Page 1 of 1

Somalia Court Sentences Al-Shabaab leader and 11 others to d

Posted: Wed Feb 27, 2013 10:35 pm
by Mustafee101
Puntland, Somalia court sentences Al-Shabaab leader Godane and 11 others to death after a court found them guilty in Bossaso on Wednesday.
Maxkamadda Ciidamada Puntland oo dil Toogasho ku Xukuntay 12 ruux oo uu ku jiro Hoggaamiyaha Al-shabaab (SAWIRRO)

Arbaco, Feberaayo 27, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukun ku ridey dad ku eedeysnaa in ay ka danbeeyeen dilkii Sheekh/Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee Soomaaliya.

Eedeysaneyaasha oo ay tiradoodu tahay 12- qof, islamarkaana ay 6 kamid ahi maxkamadda joogeen, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah, iyadoo xukunkoodana uu ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- Cabdifataax Xaaji Aadan.

"Maxkamddu markay dhegeysatey doodda xeer ilaalinta iyo difaaca qareemada, maxkamaddu markay akhrisatay caddeymaha laga qoray eedeysaneyaasha, maxkamadda markii la horkeenay caddeymo ay bixiyeen eedeysaneyaasha qaar kamid ah...sidaas darteed maxkamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah"

Gudoomiyaha maxkamadda ayaa ugu danbeyntii sheegay in eedeysaneyaasha xukunka lagu ridey ay haystaan muddo 30-maalmood ah, si ay racfaan uga qaataan xukunka ku dhacay. Dadka la xukumay oo uu ku jiro hogaamiyaha xarakada Al-shabaab ayaa kala ahaa sidan:

Axmed Cabdi Godane - Hoggaamiyaha Al-shabaab :stylin:
Axmed Maxamed Cali (Mustaf)
Maxamed Maxamuud Saacadoole (Abu-hureyra)
Maxamed Abshir Cartan
Cabdiraxmaan Maxamed Cali
Cabdiqani Nuur Maxamed (Qorane)
Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf \
Xasan Jaamac Xasan (Surato)
Cismaan Cabdirisaaq Saacid (Khaalid)
Mowliid Maxamed Aadan (Gaashaan)
Cabdiraxmaan Axmed Sheekh Cumar (Ayaanle)
Cismaan Axmed Qaasim (Ayuub)


Xukunkan ayaa imaanaya 14-bilood kaddib, markii magaalada Boosaaso lagu diley Sheekh Axmed Xaaji Cabdiraxmaan oo kamid ahaa culimada waaweyn ee dalka, islamarkaana ay saaxibo dhow ahaayeen Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax oo isagana labo todobaad kahor magaalada Garoowe lagu diley.

Waa markii ugu horeysey sanadkan ee maxkamadda ciidamad qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ay xukunto dad lala xiriirinayo ururka Al-shabaab, haseyeeshee waxay sanadkii hore ee 2012 xukunno kala duwan ku ridey in ka badan 10 qof oo kale.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

Re: Somalia Court Sentences Al-Shabaab leader and 11 others

Posted: Wed Feb 27, 2013 10:44 pm
by afisoone
Mustafee101 wrote:Ruqiyo Xasan Maxamed Yuusuf
Bal qof dumar ah oo lagu xukumay dil. Maxay suubisay neh.. Only she is the husband of terrorist...