Warbaxin-Maxay tahay sababta Hadda Itoobiya Hub u soo bandhi

ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Warbaxin-Maxay tahay sababta Hadda Itoobiya Hub u soo bandhi

Post by ina aadan »

Warbaxin-Maxay tahay sababta Hadda Itoobiya Hub u soo bandhigtay?

15 February 2013

(Ogadentoday Press)- Dowladda Itoobiya ayaa Taariikhda markii oogu horeysay soo bandhigtay hub, Iyadoo isla markaasna sheegtay inay nooca Diyaaradaha ee loo yaqaan “ Drone” samaysay.

Magaaladda Addis Ababa ayay hub iskugu jira Lidka-Diyaaradaha, nooca Ciidamadda Lugta, Nooca Tank soo bandhigtay.

Addis Ababa ayaa u muuqatay “ Goob Dagaal” War Zone.

Dadka ayaa is waydiinaya sababta hubkan loo soo bandhigay.

Dadwaynaha ayaa dareen kalla duwan ka bixiyay, Iyadoo qaar u fasirteen in Dowladda Itoobiya ay fariin u dirayso waxay oogu yeedheen Cadowgeeda oo aan la magic dhabin meesha qaar kalle sheegeen in Dowladda Itoobiya ay doonayso in dad waynaha u sheegto inay amaanka Dalka Iyo Dadka sugi karaan balse su,aasha ayaa ah ma Shacabka Itoobiya ayaa ka qabay tuhun in Xukummada Itoobiya ciidan ahaan aysan suggi Karin Amaanka Dalka.

Bandhigan Ciidan ayaa ku soo aadaya xilli uu Wargayska Caanka ah ee loo yaqaan Ioo yaqaan “ Indian Ocean” oo ah mid ku xeel dheer arrimaha Sirdoonka uu sheegay in Itoobiya ay qabto tuhun ah inay ka dhex dilaacaan Islaamiyiin Xag Jir ah.

Qoraalka ayaa wargayska uu ku sheegeen in Ururka EPRDF uusan aaminsanayn Islaamka dalka Itoobiya oo Tiro ahaan dhan 50 Malyan oo dad ah.

Qormo yar oo aan ka soo qaadnay ayaa u qornayd siddan

EPRDF doesn’t trust Muslims

The “Muslim threat” was at the centre of discussions at a discreet meeting between the heads of the security and the police services in Addis Ababa last week-end

EPRDF, ma aaminsano Muslimiinta.

Wargayska ayaa sheegay in dooda kullamadda isbuucan oogu danbeeyay ee dhex marayay Madaxa aminiga Iyo La,aamaha Ciidanka Booliska ee Addis Ababa uu ahaa “ Muslim Threat” Khatarta Muslimiinta.

Kullankan ayaa waxaa ka qayb galay Dhamaan Sirdoonka Dalka, Booliska Iyo Mulatariga waxaana Dalka ka socda Mudaaharaadyo ka dhan ah Xukumadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa waxaa ka jira Dagaallo kuwaas oo u dhaxeeya Jabhaddo hubaysan oo ku kacsan Dowladda Itoobiya.

Jabhadda ONLF ayaa u dagaalanta gooni isu taaga Dhulka Soomaalidda Ogaadeeniya oo gacanta Itoobiya galay Qarnigii 19aad.

Dhanka Kalle waxaa jiraa loollan Siyaasadeed oo maalmahan u dhaxeeya Ururka EPRDF.

Jabhadda Ginbot 7 ayaa muddo billo kahor ah ku dhawaaqday inay la dagaalamayaan Dowladda Itoobiya.

Dhowr Jabhadood uu Dowladda Itoobiya ku kacsan ayaa la sheegay inay hadda u socdaan Shirar kuwaas oo ay dhamaan ku midaynayaan Ciidankooda isla markaasna Dowladda Itoobiya ay u aragtaa khatar ku soo wajahan

Tiradda Ciidanka Itoobiya ayuu Macadka Arrimaha Amniga Cilmi Baadhista ku sameeya ku qiyaasay inay dhan tahay 135,000 Ciidan ah meesha Ciidamadda Cirka laga dhigay inay yihiin 3,000.

By Tafatiraha Ogadentoday Press.

Ogadentoday Press.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”