Page 1 of 1

Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Mon Mar 11, 2013 11:04 pm
by ina aadan
Khaddar iyo madaxweyne Cabdi Iley oo ah laba nin oo isu seedi ah in badana soo wada shaqeeyey waxna soo wada cunay ayaad hadda moodaa in ay soo kalataagan yihiin. Inkasta ooy baryahan danbe oo dhan laga deeyrinayey xidhiidhkooda, haddana wuxuu soo ifbaxay khilaafkoodu hadda markii uu 3sedex todobaad kahor uu Cabdi Iley kabineetka ka ansixiyey in xafiiska jidadka laga hoos bixiyo waaxda ugu muhiimsan oo ah tan wadooyinka qaabilsan, sidoo kalena ay hoos yimaadaan shaqaalaha xirfadlayaasha ah sida engineerada iyo dhamaanba qalabka waaweyn ee wadooyinka lagu sameeyo, kadibna laga dhigo xafiis ama shirkad dawladu leedahay (profit making enterprise), kaddibna lasiiyo mashariicda wadooyinka ee deeganka waxaana ladhihi karaa waa company labaad oo usoo kordhay Cabdi Iley iyo nimanka dibada kasoo xoogsitagay, kasawkow shirkadan kale ee ceelasha qodo ee layidhaahdo water well enterpriss uuna madaxa kayahay ninka layidhaahdo IBRAAHIN.

Haddaba arintan sameynta shirkadan cusub ayaa hadda dhaqan gashay loona magacaabay Guuleed Jabane. Dhinaca kale Cabdi Iley iyo dadka ay ehelka yihiin ayaa u arka in uuna Khaddar wax wayn kaqabanin shaqooyinkii ama hawlihii xafiiskiisa kaga aadanaa degmada MARSIN; dhinaca kale Khadar ayaa aad uga xumaanday maalin dhaweeyd kadib markii uu Guuleed Jabane uu sharooteeyey bakhaarkii xafiiska jidadka uu qalabku u yaalay halkaana ay isku afdhaafeen labadan nine e afka leeysu galieyey. Khaddar ayaa dhiniciisa kudoodaya in uuna xaq ulahayn Guuleed in uu sharooteeyo bakhaarka ilaa inta laga sameeynayo shuruuc cadayneeysa waxyaabaha ay masuulka ka yihiin iyo noocyada qalabka ay tahay in lagu wareejiyo. Sidoo kale wuxuu kudoodayaa in loo bahanyahay gudi xilka u kala wareejisa in lasoo magacabo inkasta oo arintan kadib laxaliyey oo ayna hadda dhibaato kajirin.

Haddaba bal waxaan eegidoona in ay hawshani siisocoto iyo in ay dadka u been guurayaan ooy tahay arintu miciyo abeeso hoosteey kaxidhiidhsanyihiin; waxaana laga yaaba in ay kudoonayaa reactionka dadka cadawga ku ah maadama oo uuna Cabdi Iley baryahan xogta dadka iyo xaaladaha hoose uuna xantooda helin si la mid ah sidii hore, isla markaasna uuna dad badan mawqifkooda siyaasadeed uuna lasoconin bal waan kala dhawridoona sida ay wax u dhacaan maalmahan haddii Allah yidhaahdo, anagoo aad uga digtoon in aan durba rumeeysano haddaladooda maadama oo laga yaabo in ay show dhigayaan.

Waxaanan kukala garandoona in Khaddar xafiis kale lageeyo iyo in kale marhadii lakala jarjaray xafiiskii jidadka.

Bahda Faallo.com

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Mon Mar 11, 2013 11:40 pm
by MarsinQorahay
meesha ey marsin ku taaal :blessed:

thanks for the info inadeer

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Wed Mar 13, 2013 1:53 pm
by ina aadan
Adoo nin Cali yuusufa miyaan Marsinqalqalooc ku baraa maanta.

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Wed Mar 13, 2013 2:35 pm
by MarsinQorahay
ina aadan wrote:Adoo nin Cali yuusufa miyaan Marsinqalqalooc ku baraa maanta.
Aniga iyo adiga keene arrimaha siyasiiga ku fiican? wax oo reer warfaa qabtay majiro, hadaa qurbojoogta booqata ina iley reer warfaa ba ugu badan, hada ka hor mar aad tiri ''reer cali yusuf waa dad inkaaran'' adigu geeljira ah ban anigu siyaasad kala tooraya. hooganka kilika ama ONLF.

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Wed Mar 13, 2013 2:37 pm
by ina aadan
War warfaabad ka hadlaysaa e xitaa cabdile ma ihi niyow.

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Wed Mar 13, 2013 2:43 pm
by MarsinQorahay
ina aadan wrote:War warfaabad ka hadlaysaa e xitaa cabdile ma ihi niyow.
ilahay ba mahad leh markaas :blessed:

Re: Khadar Dheere iyo Cabdi Daaxuur oo madaxa isla galay.

Posted: Wed Mar 13, 2013 2:44 pm
by ina aadan
MarsinQorahay wrote:
ina aadan wrote:War warfaabad ka hadlaysaa e xitaa cabdile ma ihi niyow.
ilahay ba mahad leh markaas :blessed:
Ninki aaminaa awoodle.