Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Cambaareeyay weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacday Magaalada Gaalkacyo
Isniin, Feberaayo 11, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa cambaareeyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kaasoo uu ku dhintay ruuxii fuliyay, khasaare dhaawacyo ahna sababay.
Weerarka Ismiidaaminta ah oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa lala beegsaday taliye ku xigeenka ciidamada booliiska Puntland ee gobolka Mudug, iyadoo sidoo kale weerarka lagu dhaawac kasoo gaaray sarkaalka, iyadoo ay ku dhaawacmeen sagaal qof oo isugu jira shacab iyo ciidammo.
"Annagoo si adag uga shaqaynayna arrimaha amniga iyo xasilinta dalka, si loo helo mustaqbal wanaagsan, ayaa Alshabaab taas badalkeeda ku howlan yihiin sidii ay u qaadi lahaayeen weeraro fulaynimo ah oo ay waxyeelo ugu gaysanayaaan dadka shacabka ah,” ayuu yiri ra’iisal wasaare Saacid oo intaas ku daray "Kooxda Al-shabaab ay maleegayaan sidii ay u fulin lahaayeen awaamiir laga soo min-guuriyey dibadda dalka. Waxaana halkaan tacsi uga dirayaa dadkii ku wax yeeloobay qaraxaas."
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si buuxda ugu taageerayso maamulka Puntland dadaallada ay ku adkeynayso ammaanka deegaannada ay ka taliyaan.
Xaaladda degmada Gaalkacyo ayaa deggen, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ka dhaca Gaalkacyo, gaar ahaan deegaannada ay ka taliso Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in weerarkan uu yahay mid ay Al-shabaab ka dambeyso, waxaana uu kusoo beegmayaa xilli dhawaan uu ka dhacay magaalada Boosaaso mudaaharaad looga soo horjeedo maamulka Faroole.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
PM Shirdoon on the bombing of galckayo
Moderators: Moderators, Junior Moderators
Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
- kambuli
- SomaliNet Super
- Posts: 17268
- Joined: Thu Jul 28, 2005 3:20 pm
- Location: Proud Toothless Old Faqash Woman
Re: PM Shirdoon on the bombing of galckayo
Gaalkacyo balaayo ayaa maalin walba cid ku dhisha oo afka soo duubatta,, Now those terrorists who left the Jubbooyinka are trying to mess up with Galkacyo...
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 23 Replies
- 856 Views
-
Last post by Goljano Lion
-
- 0 Replies
- 233 Views
-
Last post by MrPrestige
-
- 16 Replies
- 1103 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 2 Replies
- 519 Views
-
Last post by sahal80
-
- 49 Replies
- 3265 Views
-
Last post by Faranacab
-
- 4 Replies
- 414 Views
-
Last post by waryaa
-
- 1 Replies
- 361 Views
-
Last post by Mustafee101
-
- 83 Replies
- 4827 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe
-
- 2 Replies
- 705 Views
-
Last post by GeoSeven
-
- 9 Replies
- 880 Views
-
Last post by hargaysaay