Raysal-Wasaaraha Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Wasiirada Arrimaha Gudaha Cabdikariim Xuseen Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga Cabdixakiim Xaaji Maxamuud Fiqi, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo saraakiil ciidan ayaa gaaray degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.
Raysalwasaaraha ayaa waxaa garoonka Dhuusamareeb si weyn ugu soo dhoweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada degmada, sida, maamulka dowladda, mas’uuliyiinta Ahlusunna Waljamaaca, iyo dadweyne fara badan kuwaas oo lulayay caleemo qoyan.
Raysalwasaraha ayaa waxaa uu u gudbay xarunta degmada halkaasoo ay ku sugnaayeen kumanaan dadweyne ah oo ka kala yimid qeybaha uu ka kooban yahay gobolka Galgaduud, waxayna dadkani wateen boorar iyo sawirada RaysalWasaaraha.
Raysalwasaaraha Soomaaliya oo isagu ku dhashey kuna bar-baarey magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in booqashadiisu xiiso gaar ah iyo xasuuus lama ilaawaan ah ay ku reebayso maadaama aanu muddo dheer arag magaaladda uu ka soo jeedo.
Cabdi Faarax Shirdoon oo la hadlay dadweynaha ayaa uga mahadceliyay soo dhoweynta ballaaran ee ay u sameeyeen, wuxuuna xusay in degmada Dhuusamareeb ay tahay degmadii uu ku dhashay ayna muhiimad gaar ah u leedahay booqashadiisan.
Sidoo kale, Raysalwasaaraha waxa uu u mahadceliyay maamulka Ahlusunna Waljamaacah sida ay isaga difaaceen kooxda al-Shabaab oo uu sheegay inay marar badan isku dayeen inay xoog kula wareegaan degmada balse ay u babac dhigeen xoogaga Ahlusunnah, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay maamulka dowladda ee gobolka iyo degmada.
Raysalwasaaraha ayaa mar uu ka hadlayay isbedelka magaalada waxa uu xusay in degmada ay ka muuqato dib u dhac ayna ka muuqdaan raadadkii dagaalada, isaga oo u balan qaaday in xukuumadu u howlgali doonto sidii looga taageeri lahaa dhinacyada waxbarashada iyo adeega bulshada.
Raysalwasaaraha ayaa sidoo kale xusay in booqashadan ay jawaab u tahay booqasho ay mas’uuliyiinta Ahlusunnah ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho markaas oo uu ballan qaaday inuu booqasho ku tegi doono Dhuusamareeb. waxaana inta uu joogo Raysalwasaaruhu kulamo la qaadan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada, sida odayaasha dhaqanka, waxgaradka, siyaasiyiinta, dhalinyarada, haweenka isaga oo kormeero ku sameyn doona qeybaha taariikhiga ah ee degmada.
Muhimadda safarka raysalwasaaraha ahaa ah sidii uu ugu kuur geli lahaa xaaladda dhabta ah ee halkaas ka jirta, dadkana u dhegaysan lahaa, sidoo kale waxa uu doonayaa in maamulka ahlu-sunnah ay ku qancaan in Dowladdu maamul u soo magacaabto gobolka Galguduud oo qaybo ka mid ah weli al-Shabaab haystaan.
Dhuusomarebians welcomed prime minister shirdoon
Moderator: Moderators
- FarhanYare
- SomaliNet Super
- Posts: 19029
- Joined: Fri Jun 17, 2011 10:06 pm
- Location: Location:Location
-
- SomaliNet Super
- Posts: 20702
- Joined: Wed Jun 28, 2006 9:39 am
Re: Dhuusomarebians welcomed prime minister shirdoon
Fartcity welcomes their own.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 2 Replies
- 702 Views
-
Last post by GeoSeven
-
- 32 Replies
- 1921 Views
-
Last post by Rightwing
-
- 15 Replies
- 1284 Views
-
Last post by The_Patriot
-
- 13 Replies
- 1595 Views
-
Last post by CoolPoisons
-
- 2 Replies
- 710 Views
-
Last post by Minneapolis Mayor
-
- 14 Replies
- 1466 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 17 Replies
- 1662 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 18 Replies
- 1710 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 8 Replies
- 2847 Views
-
Last post by Voltage
-
- 83 Replies
- 4758 Views
-
Last post by AbkoowDhiblaawe