
Waxaa manta Shirjaraid oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo loga dhawaaqay Xiliga u furmaayo Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo.
Gudomiyaha Saxiixeyaasha Qorshaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo Sh Maxamed Maxamuud Aw-libaax iyo Gudomiyaha Gudiga Farsamada Macalin Maxamed oo si wada jir ah Shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Kismaayo ayaa waxaay sheegen in Shirweynaha Mamaul usameynta Jubboyinka iyo Gedo uu Magaalada Kismaayo ka furman doono 23 besha aanu ku jirno ee Febaraayo.
Masuliyiintaan ayaa waxaa sheegen in Shirka ay ka soo qayb galayaan 500 oo ergo oo ka kala imanaysa Gobolada Jubbada Hoose Jubbada Dhexe iyo Gedo waxaa sido kale Shirka ka soo qayb galaya Wufuud ka kala socota Dowlada Somalia iyo Dowladaha ku bahoobay IGAAD.
Tan iyo Marki Magaalada Kismaayo ay soo gareen Gudiyada Dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Magaalada Kismaayo ka socda diyaar garow logu jiro Shirweynaha Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo hada la go,aamiyay waqtiga uu sida rasmiga ah u furmanayo.