FG Interior Minister: no major conflict in Kismaayo
Posted: Mon Feb 25, 2013 9:47 pm
Dhageyso wasiirka Arimaha Gudaha oo ka warbixiyay kulankii saacadaha badan qaatay ee uu la yeeshay masuuliyiinta maamulka Kismaayo
Wafdigii DFS ee maanta booqday magaalada Kismaayo ayaa galabta dib ugu noqday magaalada Muqdisho.Wafdigan oo ka koobnaa 3 wasiir iyo saraakiil ka socotay AMISOM ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kulan kulan yeeshay masuuliyiinta maamulka magaalada Kismaayo iyagoo ka wada hadlay arimaha maamul usameynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo.
Wafdigan oo ka koobnaa 3 wasiirr iyo saraakiil AMISOM ah waxaa hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha Cabdikariin Xuseen Guuleed waxaana weheliyay wasiirka G/dhiga Cabdixakiim Maxamed Xaaji Fiqi, wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta Xasan Saleebaan.
Wasiirka arimaha gudaha oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Kismaayo aysan dhib weyn ka dhacday.Wasiirku wuxuu sheegay in natiijadii kasoo baxday kulankii saacadaha badan qaatay uu noqday in wadahadalada la sii wado.Hadalkaas ka soo yeedhay wasiirka ayaa u muuqda mid muujinaya in labada dhinac aysan waxba isla meel dhigin.
Warbixintii wasiirka halkan hoose ka dhageyso