Khamiis, Jannaayo 24, 2013 (HOL) —Xarakada Al-shabaab ayaa war ay soo saartay Arbacadii shalay ku sheegtay inay dilayso la haystayaasha Kenyanka ah ee ay gacanta ku hayso, haddi dowladd Kenya aysan xabsiyadeeda kasii dayn dhammaan dadka u xirxiran eedeymaha argagaxisonimada ee ku jira xabsiyadooda.
Al-shabaab oo wabixinteedan soo dhigtay barta Twitter-ka ay ku leedahay ayaa ku sheegtay in go’aankooda ay ku dhaqaaqi doonaan 14-ka bisha soo socota ee Feberaayo, haddii la fulin waayo dalabkooda.
“Haddii lasii dayn waayo dhammaan muslimiinta ku xirxiran dalka Kenya ee ku eedeysan argagaxisonimada waan ku dhaqaaqi doonnaa go’aankeenna,” ayaa lagu yiri warbixinta Al-shabaab.
Sidoo kale, waxay ugu baaqday Kenya inay ka fogaato in muslimiinta ku xiran xabsiyadeeda ay u wareejiso Uganda oo xarunteeda Kampala ay ka dhaceen bishii July ee sannadkii 2010 ay ka dhaceen qaraxyo waaweyn oo ay ku dhinteen ugu yaraan 74-qof oo ciyaaro daawanayay.
Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay cajalad muuqaal ah oo ay ugu magic-dartay fariintii ugu dambeysay, taasoo ay kasoo muuqdeen muuqaallada laba ruux iyo sawirrada afar kale oo ay ku sheegeen inay dhammaantood yihiin la-haystayaal Keyan ah.
Lixdan qof ee ay Al-shabaab sii daysay muuqaalladooda iyo sawirradooda ayay ku sheegtay inay isugu jiraan laba qof oo ahaa shaqaale xukuumadda Kenya u shaqeynayay iyo askar Kenyan ah oo ay ku qabsadeen gudaha Soomaalia.
“Haddii muddada loo qabtay ay dhammaanto, dhammaan kirishtaanka u dhashay dalka Kenya ee gacanteenna ku jira waan qaarijinaynaa,” ayay ku sheegtay Al-shabaab warbixinta ay soo dhigtay Twitter-ka.
Kenya ayaa sannadkii 2011 waxay ciiidammo fara badan u soo dirtay dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen qaraxyo iyo afduubyo ka dhacay gudaha dalkeeda.
Dowladda Kenya ayaan la ogeyn go’aanka ay ka qaadan doonto arrintaan, balse Kenya ayaa ku eedeysay Al-shabaab qaraxyo dhowr oo ay ku jiraan bambooyinka gacanta laga tuur oo ka dhacay Gaarisa iyo Nairobi inay ka dambeyso Al-shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaarijinayso la-haystayaal K
Moderator: Moderators
- FarhanYare
- SomaliNet Super

- Posts: 19081
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaarijinayso la-haystayaal K
Last edited by FarhanYare on Thu Jan 24, 2013 7:45 am, edited 1 time in total.
-
AhlulbaytSoldier
- SomaliNet Super

- Posts: 20301
- Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
- Location: Persian Empire
Re: .
Faaraxoow u are weird
I wanted to say something about your "reer cagdheer thread"
I wanted to say something about your "reer cagdheer thread"
- AbkoowDhiblaawe
- SomaliNet Super

- Posts: 14237
- Joined: Fri Jan 18, 2013 7:02 pm
- Location: chilling in Liido beach
Re: Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaarijinayso la-haystaya
sad day for doqonkii cagdheer and their fofo Allies Mujaahideenta 7arakatul shabaab are doing a great job defending the deen against the apostates and their dabadhilif allies, takbiir, Allahu akbar 

Re: Al-shabaab oo ku hanjabtay inay Qaarijinayso la-haystaya
....................Warsheekh wrote:sad day for doqonkii cagdheer and their fofo Allies Mujaahideenta 7arakatul shabaab are doing a great job defending the deen against the apostates and their dabadhilif allies, takbiir, Allahu akbar
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 487 Views
-
Last post by Keyse_0208
-
- 22 Replies
- 1258 Views
-
Last post by MJ-Pride
-
- 29 Replies
- 2319 Views
-
Last post by LobsterUnit
-
- 1 Replies
- 387 Views
-
Last post by zingii
-
- 5 Replies
- 942 Views
-
Last post by TheblueNwhite
-
- 21 Replies
- 3196 Views
-
Last post by Django
-
- 6 Replies
- 1764 Views
-
Last post by Addoow
-
- 1 Replies
- 405 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 22 Replies
- 1690 Views
-
Last post by Smile-LiKe-SuN-RiSE
-
- 27 Replies
- 1432 Views
-
Last post by Monk-of-Mogadishu