Madaxweynaha Puntland oo Shaaca Ka Qaaday in uu Doonayo in Puntland iyo Somaliland ay Kawada Go?aan Soomaaliya inteeda kale.
Garoowe-(HWN)- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo shalay khudbad ka jeedinayay furitaanka xaflada urur siyaasadiidka cusub ayuu kaga hadlay arimo ku saabsan Somaliland.

aroole ayaa sheegay in Puntland iyo Somaliland ay u wada socdaan wada hadalo gaar ah isagoona sheegay in hadii wada hadaladaasi ay miro dhalaan laga yaabo in iyagoo is kaashanaya ay ka wada go?aan Soomaaliya inteeda kale.
Khudbada Madaxweyne Faroole oo aad u dheereed ayuu sheegay in wada hadalada iminka u socda dowlada Somaliland uu yahay mid ay kaga wada hadlayaan xaga nabad galyada iyo heshiis ay labada dhinac gaaran kadibna laga yaabo in ay ka wada hadlaan ka go?ida Soomaaliya inteeda kale.
Dhinaca kale Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in wada hadalada Somaliland iyo Somalia u dhaxeeya hadii aysan ku jirin maamulkiisa uu yahay mid aanan waxba ka jirin oo aanan socon doonin.
Si kastaba ha ahaate Hadalka kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland ayaa ah hadalkii ugu wanagsanaa ee uu Somaliland kula hadlo isagoona sheegay in hadii wada hadalka iminka Somaliland u socdo uu guul ku dhimaado ay dhici karto in iyagoo iskaashanaya ay Soomaaliya si toos ah uga wada go?an.
Xasan Kuuriya
Hadhwanaagnews/Office Muqdisho
xasankuuriya@hotmail.com



