Beesha Qeybaheeda Degaankeeda Wadarta Degmooyinka
Beesha Shanaad
1. Baajuun
Kismayo iyo Jasiiradaha 2 degmo
2. Jareer Weyne-Mushunguli
Jamame, Jilib, Kumsuma, Dujuma, Marerey 5 degmo
3. Ajuuraan
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Kismaayo 4 degmo
4. Carab Soomaali
Kismaayo, Buulo Gaduud, Baardheere 1 degmo
Daarood
1. Mareexaan-ka Gedo
Garbahaarey, Buur-Dhuubo, Buulo Xaawa, Luuq, Kismaayo 5 degmo
2. Ogaadeen-ka
Afmadow, Badhaadhe, Kismaayo, Baardhere, Bu’aale, Qooqaani 6 degmo
Majertein
Kismaayo 1 degmo
4. Bartire
Badhaadhe, Bilis Qooqani 2 degmo
5. Awr-male
Kismaayo,Bilis Qooqani 2 degmo
DigilMirifle
(Rahanwein)
1. Gasaar Gude
Luuq, Buulo Xaawa, Dolow 3 degmo
2. Goobaweyn
Luuq, Buulo Xaawa, Dolow 3
3. Moalin Weyne
Luuq, Baardheere,Sakow,Bu’aale 4 demgo
4. Geelidle
Baardheere, Saakow, Jilib, Bu’aale 3 degmo
5. Eelay
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Dujuuma 4 degmo
6. Yantaar
Baardheere, Saakow, Bu’aale, Jilib, Kismaayo 5 degmo
7. Hubeer
Baardheere, Saakow, Jilib, Kismaayo 4
8. Luway
Baardheere, Saakow 2 degmo
9. Gare
Ceel Waaq, Saakow, Bu’aale, Jilib, Kismaayo 5 degmo
10. Tuni Sakow, Jilib, Jamaame, Kismaayo 4 degmo
11. Jiido Dujuuma, Saakow, Bu’aale 3 degmo
12. Hariin Baardheere, Bu’aale, Sakow 3 degmo
13. Leysaan Luuq,Baardheere, Saakow, Buulo Xaawo 4 degmo
14. Boqol Hore Dolow, Baardheere, Saakow, Dujuuma 4 degmo
15. Jiroon Dolow, Luuq, Baardheere 3 degmo
16. Reer Dumaal Dolow, Luuq 2 degmo
17. Dabarre Baardheere, Saakow, Bu’aale,Kismaayo 4 degmo
18. Waanjaal Dolow, Baardheere, Kismaayo 3 degmo
Dir
1. Biyo-maal
Jamaame, Jilib, Kismaayo 3 degmo
2. Gaadsan
Dolow, Buulo Xaawa, Luuq 3 degmo
Hawiye
1. Hiraab
Bu’aale, Jilib, Kismaayo 3 degmo
2. Sheekhaal
Kismaayo, Jamaame, Jilib 3 degmo
3. Gaal-jecel
Kismaayo, Bu’aale, Jilib 3 degmo
kuwana waa laga bara qixiyey intii 1991 ka danbeysey. Hase ahaatee inta miiska sare ku taxan waa intii asal ahaan u deganeyd. Degmo walba waxa ay ka kooban tahay: miyi, buulo/tuulo iyo magaalo oo beledka uun ha fiirinin.
Waqti 22 sano ka badan ayey Soomaali kala riixaneysey dhulkan iyaga oo magacyo jabhado iyo magacyo kooxo diimeedyo kala sheeganaya qabiil keliyana wuu ku guuleysan waayey inuu xoog ku hanto si kasta oo uu dadka u baraciyey. Waxaase kuwa dadka degaanka waxyeeleeyey ugu daran kuwa ka yimid beelaha ka soo duulay gobolada Soomaalida degto ee Itoobiya, Kenya, Somaliland, gobolka Galgaduud iyo Puntland.
Hadda oo ay qaar ka mid ah beelihii Itoobiya iyo Kenya ka soo duulay soo kaxeysteen ciidan Kenyaati ah dhulkan in ka mid ahna kacanta ku dhigeen, dhinac waa “rabibaa mahad leh oo shisheeyihii Al Shabaab wadey iyo shartooda naga saarey”, dhinacna waa “waa baryow waxaad soo wado la arki doonee- Ma isticmaar hor leh mise xoriyad danwadaag weheliso?”.
Kenya-se waxa ay si ay danteeda u gaarto xod-xodaneysaa laba beel oo keliya waa qeybaha beelaha ka soo duulay Itoobiya, Kenya iyo Galgaduud oo wadar ahaan ka yar 1% inta dhulkaas joogta ( kuma darin inta belahaas lala xiriiriyo dhulka asal ahaan u deganaa oo iyagu xitaa dhibaneyaal yihiin), iyada oo ay u muuqato inay iyagana colaad hor leh dhex dhigeyso. Qabaa’ilada dhuka deganaan oo qiyaastii 99% ah qof wax weydiinayaba ma jiro.
Markaa mustaqbalka dhow ma 22 sano saa’id ah oo dagaal sokeeyaa? Mustaqbalka fogna ma Jubaland oo Kenya qaadataa? Mise Soomaalida dhulka wada degan oo isfahamto, isqadariso, isku tanaasusho oo si cadaalad ahna wax u wada qeybsata sida dowlada Dhexe ee Federaalka Soomaaliyaba wax loogu qeybsadey.
Jubaland oo ay 5-ta beelood oo Soomaali ka kooban tahay wada degto lama mid ah Soomaaliland, Punland iyo Galmudug marka dhanka wada deganaanshaha beelaha iyo sida ay isugu dhafan yihiin laga eego. Magaca guud ee beelahan kuwooda agagaaraha Kismaayo wada dega waa GiirGiir oo micnaheedu qofka Soomaaliga ah ee Maay ama Maxaa tiri ku hadla fahmi karo.
Micnaha weyn ee uu magacoodaas leeyahayay waa mid ku saleysan diidista qabiil gooni ah iyo doorashada magac wadareed oo wada kulmiya. Xalka Koonfurta Soomaaliya ama Jubaland ma aha xoog wax ku raadis ee waa mid wada xaajood oo keliyaha ay Soomaalida wada degan ku gaari garto.
Waxaa haboon in wadahadalkaas looga dambeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo aan la go’aamineyn wax uusan ansixin Baarlamaanka oo ay beelaha Soomaaliya u dhan yihiin maadaama xildhibaanada oo dhan beelaha ay iska soo dhex doorteen.
Waxaa kale oo haboon in hal Dowlad Gobeel oo ka dhexeysa Jubadii Sare, Jubada Hoose iyo koonfurta Benaadirtii hore (shebelleda Hoose) la wada dhiso si khilaafka dhulka iyo soohdimaha mustaqbalka looga hortago..
Jubbaland-ow Yaa Ku Leh?
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 1516 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 5 Replies
- 1842 Views
-
Last post by Adali
-
- 122 Replies
- 5376 Views
-
Last post by Advocatar
-
- 2 Replies
- 764 Views
-
Last post by Nomand
-
- 9 Replies
- 1488 Views
-
Last post by biko
-
- 75 Replies
- 5173 Views
-
Last post by zingii
-
- 40 Replies
- 3589 Views
-
Last post by Kismaayo21
-
- 1 Replies
- 725 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 6 Replies
- 992 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 0 Replies
- 506 Views
-
Last post by Tensta