likely breakdown if Somalia tries to bring the idea of union to the table and Somaliland sovergienty is not up for negotation as 97% of the population voted in favor of
separation in 2001 Somaliland referendum.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Daboolka Ka Qaaday Waxyaalaha Fashilin Kara Wadahadalada S/Land Iyo Somalia, Sheegayna In Aftidii Shacbiga Ee Gooni Isku Taaga
Aanay Jirin Cid Badali Kartaa
(Hadhwanaagnews) Thursday, January 17, 2013
Hargaysa-(HWN0-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa
Hargaysa-(HWN0-Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah gudoomiyaha xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) ayaa sheegay in qaranimada
Somaliland Madaxbanaanideeda aan wax gorgortan iyo wada hadal ah laga gali karin, waxaanu tilmaamay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia haddii ay la gole yimaadaan
midnimo masuuliyiinta Somalia ay taasi soo dedajinayso in wada hadaladu fashilmaan, waxaanu intaa ku daray in siyaasada qaranimada Somaliland ay tiir dhexaad u tahay aftidii
shacbiga Somaliland ay ku ogolaadeen gooni isku taaga 97%. Gudoomiyaha Baarlamaanku waxa kale oo uu sheegay in wixii taabanaya masiirka qaranimada go?aan wada tashi ay
ka qaadanayaan golayaasha qaranka iyo xisbiyada siyaasadu. Waxa kale oo uu gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro sheegay inay soo dhawaynayaan madaxda iyo taageerayaashii
ururadii ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanadu inay ku soo biiraan xisbiga wadani, taas oo uu tibaaxay in qaar ka mid ah ururadii hadhay uu wada hadal dhexmaray.
Gudoomiyaha golaha wakiiladu waxa uu sidaasi ku sheegay xogwaraysi khaasa oo uu shalay wargeyska Haatuf kula yeeshay xarunta golaha wakiilada, ugu horayna gudoomiyaha
oo aanu waydiinay hadalada ka soo yeedhay Raysal wasaaraha Somalia ee uu ku sheegay in wada hadalada Somaliland ay ku doonayaan midnimo dhexmarta labada dal, isagoo ka hadlayana arrinkaasina waxa uu yidhi ?Somaliland waa qaran Somalia ka da? weyn oo dawladnimada ka hor qaatay, waa qaran markii hore ikhtiyaarkiisa ugu biiray Somalia, waa
qaran markii danbe-na shacbigiisu go?aansaday inay kala soo noqdaan qaranimadoodii iyo madaxbanaanidoodii 18-kii May 1991-kii, waa qaran doonaya in daris wanaag lala wadaago dhamaanba dawladaha jaarka ah, Somaliland waxay ogolaatay sanadkii hore in Somalia lala hadlo, laakiin siyaasada somaliland waxaa tiir dhexaad u ah aftidii laga qaaday shacbiga Somaliland ee 97% ay ku ogolaadeen madaxbanaanida iyo gooni isku taaga Somaliland, taasaana lagu heshiiyay oo aan qarsoodina ahayn in loo wada hadlo Somaliland iyo Somalia,
ujeedo kaliya ayay ka lahayd beesha Caalamku ay joogaan in qadiyadeeda ay ka hadasho, Somaliland wada hadalada waxay ka rabtaa Somaliland oo madaxbanaan iyo daris wanaag, Somalia haday midnimo ka rabto somaliland dee waa arrin u gaar ah Somalia ama madaxweyne ha yidhaahdo ama raysal-wasaare ha yidhaahdo waxaa lama taabtaan ah inm shacbiga Somaliland ay ku go?aansadeen madaxbanaanidooda aftidii lagu go?aamiyay in Somaliland ay gooni isku taagto, aftidaasina cid badali kartaa ma jirto?.
S: Golayaashiina Baarlamaanku miyaydaan door ku lahayn inaydin kala qayb qaadataan xukuumada wada hadalada Somalia maadaama ay tahay arrin qaran?
J: Qaran ahaan xukuumadaynu wakiilanay, laakiin talada qaranka waa la wada leeyahay golayaasha qaranka ha noqoto, wixii masiira ee weyn waxay noqonaysaa in laga wada
tashado ama golayaasha qaranka ha noqoto ama axsaabta qaranka ha noqotee.
S: Gudoomiye ma noo sheegi kartaa mustaqbalka siyaasadeed ee xisbiga wadani maadaama uu noqday xisbigii saddexaad ee u soo biira xisbiyada qaranka?
J: Wadani waxa uu noday xisbigii saddexaad ee ku soo biira axsaabta Somaliland tobankii sano ee u dambeeyay waxa uu noqday guri dambayskii Somaliland, waa xisbi aanu
ugu baaqayno ururadii aan ku guulaysan xisbinimada madaxdoodii iyo taageerayaashoodii inuu u furan yahay, oo uu qofkastaa xubin iyo madaxba ka noqon karo, waa xisbi
doonaya inuu ummada mideeyo oo dalka horumarkiisa ka shaqeeyo, mustaqbal fiican baanu rajaynaynaa, mahada horena Ilaahay baa iska leh ta dambena shacbiga Somaliland
ee iyagu doortay inay codkooda siiyaan xisbiga wadani, sababna waxa u ahaa guusha uu xisbiga wadani keenay shacbiga reer Somaliland.
S: Waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ururadii ku hadhay doorashada ay idiin socdaan wada hadalo ku saabsan sidii xisbiga wadani ay ugu soo biiri lahaayeen,
maxaa ka jira?
J: Ururadii aan guulaysan waanu soo dhawaynaynaa, qaar aanu wada hadalnayna way jireen, laakiin natiijada waxa laga arki karaa marka ay soo baxdo.
S: Haddii dawlada Somalia ay wada hadalada Somaliland la gole yimaadaan midnimo Soomaaliyeed oo mawqifkaasi ay istaagaan maxaad ka odhan lahayd?
J: Taasi waxay ila tahay waxay soo dhawaynaysaa in wada hadalku fashilmo, balse Somaliland madaxbanaanideeda cid gorgortan iyo wada hadal lagala galayaa ma jirto,
cid badali kartaana ma jirto masiirka shacbiga, qaranimada Somaliland-na waa lama taabtaan?.Xigasho/Haatuf.
.