Maamulka Somaliland ayaa si Cadiifad Qabiil ka muuqato oga Jawabay Heshiis dhowr qodob ka kooban oo Magaalada Garoowe e Xarunta Maamulka Puntland ay ku gaareen Raisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane C/qaadir Faarax Shirdoon (Saacid) iyo Madaxwaynaha Maamulka Puntland Cabdirixmaan Sheekh Faroole.
Boqor Cabdirixmaan Boqor Axmed Cali oo kamid ah Boqorada ugu Caansan deegaanada Soomaaliland oo isagoo ku sugan Magaalada Burco Saxaafadda la hadlay ayaa ku tilmaamay heshiiskaasi mid ay wada gaareen beelaha Daarood isla markaana caqabad wayn ku ah Maamulka Soomaaliland iyo Beesha Isaaq waa sida uu hadalka u dhigee.
Boqorka ayaa sidoo kale Tibaaxay Heshiiyadaasi ay sidoo kale saamaynayaan dhaqaalaha Maamulka Puntland taasoo uu ku micneeyay dhaqaalaha kasoo xarooda dekadda iyo Madaarka Boosaaso in uu ku dhici doono Jeebka dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
“Raisul Wasaaruhu waa nin kasoo jeeda Qabiilka Mareexaanka ahna daarood waxay ku heshiiyeen in hubka wax laga siiyo oo ay ku gumaadaan dadka Soomaliyeed, waxaad moodaa Xamar dee waa Magaalo madaxdii Wixii Soomaaliya la isku oran jiray qabil gaara ayaa daga, boosaaso Qabiil gaar ah ayaa daga hubku waxay ku layn doonaa dad Soomaaliyeed waliba waxaan anagu aaminsanahay hubku in loo tabcaday Soomaaliland” ayuu yiri mar uu hadlayay Boqorku.
