23 Ardey ayaa loo qabtey waxana 7 ka mida ay ahaayeen Dumar ,iyadoona uu ka soo qaybgalay Gudoomiyaha Barlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,Wasiirka Cadaalada Dr.Cabdi Khalif Ajaayo ,wasiir xigeenka Waxbarashada Bootaan,Madaxda laamaha Garsoorka ,Agaasimaga PDRC ,Madaxa UNDP Puntland ,Culimo ,Aqoonyahano ,Waalidiin iyo dhalinyaro.
Dadkii ka hadlay Xafladan ayaa hanbalyo iyo bogaadin u soo jeediyey ardeyda qalinjebisey ,waxana ay la wadaageen farxada iyadoona sidoo kale qaarkood kula dardaarmeen inay Bulshada uga faa'ideyaan waxyaabihii ay barteen.
Gudoomiyaha Jaamacada PSU Dr.Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa si kooban uga waramay kuliyadda Qaanuunka iyo UNDP oo gacan ka siineysey ,sidoo kalena sheegey inuu aad ugu faraxsanyahay Bixitaanka Dufcadii ugu horeysey ee Qaanuunka iyo Sharciga barta.
Culimadda oo qaarkood ka hadlay Iyana xafladan ayaa soo jeediyey in kuliyad u gaar barashada Sharciga Islaamka lagu daro qaybaha ay ka koobantahay Jaamacadu.
Dhankiisa ayuu Prof Cabdi Shuuke madaxa PDRC ardeyda ku bogaadiyey inaysan dowladda uun ka sugin shaqo ee si iskood ah uga hawlgalaan laamaha ,xafiisyada iyo hayadaha kala duwan ee Garsoorka si khibrad u siyaadsadaan ka hor mushahar iyo shaqaaleysiin.
Arydeyda ayaa dhankooda ka cabirey dareenka kaga aadan maalintan oo in badan sugayeen ,waxana ay balanqaadey Faaiso oo ku hadlay magaca ardeyda qalinjebisey in dib ugu celin doonaan Bulshada waxa ay barteen.
Cadaalad ayaa bulsho horumar ku gaarta ayaa ahaa halku dhega Xafladan loo dhigey ardeyda afartii sanno ee la soo dhaafay baranaysey Qaynuunka iyo Sharciga ,iyadoona in badan laga hadlay qaabkii si siman loogu adeegi lahaa dadka.
Dhamaadkii Ayaa loo qaybshey shahaadooyin ardeyda ,waxana jirtey in hayado sidoo kale la gudoonsiiyey xubnaha qaarkood ,iyadoona guud ahaan dareen farxadeed uu hareeyey Jaamacada PSU iyo dhamaan ka soo qaybgalaayshii qalinjebintan.




