02 Febaury 2013 Waagacusub.com- Muxubo aan Dowlad Soomaaliyeed u qabo iyo shaki laabteeyda ka buuxay ayaan ugu baqoolay Hotelkii ay Brusseles ka deganaayeen Madaxweyne Hassan Garguurte iyo wafdigii ku wehliyay safarkiisa.
Xilli Barafkii dhacayay feeray oo Cad ceed kulul bedeshay ayaan ka dhaqaaqay Magaalada aan Holland ka deganahay ee Breda.waxaana Hotel Grand ku gaaray socdaal igu qaatay halsaac iyo Afartan daqiiqo.
Anigoo raadinaya Wasiirka Madaxtooyadda Somalia Farah Abdulkadir ayaan galay wiishkii i geyn lahaa dabaqa afaraad laakiin Leftiga ima qaadi karin xaalad amaan darteed.
Waxaan u yeeray nin ka mida ilaalada Madaxweynaha wuxuuna ii mariyay kaar uu sitay ,isagoo iila dhaqaaqay dabaqa afaraad.nasiib daro Farah Abdulkadir kuma jirin qolkiisa.
Shan daqiiqo markii aan baadigoob ugu jiray ayaa la iigu geeyay meel luuqa oo isaga iyo Kaadiriinta Dam Jadiid ku shaahayeen.
Muxubo iyo Soo dhaweeyn qiimo badan ayaan kala kulmay,dhinaca xigay Farah Abdulkadir ayaan fariistay,waxaa kursiga xigana (Soo jeedka ) Fadhiyay Nin lagu magacaabo Kamal Dahir Gutale (Ina Dahir Gacamey) oo ii sheegay inuu yahay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda.
Kamal Gutale inkastoo muuqaal nin weyn lahaa hadana wuxuu sida Caruur yar ku sheekeysanayay telefoonkiisa Facebook iyo fariimaha la isu diro.
Intuu marqura xageeyga soo jaleecay sida qof soo baraarugay ayuu igu dhahay " Warhaye Dahir Alasow maad qolooyinka Daarood ee Ururka Sahal la baxay iyo Isaaqa cagaha ka tuntid"
Anigoo Yaaban ayaan ugu jawaab celiyay "Maxaad ku maagtay qabiilada Soomaaliyeed ?
Wuxuu iigu jawaabay miyaad ogeyn kuwa Madaxweynaha ku banaanbaxay ee Daarood micnaha Ururkooda Sahal?
maya maya ma aqaano ayaan ugu jawaab celiyay !
Wuxuu igu dhahay "S= SADE A= ABSAME H= HARTI A= AWRTABLE L= LAYLKASE = sidaasi waa SAHAL.
KAADIRIINTA DAMJADIID oo dhan waa qoslayeen ,waxay malaha qiyaastoodu ahayd inaan ka mid ahay dadka cunfiga qabyaalada dishay laakiin si aan u xaqiiqsado qadiyadooda DANLEEYDA iila muuqatay ayaan ku iri " Ma qabiiladaas oo dhan SAHAL iyo ISAAQ ayaan garbaashnaa mise Siilaanyo iyo Faroole"
Wiilka yar ee Playboy Iigu muuqday isagoo telefoonkiisa gacanta ku mashquulsan ayuu iigu jawaabay " DAAROOD iyo ISAAQ waa in Buul laga dhigaa"
Anigoo ka baqanaya inaan kelmad xun iraahdo ayaan ku koobay hadalkeeyga " Aniga ma qabo Cudur qabiil,idinkuna qabiil ma meteshaan waxaadna tihiin daneeystayaal magacoodu yahay Dam Jadiid sidaas darteed wiilkaaga yar ee Xarshaashaya hadii Maskaxdaada ku jirta inaan isku qabiil nahay ,aqoontaada soo dhis,ogoowna qabiil Soomaaliyeed lagama adkaado ee shaqsi danleeya idinka camal ayaa laga adkaadaa laakiin waad ku mahadsan tahay inaad ii soo gudbisay fariinta uu Madaxweynaha la xishooday inuu afkiisa iiga sheego"
Kaadiriinta qosol ayaa jaanta la wada dhigay,waxay xiisada ka dhalatay hadalkaas nala gashay badweyn qaadatay hal saac iyo afartan daqiiqo.
Inkastoo wiilka yar lagu yiri reernimo ula hadal Dahir uu hadalo Faan ka buuxaan soo butaacayay hadana waxaan bilaabay inaan shaaheeyga iska cabo.
Wasiir Farah Abdulkadir oo aan xalay u bixiyay { Farah Topaz) ayaa gacanta i qabtay,wuxuuna igu dhahay ,waxaa ku hor fadhisa Madaxdii Dowladda Federalka Somalia ugu sareeysay badankood ,ma waxaad aaminsan tahay in Dowladnimada naga run ahayn?
Si dhib yar ayaan ugu jawaabay ! HAA.
Wuxuu igu dhahay maxaad ku tiri ,?
Waxaan hordhigay qodobo xasaasiya?
1- In Miisaaniyad sanadeedkii Dowladda Somalia lagu sargooyay Dollar ,iyadoo Shilin Somaligii la yasay ?
2- In Awoodihii Ra''isulwasaraha uu Madaxweynaha si qaldan ugu xadgudbay.
3- In Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Ra''isulwasare ku xigeen laga dhigay haweeneey aaminsan in Somaliland iyo Somalia laba dal kala yihiin,kana aamustay markii la weydiiyay mowqifkeeda Midnimada Qaranimada Somalia.
4- In Dowladii oo shan bil jirta biloowday xirida Wariyeyaasha iyo Caburinta Saxaafadda ,iyadoo Wariye Koronto loo xiray wareysi uu ka qaaday haweeneey sheegtay in la kufsaday.
5- In Shacabkii taageersanaa Midnimada Somalia maalin walba lagu xir xirayo,dilayo degaanada Khaatuma iyo Awdal.
6- In Dowladu diiday Dhamaan maamulada ka jira dalka sida Gudoomiyaha Shabeelada hoose Sayid Cali,kan Jubooyinka Ahmed Madoobe iyo Puntland Faroole balse Wasiirka Arrimaha gudaha Warqad siiyay hogaamiye kooxeedka Cabdi Qaybdiid,kuna cadeeyay inuu Madaxweynaha Galmudug yahay ,iyadoo shacabka rabin,maamul sharciyana uu ka jira degaanka
7- In Dowladii ku aruurtay gacantiina idinkoo magaciinu yahay Urur diimeed la yiraa DAM JADIID.
Wasiir Farah Abdulkadir wuxuu igu yiri "DAHIROW HORTA RUMEYSO DOWLADNIMADA WAXAY NAGA TAHAY DHAB"
Tan Miisaaniyada waxaa dejiyay dhaqaalayahano ay ka mid yihiin Cali Ciise Cabdi iyo Cabdi Salaan sidaas darrteed waan kula qabaa in qalad weyn la galay mar hadii aan Shilin Somali lagu sargoyn Miisaaniyada Dowlada laakiin dimbigaas anaga malahin waxaa iska leh raggii dejiyay iyo Wasaaradda Maaliyadda (Wasiirka Maaliyada maaha kooxdeena)
Tan ku saabsan in Madaxweyne Hassan si qaldan u adeegsaday awoodihii Ra''isulwasaraha waa tan lagu heysto ,waana qasab in la saxo si sharciga Dowladnimo loo ilaaliyo.
Tan ku saabsan in Raísulwasare ku xigeenka ahna Wasiirka arrimaha dibadda Fawziya Haji Adam shaki geliso midnimada aniga waan kula qabaa inay Wasiirada cadeeyso qadiyadaan laakiin waa iga sareeyso kuma dheeraan karo jawaabteeda.
Tan ku saabsan Wariyaha Dowlada xirtay waxay qeyb ka tahay tilaabooyinka aan Dowladnimada ku xaqiijineyno,waa naga go-an tahay inaan xirno qofkasta oo qalad gala,aniga sharci yaqaan ayaan ahay,kuma dhahayo Wariyaha xiran waa Dimbiile laakiin waxaan go-aansanay inaan Saxaafadda hadii dimbi gasho xirno,sharciga horgeyno.
Tan ku saabsan in Shacabka taageersan Midnimada la dhibaateeyo mar walba Dowladana ka hadlin iyadana waa arrin jirta laakiin hada kama hadli karo.
In Wasiirka Arrimaha gudaha Somalia warqad u saxiixay Cabdi Qaybdiid waa been,waa warqad ay kooxda Cabdi Qaybdiid been abuureen.
Tan ku saabsan in DamJadiid afduubatay Dowladnimada waa been,runa ma ahan maxaa yeelay aniga iyo Madaxweynaha maahin DamJadiid.
Wuxuu Wasiir Farah Topaz yiri " Wasiirka Gaashaandhiga maaha kooxdeena,Maaliyadana maaha,Arrimaha dibadana maaha"
Qodobka Qaybdiid Kaadiriinta Dam Jadiid oo dhan ayaa isku raacay laakiin waxay ahayd mid xaqiiqada ka fog
Wasiirka wuxuu iska indha tiray qodobka dhigaya inaan Wariye loo xiri karin qof uu wareeystay maxaa yeelay Wariyeyaasha waxay codka siiyaan dadkaan codka laheyn.
Xantii ku xeerneed Farah Abdulkadir iyo xaqiijinteeyda.
Tan iyo Markii uu Wasiirka Madaxtooyada noqday Farah Abdulkadir waxaa sii badanayay dad ku xamanaya inuu yahay Beenloow,nin been badan taas oo aan qaadan waayay ilaa markii aan la kulmay.
Farah Abdulkadir wuxuu ku dhaartay in Wasiirka Arrimaha gudaha warqad u saxiixin Cabdi Qaybdiid,waxaana dhaartiisa ku raacay Kamal Gutale iyo Madaxweyne Hassan hasse yeeshee waxaan xaqiijiyay inuu warqadaas saxiixay Wasiir Cabdi kariim.
Intii aan la joogay wuxuu ahaa nin been badan oo Wariyeyaasha iyo dadka doonaya inay la kulmaan Madaxweynaha dhamaantood wuxuu ku lahaa waa seexday Hassan Mohamud Alasow.
Madaxweyne Hassan oo Telefoon kula hadlaya Idaacadda BBC laanteeda afka Somaliga ayuu dadka ugu dhaartay inuu seexday taas oo barasho iigu filneed Wasiir Farah Abdulkadir.
Waxaan taariikhda Farah Topaz uga sheekeen doonaa qormooyinkeeyga la magac baxay DHAB KA HADALKA TOP TEN hasse yeeshee Waxaan rabaa inaan qormadeyda sedexaad uga hadlo la kulankeygii Madaxweyne Garguurte,Khudbadiisii lagu hurdooday,Hadaladii uu ku caayay Madaxweynahii hore Shariif Ahmed kuna xaqiray waxqabadkiisii iyo wixii aan ku soo arkay indhaheeyga balse aan ku laabto Farah Topaz iyo Kaadiriinta Dam Jadiid.
Waxay ahaayeen dad ku cusub Socdaalka ama tamashleynta Yurub iyo Mareykanka,la kulmida diblomaasiyiinta dunida 1-aad iyo Dowladnimada.
Waxay la asqoobeen soo dhaweeyntii loogu sameeyay Mareykanka iyo tan Yurub.
Awood ahaan waxay aaminsanaayeen inay Buuraha daqiiqado ku burburin karaan iskaba dhaaf Bini-aadame.
Waxaan xaqiiqsaday inay isku mowqif ka yihiin Colaadinta beelaha Daarood iyo Isaaq.
.
Waxaan xaqiiqsaday inay noqon doonaan koox ka halis badan Al-Shabaab oo Dalka iyo dadka Soomaaliyeed si qaboow u xaraashi doona,Caburin doona Saxaafada madaxabanaan.
Waxaan xaqiiqsaday in Ujeedkooda ugu weyn yahay isku dirka iyo abuurista xiisado qabiil si beelaha madaxa la iskugu gelsho.
Wasiiradda Arrimaha dibadda Fawziya Haji Adam waxay dadkii la kulmay qaarkood u dhashay Hawiye u sheegtay in Qaybdiid loo xilsaaray arrinta Puntland si uu Majeerteenka u burburiyo ama difaac uga noqdo Dowladda.
Dadkii ku dibadbaxay Madaxweyne Hassan markii uu marayay Minnesota waxay iila muuqdeen dad qabyaalad dilootay laakiin la kulankeygii Garguurte iyo Kaadiriintiisa kadib waxaa isbedelay fikirkii aan qabay,waxaana eex iyo qabyaalad uga aamusi karin in Dam Jadiid ka shaqeeynayaan sidii Beelaha Daarood iyo Isaaq looga taqalusi lahaa ,iyagoo kadibna damacsan inay Hawiye iyo beelaha kale u jeestaan.
Somalia uma baahna hogaamiye beela iyo koox daneeystayaala hadii qabiil ku faan lagu gaari karo Dowladnimo xaaladu heerkaan liito ma joogneen sedex iyo labaatan sano kadib sidaas darteed akhristayaashiina reernimada igu tirinaya waxaan kula dardaarmi lahaa inaysan aniga ii caroon oo Cadaalad daro igu qasbin balse Madaxweynaha Cadaadis lagu saaro inuu noqdo Madaxweyne Soomaaliyeed,waana in wiilasha hoos jooga ee Fikradaha liita aaminsan laga eryo Xafiiskiisa.
Intaan Waa waajib,waana Sunah Dowladnimo
By Dahir Alasow
http://www.waagacusub.com/news/02.02.13.1kadiriin.htm
Socdaalkeygii Brusseles - Damjadiid iyo gurgurtee exosed
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- ciyaal_warta
- SomaliNet Super
- Posts: 9629
- Joined: Mon Jan 22, 2007 9:58 pm
- Location: Hiiraan State of Somalia
Re: Socdaalkeygii Brusseles - Damjadiid iyo gurgurtee exosed
and that is from daahir calasow




-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 12 Replies
- 488 Views
-
Last post by Macaaney_1991
-
- 1 Replies
- 346 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 0 Replies
- 298 Views
-
Last post by DalJecel60
-
- 19 Replies
- 1313 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 1 Replies
- 340 Views
-
Last post by SomaliDefenceCouncil
-
- 3 Replies
- 560 Views
-
Last post by original dervish
-
- 18 Replies
- 1588 Views
-
Last post by oxymoron
-
- 0 Replies
- 338 Views
-
Last post by DarthSomali
-
- 4 Replies
- 314 Views
-
Last post by Murax