Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by Siciid85 »

:blessed:


War-saxaafadeed: Madaxweynaha Somaliland Iyo Raysal Wasaare Xigeenka Turkiga Oo Kulan Yeeshay + Sawiro.

Ankara (Ramaas) Mar.11, 2013 - Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsiga labada qaran.


Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa.
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa kulankaasi ka dib saxaafadda uga waramay dulucda qodobadii lagu falan-qeeyay kulankii dhex maray Raysal Wasaare Ku xigeenka Turkiga iyo Weftigii Madaxweyne Siilaanyo.

“Arrimaha Raysal wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Madaxweynaha Somaliland ay ka wada hadleen waxa ka mid ahaa, in kor loo qaado iskaashiga iyo xidhiidhka labada wadan, isla
markaana kor loo qaado kaalmadda ay dawladda Turkigu siiso Somaliland,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi.
Wasiirku wuxuu intaasi ku daray “Waxa kale oo aad looga hadlay arrimaha labada dal iska kaashan doonaan waxa ugu horeeya dhinaca tacliinta, khaasatan dhinaca waxbarashadda
farsamada gacanta iyo dhinaca caafimaadka oo aanu weydiisanay inay dawlada Turkigu ay cisbitaalo casri ah ka hirgeliso Somaliland.”
“Waxa kale oo kulankan la isla qaatay in diyaarada Turkish Airlines oo imika meelo ka mid ah Geeska Afrika timaada inay duulimaadyadeeda ku soo darto Hargeysa, iyadoo ay bilaabi
doonto duulimaadkaasi marka Bisha lixaad ee sanadkan la dhamaystiro dayactirka iyo casriyaynta madaarka Hargeysa,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibaddu
, waxaanu isagoo
hadalkiisa sii watay uu yidhi “Waxa kale oo horeba miiska u taalay booqasho aanu doonaynay in madaxda sare ee dalkaTurkigu ay ku timaado Somaliland, waxaanan rajaynaynaa
inay booqashadani noqon doonto sanadkan 2013-ka gudihiisa.”


Dhinaca kalena, madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa waxa quraac sharaf ku soor-yeeyay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa Wasiirka Tamarta ee Turkiga uga xog waramay khayraadka ku dihin ee dalka iyo sida ay xukuumadiisu u soo dhaweynayso maal-gashadeyaasha
caalamiga ah.

Wasiirka Macdanta, biyaha iyo Tamarta Somaliland Mudane Xuseen Cabdi Ducaale ayaa saxaafada tafaasiil ka siiyay qodobadii Madaxweyne Siilaanyo u bandhigay Wasiirka Tamarta ee Turkiga.
“Waxa noo suurto-galay inaanu u bandhignay mashaariicda tamarta ah ee dalkeena ka socda,khaasatan shirkadda Genel Energy ee Turkish-ka ahi ka wado. Aad iyo aadna way ugu riyaaqeen hawshaasi,”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo biyaha Somaliland.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxa kale oo aanu u soo bandhignay fursadaha maal-gashiga ee u banaan sharaa’iga Turkiga eek u hawlan mashaariicda koronto dhaliska oo
dalkeenu daciif ku yahay. Markaa arrintaasna way soo dhaweeyeen oo waxay balan qaadeen inay sharaa’ig khaas ah oo qabta shaqada tamar dhalista ay dhakhso ugu soo diri doonaan Somaliland
si ay u soo indho indheeyaan wadanka.”

Geesta kalena, Weftiga Madaxweynaha Somaliland waxay isla maanta kulan la yeesheen Masuuliyiinta Ha’yadda horumarinta u qaabilsan Turkiga, waxaanay ka wada hadleen dhinacyada horumarinta waxbarashadda, wadooyinka iyo kaabeyaasha dhaqaalaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisu waxa kale u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha
Somaliland iyo Weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay rooga cas oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo.


Waxa kale oo madaxweynaha iyo weftigiisa ka soo galbiyay Gaadiidka khaaska u ah wufuuda caalamiga ah ee dalkaasi booqashada ku yimaadda.
Weftiga Madaxweynaha ee socdaalka ku jooga dalka Turkiga waxa ku weheliya Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda, madaxtooyadda, macdanta iyo Biyaha, waxbarashadda, dib u
dejinta, Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya iyo Marwadda koowaad ee Somaliland.

http://www.ramaasnews.com/index.php/New ... eshay.html


Image

Image

Image
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by Rightwing »

[youtube]ov8Lb9uklJE&feature=player_embedded#![/youtube]
User avatar
X.Playa
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 17317
Joined: Sun Mar 17, 2002 7:00 pm
Location: Canada,Hawd

Re: Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by X.Playa »

mr iskaashi.. xidhiidh and sadaqo. This guy uses these 3 words for everything.fuck you begger.
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by Siciid85 »

^Lol. He should just broaden his Somali vocabulary and of course be firm on the Somalia side when he sees them on the wrong like their attempt to get involved
in the Mohamed Cali Samatar - Baashe case.





Rightwing :up:
User avatar
Rightwing
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9248
Joined: Mon Dec 23, 2002 7:00 pm
Location: Maqaamka lagu xadreeyo MEDED, MEDED
Contact:

Re: Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by Rightwing »

Have you noticed the red carpet
.
.
.
.
.
I


Patrolka oodweyne. :Obama:
User avatar
Thuganomics
Posts: 14075
Joined: Wed Sep 08, 2010 12:56 pm
Location: Arguments gain nothing but resentment, Disscussion however creates learning

Re: Turkish Airlines to start flights to Hargeysa,Somaliland

Post by Thuganomics »



Image Wey duushey :sland:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”