Ahlu Sunnah forces are now government forces, ahlu Sunnah's political wing to be disbanded, the government will pay 5 million to recoup finances used to fight Al Shabaab, Ahlu Sunnah's administration disbanded..on the spot new administrations and mayors were named for these towns formerly held by Ahlu Sunnah
-Caabudwaaq (Marehan)
-Dhusa-Mareb (Cayr)
-Xeraale (Dir/Fiqi Muxumud)
-Balanbale (Marehan)
-Guri-ceel (Cayr)
-Dhabbad (Marehan)
Admins namedDowladda Somalia iyo Ahlusunna Waljamaaca oo Heshiis ku gaaray Degmada Caabud-waaq ee Gobolka Galguduud
Arbaco, Maarso 06, 2013 (HOL) — Wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid oo booqasho ku maraya deegaanno ka tirsan gobollka Galguduud, ayaa wararka laga hellayo degmada Cabud-waaq waxaa ay sheegayaan in halkaa ay hishiis rasmi ah ku gaareen wafdiga xukuumada iyo maamulka Ahlu Sunna Waljameeca.
Kulan saacado badan qaatay oo degmada Caabud-waaq ku dhaxmaray mas’uuliyiin ka tirsan Ahlu Sunna Waljameeca iyo wafdiga uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa lagu go’aansaday ama lagu hishiiyay in ay xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca si toos ah uga mid noqdaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Xubanaha ka socda Ahlu Sunna Waljameeca ayaa kulanka ka qeyb-galay ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Cabdi Cali Fiidoow, guddoomiyaha talada Sheekh Cumar C/qaadir iyo saraakiil kale.
Wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadallada labada dhinac ay soo socdeen mudo dheer, laakiin ugu danbeytii xalay la soo gabagabeeyay.
“Hishiiskan waxaa oran karnaa waa mid taariikhi ah oo dhabaha u xaaraya wada shaqeyn rasmi ah oo dhaxmarta dowladda iyo dowladda iyo qeybaha kale ee bulshada,’’ ayuu yiri wasiirrka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka xukuumada Soomaailya.
Guddoomiyaha guddiga fulinta Ahlu Sunna Waljameeca Sheekh Cabdi Cali Fiidoow oo warbaahinta la hadllayay ayaa dhinaciisa soo dhaweeyay hishiiska, waxaana uu sheegay in culima’uudiinka Ahlu Sunna Waljameeca goor hore u istaageen difaaca dalka iyo dadka, si buuxdana u la shaqeyn doonaan dowladda Soomaaliya.
Ahlu Sunna waa urur diimeed hubeysan siweynna uga soo horjeeda xoogagga Al-shabaab, waana urur ku xoog badan gobollada dhexe, gaar ahaan gobollka Galguduud, bilihii ugu danbeeyayna waxaa ay dhinaca siyaasada isaga oo dhawaanayeen dowladda federaalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Baladweyne, Soomaaliya
http://hiiraan.com/news/2013/Mar/warark ... -21133.htm
http://hiiraan.com/news/2013/Mar/warark ... -21135.htm
Full agreement
http://warqaad.com/2013/03/06/akhriso-q ... meystiran/