Soomaaliyeed baan ahay waa nasiid darro, waxaananu u aragnaa inaannu xag u laheyn inuu fadhiisto kursigii dowladda Soomaaliyeed lahaan jirtay ee Qaramada Midoobay, lacagta Soomaali la siiyana xaq u ma laha, Xamar baan gacanta ugu jirin, wasiirradooduna Hoteelo ayey ku xiranyihiin oo dadka ma dhexgeli karaan, sidaasi isagoo og ma aha inuu yiraahdo Berbera iyo Bosaasaan cashuurtooda doonayaa, waxaan u aragna hadalada ka soo yeeraya madaxda dowladda inay tahay caqli xumo ka soo muuqata” ayuu yiri Fayal Cali Waraabe.
Sidoo kale Eng. Faysal Cali waraabe mar uu ka hadlayey hadalkii doraad ka soo yeeray Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu yiri “Ninka Ra’isul wasaaraha ka ah Soomaaliya waxa uu yiri wakiil ayaan ka nahay Soomaaliya su’aashu waxay tahay yey ka wakiil yihiin yaana doortay, Hargeysa iska daaye Bosaasaaseysan tagi karin, waxa nagu soo noqnonaya oo aan ka warhelaynaa inuu kulan dalka Ingiriiska ku dhexmari doono Madaxweynaha Somaliland iyo kan Soomaaliya, hadda dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London waxaa ku sugan wasiirada arrimaha dibadda Somaliland iyo kan Soomaaliya oo kulan hordhac ah halkaasi ku yeelanaya si ay ugu gogol-xaaraan wadahalka dhexmari doona Siilaayno iyo Xasan Sheekh, kulankaasi waa mid lagu dibindaabyeynayo jiritaanka Somaliland iyo madaxbanaanideeda”. Ayuu yiri Faysal oo intaasi ku daray “Haddaynu wadahadal la galeyno Soomaaliya waa inaynu ka wadatasho, waxaanan leeyahay inaanay bannaanaynba in lala wada hadlaa, mar hadday leeyihiin midnimaa lagu socdaa iyagoon Xamar dhaafin ee cashuur baannu rabnaa leh”.
This is just waste of time and energy.
The Somalia Government should focuss on rebuilding Xamar and hunting the leaders of terrorists.
Statusquo for Somalia/Sland State talks
Moderator: Moderators
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 13 Replies
- 1268 Views
-
Last post by AbdiWahab252
-
- 21 Replies
- 2374 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 12 Replies
- 1367 Views
-
Last post by Magnusomalius
-
- 18 Replies
- 3042 Views
-
Last post by knet
-
- 0 Replies
- 686 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 3 Replies
- 575 Views
-
Last post by Caesar
-
- 4 Replies
- 767 Views
-
Last post by fighter
-
- 5 Replies
- 814 Views
-
Last post by HooBariiska
-
- 14 Replies
- 1265 Views
-
Last post by lali99
-
- 18 Replies
- 1755 Views
-
Last post by Rightwing