Dowladda federaalka Soomaaliya oo laba-wejiilanimo lagu eedeeyay (Dhegayso)
on January 22, 2013
Maalintii shalay shir ay isugu yimaadeen golaha wasiirada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda arrimaha guduhu u samayneyso maamulo gobolada laga saarey al-Shabab, qorshahaas oo loo xil saaey Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Haddaba waxaa maanta shir-saxaafadeed ku qabtey magaalada Kismaayo Guddoomiyaha Guddiga kumeelgarka ah ee maamulka Jubbooyinka Shiikh Axmed Madoobe. Guddoomiyaha Guddiga Kumeelgaarka ah ayaa ugu horreyn shirkii saxaafadeed uga hadley xaaladda amni ee jubbooyinku halka ay marayso.
Axmed Madoobe oo ka hadlaya hadalka dhawaan ka soo yeeray dowladda ee ah in ay maamulo kumeelgaar ah u samaynayaan Gobolada ayaa sheegay in loo baahan yahay in aan dib loogu laaban 21 sano ee hore wixii lagu soo baaba’ay, waxaa la doonayaa wax ka beddalan wixii hore, yaan dadka dib loogu celin taariikhdii xumeyd, dadka rabitaankooda in la ixtiraamo weeyaan, waxaana dowladda ka codsanaynaa in ay shirka hoggaamkiyaan isla markaana dadka rabitaakoodu meel maro, “Qabanqaabadii maamul loogu samayn lahaa Jubbooyinku waa soo dhamaatey, dowladdana waxaa la gudboon in ay shirguddoomiso oo dadku qofkey rabaan ay doortaan” ayuu yiri Madoobe
Dhegayso waraysi Axmed Madoobe siiyey BBC
Doqonkii cagdheer
