Suldaan Cabdi to be buried in Kismaayo

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Suldaan Cabdi to be buried in Kismaayo

Post by Talo alle udaa »

Magaalada Kismaayo waxaa soo gaaray wafti ka kooban 35 xubnood oo uu hogaaminaayo wasiirka warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta, Gaadiidka cirka iyo dhulka Cabdullahi Cilmooge Xirsi.

Waftigan oo Kismaayo u yimid inay ka qayb galaan aaska qaran ee loo samaynaayo Allaha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor ayaa waxay ka koobanyihiin, Xildhibaano, culimo awdiin uu hormuud u yahay Sh. Nuur Baaruud Gurxan, Saraakiil ciidan iyo agaasimayaal ay ku jiraan, agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, agaasimaha xafiiska wasiirka iyo agaasimaha shaqada iyo shaqaalaha.

Meydka Suldaanka ayaa la sugayaa in baritoole oo sabti ah la soo gaarsiiyo magaalada Kismaayo, ayadoo ay soo galbin doonaan dhawr diyaaradood oo ay la socdaan wafuud isugu jirta madaxdawladeed, culimo, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo ganacsato.

Amaanka magaalada Kismaayo ayaa la adkeeyay, waxayna ciidamadu ku jiraan feejignaan dheeri ah iyo heegankii ugu danbeeyay ee ay ku sugayaan masuuliyiinta iyo dadka muctarifka ah ee isugu imaanaya Aaska Allaha u naxariistee Suldaan Cabdi Suldaan Cali Sonkor.

KismaayoNews.com
User avatar
guhad122
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4958
Joined: Tue Mar 20, 2007 4:59 pm
Location: Jubbaland, NFD and DDS!!!

Re: Suldaan Cabdi to be buried in Kismaayo

Post by guhad122 »

Good idea because it was his grandfather who led the fighting against the colonial powers in Kismaayo. Suldaan Magan was a true Somali hero.

Ilaaheey Naxariistii Janno haka waraabiyo marxuumka. Most OGs wanted him to be more assertive and combatant on issues but being a Suldaan requires calmness and patience and Suldaan Sonkor possessed those qualities.
User avatar
hargaysaay
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8453
Joined: Sun Jan 17, 2010 7:32 am
Location: Best part about getting high having sex with you is geting high having sex with you part.

Re: Suldaan Cabdi to be buried in Kismaayo

Post by hargaysaay »

AUN
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Suldaan Cabdi to be buried in Kismaayo

Post by Talo alle udaa »

Image

Waxaa maanta magaalada kismaayo aas qaran loogu sameeyay alle ha u naxariistee SULDAN CABDI SULDAN CALI SOKOR oo laba maalmood ka hor ku geeriyooday caasimada dalka kenya ee Nairobi.Marxuumka ayaa mudo uu ku xanuunsanaa hoygiisa kuyaalo magaalada nairobi kadibna ku geeriyooday isbitaalka Caren hospital.Barqanimadii saakayto ayey diyaarad ka soo qaaday caasimada dalka Kenya ee Nairobi.Aaska Suldaanka waxaa ka soo qeyb galay wasiirka warfaafinta iyo boostada iyo isgaarsiinta,Xildhibaano ay ka mid yihiin Cabdirashiid Xidig,xildhibaano kale,saraakiil,wax garad kasoo jeedo gobollada jubbooyinka.

sidoo kale waxaa Nairobi ka yimid wafdi u badan ganacsato iyo culima-audiin soomaliyeed oo ay ka mid ahaa Sh.Nuur Baaruud Gurxan,Sh.Shakuul iyo gudoomiyaha ganacsatada JCC ee nairobi.Waxaa sidoo kale ugaasyada ka soo qeyb galay aaska ka mid ahaa ugaaska beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xirsi Ugaas Xaashi.

Ka hor intii aanan maydka la aasin waxaa kulan gaaban wada qaatay Beesha Maxamed Zubeer oo ahayd Beeshii uu kasoo jeeday Suldaanka geeriyooday iyadoo xiriiro lala sameeyay waxgaradka ku sugan gobollada jubbooyinka sida Afmadow Dhoobley iyo Qooqaaniwaxaana la isku raacay in loo sameeyo hogaan cusub beesha waxayne isku afgarteen in uu Ugaas cabdullahi Ugaas Cali Sonkor oo haatan ku sugan Degmada Dhobley uu noqda Suldaanka cusub ee Beesha.

Waxaa aaskii ka hadlay Ugaasyo, culimaa audiin, waxgarad iyo aqooyahano ka soo jeedo gobbolada jubbooyinka.Dadkii goobta ka hadlay waxaa kamid ahaa Sh. shakuul oo ka mid cullimaa u diinka ugu caasan dalka somalia iyo Ugaas Maxamed Ugaas xirsi Ugaas Xaashi, Ugaas muuse nuur, Ugaas xussen Hafow, waziirka warfaafinta cabdullahi cilmooge xirsi,Faysal cali sokar,guddoomiyaha gobollada jubboyinka sh. Axmed Maxmed islaam,Afahayiinka maamulka Cabdi naasir Seeraar Maax,Gudoomiyaha Degmada kismayo Cabdullahi qaldaan iyo masuuliyiin kale oo fara badan.Gunaanadkii waxaa munaasabadii soo xiray gudoomiyaha odaayasha Absame Axmed cali cigaar oo shaaciyay in xilkii Suldaanimo lagu wareejiyay Ugaas Cabdullahi Ugaas cali sonkar oo maalinta khamiista ah caliima saaarkiisa ka dhici doonto Degmada Dhoobley ee gobolka Jubadda Hoose.

Dhanaan.com
Kismaayo
http://dhanaan.com/suldaan-cabdi-cali-s ... ayosawiro/
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”